|
Wararka
maanta
|
||
|
Sheekh
Xasan Daahir Aweys oo Wadamada Carabta ku eedeeyay Wax kaqabad la'aanta
dhibaatada dalka Somalia. Sheekh Xasan Daahir Aweys oo ka mid ah Isbaheysiga dib u xoreynta Somalia oo qadka tefanka ugu waramayay TV-al Arabia isagoo ku sugan Magaalada Asmara ee xarunta Wadanka Eritrea ayaa si kulu u Weeraray siyaasada Carabta oo ay iska indha tirayso dhibaatada ka taagan gudaha dalka Somalia gaar ahaan Magaalada Muqdisho. Sheekh Xasan Daahir Aweys waxa uu sheegay in Shacabka Somalia ay xaq ugu leeyihiin Walaalahood Carabta in ay ka Caawiyaan dib u soo Celinta amaanka iyo deganaashaha dalka Somalia oo ay baabiyeen dagaalo Sokooyey oo ka qarxay Sanadkii 1991. Waxa uu soo hadal qadaay farqiga u dhaxeeya dhibaatada dalka Somalia iyo dhibaatadii dhawaan ka dhacday wadanka Lubnaan,waxaana Sheekh Xasan Daahir uu sheegay in dhabaatadii dhawaan ka dhacday wadanka Lubnaan ay aheyd khilaaf soo kala dhaxgalay dadka lubanaaniyiinta ah halka Somalia uu soo fara galiyay Cadaw dibada ka yimid sida uu hadalka u dhigay. Sheekh Xasan daahir waxa uu si weyne u dhaleeceeyay xogayaha guud ee Jaamacadda Carabta Caamir Musaa inuu san ku dadaalin Xalinta dhibaatadii dalka Somalia sidii ugu dadaalay dhibaatadii dhawaan ka dhacday wadanka Lubnaan waxa uu yiri kama maqlin hal hadal oo ku aadan xasuuqii Ciidamada Ethiopia ay ka geysteen gudaha dalka Somalia xogyaha guud ee Jaamacada Carabta caamir Muusaa sida uu hadlka u dhigay. Seekh Xasan Daahir Aweys ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in dhibaatada dalka Somalia ay Xalkeeda uu noqonayo mid fog inta Ciidamada Ethiopia ay joogaan gudaha dalka Somalia. Sidoo kale Sheekh Xasan daahir Aweys waxa uu si weyn u dhaleeceeyay hadalkii dhawaan ka soo Baxay Raiisul wasaaraha dalka Ethiopia meles Zen ewe oo Baarlamaankiisa uu ka sheegay in Ethiopia qorshaha aysan ugu jirin in Ciidamadeeda ay kala soo Baxdo gudaha dalka Somalia inta ay joogaan wax uu ku sheegay jihaadiistayaal,waxaana Xasan daahir uu sheegay in Ethiopia ay Caqabad ku tahay dib u hishiisiin qaran oo kala dhalata wadanka Somalia. Ugu dambeentii Sheekh xasan daahir waxa uu beesha Caalamka ka codsaday in il gaar ah ay ku eegto dhibaatada ka taagan gudaha dalka Somalia. Maxkamad ku sheegta Magaaladda Jigjiga oo Dad Shacab ah ku xukuntay Dil. Maxkamad
ku sheegta magaaladda jigjiga ayaa dad Shacab ah oo gaadhaya ilaa 8 qof
ku xukuntay Dil, kaddib markay Maxkamaddaasi goobtii Maxkmadda markhaatiyo
ay iyadu soo diyaarsatay isla markaana dadkaas ku markhaati kaceen inay
ka dambeeyeen falal ka dhacay Degaanka. 7- Khadar Shugri 8- Xasan Madoobe |
||
| Home // Warar hore // Taariikh // Faallo // Maqaallo // Agoonta S/galbeed // Xidhiidhka | ||
| Copy right © Soomaligalbeed 2006 |
Email:Webmastar@soomaaligalbeed.com |
Website: http://www. soomaaligalbeed.com |