|
Wararka
maanta
|
||
|
Dagaal laysku Adeegsaday Tooriyo oo Kadhacay Magaalada Gaarisa oo ay Dad ku Dhaawacmeen. In kabadan
3 ruux ayaa kudhaawacamay dagaal 2 saf ahaa ookadhacay magaalada Gaarissa,
Dagaal gacmeedkan ay ku dhaawacmeen 3 Ruux oo dhaawacoodu halisyahay iyo dad dhawr ah oo uu dagaalkasi wax kasoo gaadhay, dada dhaawaca ah ayaa ladhiga isbitaalka guud ee magaalada garissa halkaas oo lagu dabiibahayo. Dagaalkan
ayaa waxaa looxidhay 2 mas,uul oo katirsan dowlada kenya, 2 mas,uul ayaa
kala ah:- Dhanka
kalana dagaal dhax maray xoolo dhaqato soomaaliyeed iyo dadka dega magalada
mwingi Ayaa waxaa ku qudh wayay 3 ruux oo ahaa kuwii kaqayb,qaadanahay
dagaalka, goobta laguhardamay
ayaa hada degan kadib markii loodiray ciidamo nabada suga Xoogagga Hubeysan ee Mujaahidiinta Al-shabaab oo Ka Mamnuucay Kaganacsiga Jaadka... Xoogagga hubeysan ee Mujaahidiinta Al-shabaab ayaa amaro ku soo rogay qeybo kamid ah gobolka Bay gaar ahaan deegaanka Bardaale . Xoogagga ayaa mamnuucay ka ganansiga qaadka iyo keenistiida, waxaana sidoo kalena ay mamnuuceen in haweenku ay shaaha ku iibiyaan waddooyinka deegaanka Bardaale ee gobolka Bay. Go'aanadaan ay xoogagga Al-shabaab ku soo rogeen deegaanka Bardaale ayaa la sheegay in ay halkaasi si rasmi ah uga dhaqan galeen oo aaney jirin cid ka hortimaada, iyadoo iminka deegaankaas aan lagu arkeynin haween waddooyinka shaah ku iibinaya iyo qaadka oo aan deegaankaas la geynin. Haweenka tabarta yar ee shaaha iibiya ayaa la wararku sheegayaan in ay ka xumaadeen go'aanka lagu mamnuucay iibinta shaaha ee waddooyinka deegaanka Bardaale, iyagoo ku cataabay in ay iibinta shaaha ka heli jireen qutulyoonkooda. Deegaanka Bardaale ayaa iminka gacanta ugu jira xoogagga Al-shabaab, waxaana halkaas ka dhaqan gala go'aanada ay xoogaggaas ku soo rogaan dadka ku dhaqan deegaankaas. Kooxo hubeysan ayaa afduub u geystay madaxii hay'adda UNHCR ee magaalada Muqdisho Mudane Xasan Maxamed Cali oo ku sugnaa hoygiisa oo ku yaala deegaanka Ceelasha biyaha oo ah halka ugu badan oo ay ku barakeceen dadkii ka cararay dhibaatooyinka ka aloosan magaalada Muqdisho. Kooxo wata gaari yar aadna u hubeysan ayaa abaaro 9:00 habeenimo waxa ay gudaha u galeen hoyga sarkaalka halkaas oo ay ka qafaasheen sida ay sheegtay marwada sarkaalka oo ka hadashay qaabka ay kooxahaasi hubeysan afduubka ugu geysteen seygeeda. "Waxay inoo soo galeen guriga, wayna kexeysteen, markii aan isku dayey inaan la hadlana rasaas bey hoos iigu fureen" ayey tiri marwada sarkaalka oo ka tirsanaa hay'adda UNHCR. Lama oga illaa iyo hadda halka ay kooxahaasi la aadeen sarkaalka iyo ujeedada ka dambeysa afduubka ay kula keceen, hase ahaatee dadka barakacayaasha ah ayaa walaac ka muujiyey afduubka loo geystay sarkaalka ka tirsanaa shaqaalaha hay'adda UNHCR ee Soomaaliya. Gobolka Sh/hoose ayaa bishii ina dhaaftay waxaa lagu afduubtay labo shaqaale ajnabi ah iyo qof Soomaali ah kuwaas oo weli ku jira gacanta afduubayaasha, iyadoo aan la ogeyn halka ay ku dambeeyey la heystayaashaas. Afduubka ayaa Soomaaliya ka noqday mid badanaa ay kooxo hubeysan geystaan, waxaana afduubayaashu ay dalbadaan lacago badan si ay u sii daayaan dadka ama maraakiibta ay qafaashaan. Magaaladda Adis ababa oo lagu Xidh xidhay Qaar kamid ah Madax Maamul Isku sheega Kililka. Wararka
ka imaanaya Magaalada Addis Ababa ayaa sheegaya in halkaas lagu qabqabtay
Rag dhawr ahaa oo horey xilal kala duwan uga soo qabtay Maamulka Kililka.
kuwaas oo markii dambe laga qaaday xilkii ay hayeen. Raggan Addis Ababa
lagu qabqatay ayaa waxaa ka mid ah Hoggaankii Nabadgalyada ee hore Jamiil
gaas iyo Mohamed Ibraahim oo isna haystay Booliska Jigjiga. |
||
| Home // Warar hore // Taariikh // Faallo // Maqaallo // Agoonta S/galbeed // Xidhiidhka | ||
| Copy right © Soomaligalbeed 2006 |
Email:Webmastar@soomaaligalbeed.com |
Website: http://www. soomaaligalbeed.com |