`
Wararka maanta

Ugu yaraan lix (6) dukaan iyo Hal gaari oo ay leeyihiin Ganacsato Soomaaliyeed ayaa dab la qabadsiiyay .

Ugu yaraan lix (6) dukaan iyo hal gaari ayaa dab la qabadsiiyay , kuwaas oo ay leeyihiin ganacsato Soomaaliyeed ee magaalada Sacunda ee gobolka Mpulanga, Halkaas oo eey rabshadaha ku faafeen.

Sida uu sheegey afayeenka ciidanka Police-ka tuulada la yiraahdo Evander oo Sacunda ka tirsan, ninka lagu magacaabo Constable Sibuyisa Mbuli, dukaamada qaarkood ayaa iyagu dambas noqdey, halka ajaaniibtii dukaamadaasi lahayd oo ay Soomaali u baddan tahayna ay iminka magangalyo ahaan ugu jiraan saldhiga Police-ka ee tuuladaasi, wuxuu intaasi ku daray in 13 qof loo xirey falkani, kuwaas oo uu sheegey in ay yihiin dhalinyaro shaqo la’aan ah , loona heysto dacwadaha kala ah rabsho kicin iyo hanti burburin iyo dab galin, waxaana maanta lasoo taagayaa maxkamad ku taala Evander.

Dhanka gobolka Gouteng waxaa muuqata in heerka rabshadaha ay soo yaraanayaan,wallow, shalay illaa xalay ay jirtey in Soomaali baddan oo boqolaal ganacsi ku leh tuulooyinka ku xeeran xarunta ganacsiga dalka ee Johannesburg ay alaabihii kasoo daad gureysteen dukaamadooda, qaarkood oo aan wax ka weeydiiyey sababta, ayay ii sheegen in hanjabaado iyo weeraro kala kulmeen dadka deegaanka, halka qaarkood ay ii sheegeen in dad cadhaysan ay soo weerareen, halka qaar kalana ay sheegeen in dad sameecado ku hadlaya ay u sheegeen in ay meesha isaga guuraan , haddii kale lagu gubi doono dukaamada dhexdooda, sidaasi waxaa ii sheegey muwaadhin Soomalaiyeed oo lagu magacaabo Axmed Maxamuud oo 25 jir ah alaabtii dukaankiisa tiileyna kasoo raray habeen hore.

Meelaha shalay illaa xalay laga soo guurey waxaa ka mid ah tuulada Orange Farm oo 30 km u jirta Johannesburg, sidoo kale dhowr dukaan ayaa badeecooyinkii yiiley laga daadgureeyey tuulada Jefrrey’s Bay ee gobolka Eastern Cape oo eeysan wax rabshado ah ka jirrin, balse ay Soomaalida baqdin darteed sidaasi u yeeleen, sidaasina waxaa ii sheegey gudoomiye xigeenka jaaliyada gobolkaasi C/raxmaan Raabi.

Illaa iyo haatan tirada Dhimashada waxay gaaraysaa 42 qof, 16,000 (lix iyo tobon kun) oo qof ayaana ku barocay rabshadaha, waxaana loo xirey 400 eedaysane, halka aanan la heynin tirada dhaawacyada,.

Inka baddan 10,000(tobon kun )oo qof ayaa labbadii maalmood ee lasoo dhaafay ka talowday xuduudaha dalka , una kicitimey dalalkii ay ka yimaadeen, tusaale ahaan 9000 (sagaal kun) oo qof ayaa u laabatay dalka Muzambique oo ay ka yimaadeen, waxaana jirra in dawladda Muzambique , Malawi iyo Zimababwe iyo dawlada dalkani ay iska kaashanayaan dadaal dib loogu celinayo kumanaan dad ah, iyadoo la arkayay tobonaan basas waaweyn ah oo daad gureynaya dadyowgaasi, hase yeeshee dhanka Soomaalidu ma jirto cid dib loo celinayo ama damacsan iskeed in ay dib ugu laabato,.

Axmed Cali oo 26 jir ah, kana mid ahaa mulkiilayaasha dukaamadi shalayto lagu Gubay gobolka Mpulanga ayaa wargayska maalinlaha ah ee caasimada dalka kasoo baxa ee Pretoria News u sheegey in uusan heysan dal uu ku laabta wuxuuna yiri “ma noqon karayo, waayo dalkeeyga waxaa ka jirta colaad iyo gaajo, waxaan jeclaan lahaa in dawlada dalkani ay qaxootiga siiso dhul ay si nabadgalyo ah ugu noolaadaan” ayuu yiri Axmed.

Si rasmin ah looma ogaan sababta rabshadaha dhalisey., laakiin waxaa la dareensan yahay, in 5ta milyan ee qaxootiga dalkani ku ah, heerka shaqo la’aanta dadka dalka oo gaartay 24%, sicirka badeecooyinka daruuriga ah oo sare u kacay, qiimaha shidaalka oo isagani la goyn la’yahay, adeegyadii dawlada ee asaasiga ahaa oo aan dadka wada gaarin shucuubta, gaar ahaan bulshooyinka fuqarada ah, ayaa la sheegayaa in ay yihiin sababaha laga yaabo in ay dabka hurinayaan, balse qofka Soomaaliga ah ee dalkani ku nool ee maqla hadalani, soona xasuusta waxa dalkissii Soomaaliya ka jirra ayaa kaftan iyo ciyaar u qaadanaya waxa la sheegayo, isla markaasina anaan rumeysanayanin, waxa kaliya ee uu maanka ku hayaane ay tahay in K/Afrika uu yahay dalka ugu qanisan qaarada Afrika.

Dadka rabshadaha dhigaya ayaa ajaaniibta ku eedeynaya in ay shaqooyinkoodii camimeen, oo ay ka xoogeen, maadaamaa ay ku shaqeeyaan mushaaraad yar , iyo gunooyin af iyo gacan ah oo todobaadle ah, laakiin rabshadahani ka hor waxaa jirey in dhibaatada ay Soomaalidu gaar ku aheyd, waxaana sanadihii hore caadi dalkani ka ahaa dhibaatooyinka Soomaalida loo geysto>

Dadka ganacsadata ah ee dalka u dhashay ayaa si joogto ah ooga caban jirey Soomaalida oo badeecooyinka ku iibiya qiimo aad u jaban, waxaana marar baddan dhici jirtey in ganacsatadaasi oo eey soo abaabulaan kooxo dad ah oo booba dukaamada Soomaalida, laakiin dadka deegaanka ayaa markasta ku doodi jirey in maadamaa eey fuqaro yihiin eey Soomaalida u dhaanto ganacsatada iyaga ah, markani xaalada waa mid u muuqata in ay alamtaro soo dhaaftay.

Soomaaliduna waa dadka dhibaatada ugu yar ay soo gaartay,. Waxaana la’is oran karaa in aysan Soomaalidu markani bartilmaameed aheyn, marka laga tago dhibaatada kaga imanaysa bulshooyinka isku bir jabki dhex marayo, ee cadaawada gaar ah isu muujinaya. Wararkii ugu dambeeyey waxaa ka mid ah, in maanta la filayo in ciidamada qalabka sida eey si buuxda u howlgalaan, kadib markii xalay uu ansixiyey madaxweynaha dalka Thabo Mbeki, laakiin wali waxaa jirra dib u dhacyo iyo dad iyo hey’ado kasoo horjeeda qorshaha ciidamo geynta baqdin laga qabo in xoog xad dhaaf ah eey isticmaalaan, taana eey u ekaato nidaamkii midab takoorka oo dhamaaday 14 sanno ka hor. Reported by SASA News

Kaluumeysatada xeebaha Muqdisho oo Cabasho Xooggan waxa Ka muujinaya Maraakiibta Shisheeye ee Kusugan Xeebaha Soomaaliya.

Kaluumeysatada xeebaha Muqdisho ayaa cabasho xooggan waxa ay ka muujinayaan dhibaatooyin ay sheegeen in ay kala kulmaan maraakiibta shisheeye ee ku sugan xeebaha Soomaaliya.

Isagoo warbaahinta Muqdisho kula hadlayey kawaankii hore ee magaalada Muqdisho ayuu sheegay

Bashiir Yuusuf Barre afhayeenka kaluumeysatada Muqdisho in ay dhibaatooyin saa'id ah ku qabaan maraakiibta shisheeye ee jooga xeebaha Soomaaliya.
Wuxuu intaas raaciyey in kaluumeysato iyo doonyo ay wateen ay waxyeelo u geysteen maraakiibta shisheeye ee ku suga xeebaha dalka Soomaaliya, wuxuuna intaas raaciyey in ay ka cabsi qabaan waxyeelo intaas ka badan oo ay kala kulmaan maraakiibta shisheeye.

"Waxay noola dhaqmaan sida kooxaha burcad badeedda ah, waana joogto dhibaatada ay nagu hayaan maraakiibta ku sugan xeebaha Muqdisho" ayuu yiri Bashiir Yuusuf Barre afhayeenka kaluumeysaatda Muqdisho.

Xeebaha Soomaaliya ayaa waxaa ku sugan maraakiib shisheeye oo sheegaya in ay la dagaalamaayan kooxaha burcad badeedka Soomaalida ah, hase ahaatee marka laga soo tago burcad badeedka dhibatooyin u geysta maraakiibta kaluumeysi ee ka jilaabta xeebaha Muqdisho iyo gobolada kale ee dalka.

Israsaaseyn Dhimasho iyo Dhaawac Sababtay oo Maanta ka dhacday Gudaha Gagaalada Kismaayo.

Israsaaseyn dhimasho iyo dhaawac sababtay ayaa maanta ka dhacday gudaha magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose kadib markii ilaalada guddoomiyaha guddiga siyaasadda beesha Sade ay weerar ku qaadeen goob ay isbaaro u taalau maleeshiyo hubeysan.

Iska horimaad dhexmaray labada dhinac ayaa la sheegay in uu ku dhintay hal qof oo kamid ahaa dhinacyadii dagaalamay halka uu ku dhaawacmay mid kale oo ka tirsanaa maleeshiyaadkii uu iska horimaadku dhexmaraya.

Guddoomiyaha guddiga siyaasadda beesha Sade

Yaasiin Nuur Gaas ayaa sheegay in ay wadaan qorshayaal ay magaalada Kismaayo kaga sifeynayaan jidgooyooyinka ay waddooyinka dhigtaan maleeshiyaadka hubeysa ee cidna ka amar qaadan.
Wuxuu intaas raaciyey in mas'uuliyiinta iyo maamulka magaalada Kismaayo ay arrintaan ka xaajoodeen islamarkaana ay isku afgarteen in jodgooyooyinka laga qaado waddooyinka magaalada si uu u hagaago isu socodka waddooyinka magaalada Kismaayo.

Bilowgii todobaadkaan ayey aheyd markii sidaan oo kale uu iska horimaad ku dhexmaray magaalada Kismaayo ilaalada dekadda iyo maleeshiyo jidgooyo dhigatay wadada gasha dekadda magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose.

Qaraxii kadhacay Wasaaradda Arimaha Dibadda Itoobiya oo Dadka Kudhintay ay Sii kordhayso.

Qaraxii Talaadadii la soo dhaafay ka dhacay Caasimada Itoobiya ee Addis Ababa, ayay Booliiska wadankaasi sheegeen in ay sii korodhay tirada ku dhimatay qaraxii ka dhacay talaadadii la soo dhaafay bartamaha Magaalada Addis Ababa waxaana ay gaartay 6 Dhimasho ah oo uu ku jiro qof u dhashay Dalka Maraykanka iyo 7 dhaawac ah.

Afahayeen u hadlay Booliiska oo la yiraahdo Densac Haile ayaa maalinimaddii shalay sheegay in ay qaraxaasi ku geeriyoodeen 3 qof oo kaliya 4 kalana ay ku dhaawacmeen ka dib markii qarax aan la sheegi Karin nooca uu ahaa lala beegsaday Baabuur Taxsi ah waxaana uu ku sheegay qaraxaasi “ Qaraxa waxa uu ahaa mid lagu abuuray Baabuur yar oo Taksi ah, waxaana arintaasi sameeyay kuwo argagixiso ah”.

Densac Haile oo u waramayay wakaaladda wararka France-Presse ayaa yiri “3 kale oo ka mid ah rakaabkii baabuurkaasi yar ee Qaraxa lala beegsaday Talaadadii waxay u dhinteen dhaawacii soo gaaray subixii hore ee shalay(Arbacada)waxaana ku jira dhimashooyinkaasi cusub qof u dhashay Maraykanka”.

Dhinaca kale Afahayeenad u hadashay Safaarada Maraykanka ee Addis Ababa ayaa xaqiijisay in dadka qaraxa ku geeriyooday uu ku jiray qof watay dhalashada Dalka maraykanka, waxayna haweynaydaasi ka gaabsatay in ay wax faah faahin dheeraad ahi ka bixiso qofkaasi Maraykanka ah.

Ilo ku dhadhaw Jaamacadda Addis Ababa ayaa sheegay in muwaadinka Ameerikaanka ah ee ku geeriyooday qaraxaasi uu macallin ka ahaa Jaamacadda Addis Ababa, xiliga qaraxa uu haleelayna waxa ay ku sheegeen in uu u socday gurigiisa isla markaana uu ka yimid dhinaca Jaamacadda.

Booliiska ayaa sidoo kale sheegay shalay in dadka geeriyooday iyo kuwa dhaawacmay intaba ay ku jireen Baabuurka Qaraxa lala beegsaday.

Qaraxan oo lagu sheegay in uu ahaa mid xoogan ayaa si gaar ahi uga dhacay wadada u dhaxeysa Hotelka la yiraahdo Hilton iyo xarunta Wasaaradda Arimaha Dibada Itoobiya halkaas oo ah meelo ay inta badani ka dhacaan qaraxyo waaweyn, iyada oo xiligana ay wadadaasi noqotay goob ay cabsi aad u weyn ka qabaan dadka isticmaal.

Qaraxaasi ka dib ayaa waxaa la arkayay ciidamo badan oo isugu jira Booliis iyo kuwo kale oo isla markii xiraya wadooyinka aagaasi mara iyada oo sidoo kale ciidamada Dab damiskana ay si deg deg ahi ku soo gaareen halkii qaraxu ka dhacay si ay u damiyaan.

Xukuumadda Itoobiya ayaa shalay ku eedaysay Qaraxani in ay ka dambeeyaan Ururo ay dowlada Eritrea soo maal galiso.

Ma jiraan illaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Dowlada Eritrea oo ku aadan falkani ay Itoobiya ku eedaysay.

4 Bishii April ee la soo dhaafay ayay ahayd markii 2 qarax oo aad u weyn ay ka dhaceen isla Magaalada Addis Ababa kaas oo Itoobiya ku sheegtay in ay ku geeriyoodeen 3 qof oo kaliya kuna dhaawacmeen 18 qof oo kale, waxaana qaraxyadaasi lala beegsaday xarumo lagu iibiyo shidaalka oo ku yaala isla magaaaladaasi.

Magaalada Addis Ababa xarunta Dalka Itoobiya ayaa umuuqda kuwo bartilmaameed u ah Xoogaga xornima doonka ah ee dagaalka kula jira gumeyisga Itoobiya, waxaana bilahan danbe isa soo taraya qaraxyada lala beegsanayo Xarumaha Halbowlaha u ah maamulka Itoobiya.

Iska horimaad xalay ka dhacay agagaarka xarunta barlamaanka DF ee Magaalada Baydhabo.

Iska horimaad ayaa xalay ka dhacay agagaarka xarunta barlamaanka ee ASC-da kadib markii kooxo hubeysan iyo ciidamada amaanka magaalada Beydhabo ay ku dagaalameen xalay meel ku dhow xarunta barlamaanka.

Iska horimaadka ayaa la sheegay in uu dhashay kadib markii kooxo hubeysan oo doonayey in ay weerar ku qaadaan xarunta ADC-da ay iska horimaad la galeen ciidamada amaanka ee xarunta ADC-da, lamana sheegin wax khasaare ah oo ka dhashay iska horimaadkaa.

Dadka ku nool xaafadaha ku dhow xarunta barlamaanka ayaa sheegay in ay xalay maqleen dhawaq rasaas ay isweydaarsanayeen labada dhinac taas oo socotay muddo daqiiqado ah, waxaana ay intaas raaciyaan in aan la sheegin wax khasaare ah oo ka dhashay iska horimaadka.

Saraakiisha ciidanka iyo maamulka gobolka midna kama hadlin iska horimaadka, waxaana saaka magaalada ka socda abaabulo lagu soo dhaweynayo madaxda sarsare ee dowladda oo la sheegay in ay halkaas kulamo kula qaadanayaan wafdi ka socda Qaramada Midoobay oo maanya ku soo wajahan magaalada Beydhabo.

Magaalada Beydhabo oo ah xarunt barlamaanka ayaa maalmihii ugu dambeyey waxaa hareeyey dilal iyo qaraxyo, iyadoo maamulka gobolka Bay iyo saraakiisha ciidanka ay sheegayaan in ay wadaan dhaqdhaqaaqyo ay ku xakameynayaan falalkaas.

Qarax Xooggan oo Saaka Ciidamada Ethiopia lagula Beegsaday Wadada Maka Almukaama.

Qarax xooggan ayaa saakay ciidamada Ethiopia lagula beegsaday wadada Maka Almukaama gaar ahaan meel u dhexeysa saldhigga degmada Waaberi iyo hotelka Ambassador ee magaalada Muqdisho, iyadoo qaraxaas ay ku waxyeeloobeen qaar kamid ah askarta ciidamada Ethiopia.

Qaraxa oo ahaa miino nuuca dhulka lagu aaso ayaa la sheegay in lala beegsaday cutubyo ka tirsan ciidamada Ethiopia oo halkaasi ka waday howlo baaritaano ah, waxaana dadka deegaanku ay sheegeen in ay arkeen meydadka seddax kamid ah askarta Ethiopia halka qaar kalena ay ku dhaawacmeen.

Ciidamada Ethiopia ee la qarxiyey ayaa wadada Maka Al-mukarama waxa ay ka wadeen baaritaano la xiriira in miinooyin lagu aasay wadada oo ay si xooggan u istcimaalaan gaadiidka ay wataan ciidamada Ethiopia.

Qaraxa kadib ayaa waxaa goobta soo buuxdhaafiyey ciidamo aad u baan oo Ethiopian ah kuwaas oo muddo kooban xiray wadada, waxaana mudadaas hakad galay gaadiidka BL-ka ah iyo dadweynihii isticmaalayey wadada Maka Al-mukarama oo ah wado si weyn loo isticmaalo.

Qaraxyada iyo weerarada ka dhanka ah ciidamada Ethiopia iyo kuwa dowladda KMG ayaa joogto ka noqday magaalada Muqdisho, waxaana badanaa magaalada Mqdisho ka dhaca qaraxyo loo adeegsado miinooyin lagu aaso wadada dhineceeda kuwaas oo ay ka dhashaan khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.


Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Meles Zinawi oo Warbaahinta caalamka iyo Hay'adaha Xuquuqul Insaanka ku eedeeyay in ay Sumcadda kadilayaan Itoobiya.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Meles Zinawi ayaa waxaa uu ku eedeeyay Warbaahinta caalamka iyo hayadaha Xuquuqul Insaanka in ay wadaan olole sumcad darayn ah oo dhan ka ah ciidamada Itoobiya ee ku sugan Soomaaliya.

Zinawi oo lahadlayay Baarlamaanka dalkiisa ayaa wacad ku maray in ciidamadiisu ay Soomaaliya sii joogi doonaan inta ay dawladda KMG ah taageero u baahantahay.

Meles zinawi ayaa waxaa uu ka hadlay ilaa lix qodob oo uu uga jawaabayaay su’aalo laga waydiiyay Baarlamaanka wuxuuna si adag u difaacay joogitaanka ciidamada Itoobiya ee Soomaaliya kaas oo uu ku macneeyay in ay taageerayaan DKMG ah ee la shaqaysa gumaysiga.

“Warbaahinta caalamka iyo waxa loogu yeero Hay’adaha Xuquuqul Insaanka waxay inaga iyo ciidamadeena ka sheegeen wax walba waxayna sameeyeen olole balaaran oo lagu wasakhaynayo sumcadooda” wuxuuna yiri asaga oo hadalkiisa sii wata “ Waxay halaynayaan sumacadeena laakin dhag jalaq u siin mayno wasaqayntaas iyo ololahaas sumcad xumaynta ah daraadoodna Soomaaliya uga soo bixi mayno. Waxaan ognahay in wasakhayntaasu aysan waxba ka jirin maxaa yeelay Hay’adahaas run mayaqaanaan”.

Hay’ado kala duwan oo xuquuqda u dooda ayaa ciidamada Itoobiya ku eedeeyay in ay falal fool xun ka gaysteen Soomaaliya 18-kii bilood ee la soodhaafay oo ay ku sugnaayeen Soomaaliya waxaana ka mid ah falalkaas weerarkii ay ku qaaden masajidka Al-Hidaaya oo ay culumo ku laayeen.

Sidoo kale waraaq E-mail ah oo ay wariye yaashu ka heleen Urur lagu magacaabo Gudiga Xuquuqul Insaanka ee Ogaden ayaa lagu sheegay in dad shacab ah oo u dhashay Gobolka Soomaali galbeed si xoog ah ay itoobiyanku uga soo afduubay Soomaaliya oo ay u qaxeen kadib dhibaatooyin fool xun oo ay u gaysteen deegaanadooda ciidamada Itoobiya wuxuuna Meles Zinawi warkaas ku daray in uu qayb ka yahay ololaha lagu dhaleecaynayo Itoobiya si loogu qasbo in ay Soomaaliya ka soo baxaan wuxuuna ku dhaartay in ay sii joogi doonaan Soomaaliya intii loo baahdo.

Warkan ka soo baxay Meles Zinawi ayaa waxaa uu ku soo beegmayaa xilli ciidamada gumaysiga Itoobiya ay cad bisil u noqdeen ciidamada Mujaahidiinta oo goobkasta oo ay joogaan ku weerara waxayna ciidamad gumaysigu ka caageen dhaq dhaqaaqii ay ugu kala goosi jireen gobolada Soomaaliya waxaana lagu macnayn karaa warkan in uu yahay mid boor isku qarin ah oo uu uga indha saabanayo xaqiiqada ka jirta Soomaaliya xilli ay qaylo uga soo yeertay Baarlamaanka Itoobiya oo u adkaysan waayay dharbaaxooyinka ku dhacaya ciidamadooda waxayna Meles Zinawi ka maraysaa “laba daran mid dooro”.

Home // Warar hore // Taariikh // Faallo // Maqaallo // Agoonta S/galbeed // Xidhiidhka
Copy right © Soomaligalbeed 2006

Email:Webmastar@soomaaligalbeed.com

Website: http://www. soomaaligalbeed.com