Ciidamadda gumaysiga itoobiya oo dhibaatooyin ba,an ku haya shacabka dagan Magaaladda Fiiq ee xarunta u ah goblka Nogbeed.

Wararka naga soo gaadhaya Gobolka Fiiq gaar ahaan Magaalada Fiiq ayaa sheegaya in Ciidamada Tigreeggu ay Shacabka halkaas deggan ku hayaan dhibaato aan yarayn, Ciidamada Tigreegga ayaa wakhtiyada habeenkii ah waxay shacabka halkaas deggan ku qasbaan waxyaabo aysan samayn karin ama ay ku adag tahay siday u sameen lahaayeen.

Ciidamadaas ayaa wakhtiga habeenkii ah waxay Shacabka ku qasbaan inay ilaaliyaan Magaalada oo ay ka ilaaliyaan Jabhadaha ku kacsan Tigreegga, qof kastaa markuu gabalku dhaco waxaa uu ku qasban yahay inuu ka soo baxo gurigiisa oo uu magaalada Ilaaliyo, badanaa dadka waxaa lagu qasbaa inay tagaan wakhtiga habeenkii ah meelaha magaalada cidhifkeeda ah si ay halkaas uga hortagaan wixii magaalada ku soo socda.

Haddaba qofkii amarkaas fulin waaya ayaa waxay Dawladda Tigreeggu ka qaadaan tallaabo adag oo qofka noloshiisa khatar galisa, waxaa laga yaabaa qofkaas inay dawladdu u aqoonsato qof raacsan Jabhadaha ama taageeraba, waxaana qofkaas loo gaystaa ciqaab daran.

Si kastaba ha ahaatee dhibkan lagu hayo Shacabka deggan magaaladaas ayaa isagu aan la soo koobi karin iyadoo badanaa shacabka lagu qasbo waxyaabo aysan awood u lahayn ama ku adag, waxayna markan u eg tahay in Dawladda Gumaysiga Itoobiya ay ka caajistay inay Ilaaliso amniga magaalooyinka ay xoogga ku haysato, tan ayaa sababtay in Shacabkii degganaa dhulkay Itoobiya guumaysato inay ku qasabto inay iyagu ilaashadaan ammaanka dhulkay deggan yihiin.

Tan ayaa marka dambe sababta inay iska hor yimaaddaan Shacabkii iyo Walaalahooda duurka ku jira ee dagaalka kula jira Ciidamada Gumaysiga Itoobiya, balse imbadan oo Shacabka ka tirsan ayaa arrintan ka biya diiday oo markii dambe lafahooda ula cararay meeshay ku nabad gali lahaayeen, qaar kalena waxay ku biireen Jabhadaha si ay uga ciil baxaan dhibka uu Gumaysigu ku hayo Shacabka.

Back