Dagaalkii Boosaaso iyo muuqaaladda naxdinta leh ee uu ku reebay qaar ka mid ah guryaha ku yaala xaafada Raf iyo Raaxo

Dagaalkan oo sida ay booliiska Puntland sheegeen ay ku dhinteen 2 ruux 7 kalena ku dhaawac meen ayaa waxaa uu soo gabagaboobay shalay subax ,waxaana uu taliyaha booliiska Puntland oo isagu hawl galkaas hogaaminayey uu saxaafada u sheegay in ay isa soo dhiibeen dhamaanba dhalinyaradii guriga ku jirtay oo gaadhayey 7 ruux.

Duhurnimadii Jimcadii Ayey ahayd markii uu bilowdey dagaalku waana la isu habeyn madowsadey Ciidanka Booliskuna waa ay gali waayeen gurigii ay ku jireen kooxda hubeysan inkasto ay ku garaceen hubka noocyadiisa kala duwan kadib markii ay amar ka heleen madaxweyne Cadde Muuse gurigiina uu bur burey halkaasina ay ku dhinteen dad.

Wasiirka dekedaha iyo kaluumaysiga Puntland Siciid Maxamed Raage ayaa usheegay idaacada VOA da in booliiska Puntland boosaaso kula dagaalameen kooxda al-shabaab ee Mogadishu laga saaray , hadalkaas oo ay aad udhaliileen qaysaska ay ka soo jeedaan ragaas uxidhan maamulka Puntland.

Hadaba waxaa maanta ciidamo ay isku hayb yihiin raga uxidhan ciidamada booliiska Puntland ay xidheen wadada isku xidha boosaaso iyo gobolada kale ee dalka , iyagoona fadhiisin ka dhigtay meesha lagu magacaabo tuulada laag oo qiyaastii 30km dhanka koonfureed ka xigta xarunta ganacsiga Puntland ee boosaaso, ciidankan ayaa la sheegay inay fariin udireen maamulka Puntland fariintaas oo ay ku dalbanayaan in si dhakhsa ah loo soo daayo rag u xidhan maamulka Puntland..

Dhinaca kale waxaa galabta soo gaadhay magaalada Dhahar Wasiirka Xanaanada Xoolaha iyo Beeraha Puntland MD Cali Buureed iyo wefdi uu hogaaminayo kuwaas oo usocday xaalada ka taagan boosaaso iyagoona wada hadalo la leh beesha ay ka soo jeedaan raga hada uxidhan dowlad goboleedka Puntland,wasiirka ayaa isku dayaya in uu xal siyaasaded u helo xiisada ka dhalatay dadka ku xidhan xabsiga boosaaso taas oo hada u eg mid sii siyaadaysa.

Back