Wararka maanta

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Dalka k/afrika oo tacsi tiiraanyo leh u diraysa
Ummadda Soomaaliyeed.

Jaaliyadda soomaaliyeed ee dalka k/afrika waxeey tacsi tiiraanyo leh u diraysaan
ummadda soomaaliyeed & qaraabadii & eheladii uu ka geeriyooday mujaahidkii
weynaa & qoraakii caanka ahaa sh. ibrahim cabdla maxamed maax oo ku
geeriyooday wadanka isutaga carabta ee magaaladda dubaay,
jaaliyadda soomaaliyeed ee dalka k/afrika waxeey ilaahay ooga baryeeysaa

marxuumka inuu ka waraabiyo jannatul fardowsa , ummadda soomaaliyeed &
qaraabadii uu ka tagayna ka siiyo samir & iimaan

innaa lilaahi wa inaa iliihi raajicuun

C/raxmaan Raabi
Gudoomiye kuxigeenka jaaliyadda
soomaaliyeed ee Eastern Cape

 

Nin ka tirsanaa shaqaalaha hay'adda Concern ayaa kooxo hubeysay waxa ay ku dileen gudaha suuqa Bakaaraha

Nin ka tirsanaa shaqaalaha hay'adda Concern ayaa kooxo hubeysay waxa ay ku dileen gudaha suuqa Bakaaraha meel ku dhow suuqa sarifka ee Bakaaraha agagaarka daarta Cali Dheere.

Ragga dilka geystay ayaa ka koobnaa seddax nin, waxaana ay ku hubeysnaayeen bastoolado, waxaana la sheegay in ay rasaas madaxa kaga dhufteen marxuumka deetana ay goobta ka carareen.

Ma cadda sababaha ay kooxahaasi hubeysan u dileen ninkaasi kamid ahaa shaqaalaha hay'adda Concern.

Dilka maanta ka dhacay gudaha suuqa bakaaraha ayaa noqonaya dilkii seddaxaad ee suuqa loogu geysto shaqsiyaad, iyadoo horey loogu dilay mas'uul ka tirsanaa shirkadda isgaarsiinta Nationlink iyo sidoo kale afhayeenkii ganacsatada gobolka Banaadir Cabbaas Maxamed Ducaale

 

Nin Rayid ah oo lagu dilay Gudaha Magaalada Marka ee Xarun Gobolka Sh/hoose

Nin rayid ah ayaa lagu dilay magaalada Marka ee xarun goboleedka gobolka Sh/hoose, iyadoo dilka ninkaas loo adeegsaday falaar sida ay sheegayaan wararka laga helayo magaalada Marka.

Falka dilka ah ayaa ka dhacay meel ku dhow masjidka Al-suna ee magaalada Marka, iyadoo dilkaasi uu geystay nin falaar ku hubeysnaa kaasi oo marxuumka wadnaha kaga dhuftay falaarta.

Marxuumka geeroyooday ayaa lagu magacaabi jiray Nuur Maadey, waxaana la sheegay in uu caan ka ahaa magaalada Marka, lamana oga sababaha ka dambeeya dilkiisa.

Gacan ku dhiiglaha ayaa baxsaday markii uu falka dilka ah u geyay marxuumka, iyadoo dad weyne fara badan ay isugu so bexeen halka lagu dilay marxuum Nuur Maadeey.

Dadka ku dhaqan magaalada Marka ayaa walaac ka muujiyey dilka loo geystay marxuumkaas oo ay sheegeen in uu ahaa nin rayid ah oo kamid ahaa dadka ku dhaqan magaalada Marka.

Home // Warar hore // Taariikh // Faallo // Maqaallo // Agoonta S/galbeed // Xidhiidhka
Copy right © Soomaligalbeed 2006

Email:Webmastar@soomaaligalbeed.com

Website: http://www. soomaaligalbeed.com