Wararka maanta

Siyuum Masfin oo Qarax lalabeegsaday Xafiiskiisa Addis ababa

Ciidamada Booliiska Itoobiya ayaa shaaca ka qaaday in 3 qof ay ku geeriyoodeen 9 kalana ay ku dhaawacmeen qarax ka dhacay shalay oo talaado ahayd Baabuur Yar oo la dhigay meel u dhaw Wasaaradda Arimaha Dibada Itoobiya ee Magaalada Addis Ababa xarunta dalkaasi.

Afahayeen u hadlay Booliiska oo la yiraahdo Densac Haile ayaa sheegay in dhaawacyada qaarkood ay yihiin kuwo culus, waxaana uu ku sheegay qaraxaasi “ Qaraxa waxa uu ahaa mid lagu abuuray Baabuur yar oo Taksi ah, waxaana arintaasi sameeyay kuwo argagixiso ah”.

Booliiska ayaa sidoo kale sheegay in dadka geeriyooday iyo kuwa dhaawacmay intaba ay ku jireen Baabuurka Qaraxa lala beegsaday.

Qaraxan oo lagu sheegay in uu ahaa mid xoogan ayaa si gaar ahi uga dhacay wadad u dhaxeysa Hotelka la yiraahdo Hilton iyo xarunta Wasaaradda arimaha dibada Itoobiya halkaas oo ah meelo ay inta badani ka dhacaan qaraxyo waaweyn, iyada oo xiligana ay wadadaasi noqotay goob ay cabsi aad u weyn ka qabaan dadka isticmaal.

Qaraxaasi ka dib ayaa waxaa la arkayay ciidamo badan oo isugu jira booliis iyo kuwo kale oo isla markii xiraya wadooyinka aagaasi mara iyada oo sidoo kale ciidamada Dab damiskana ay si deg deg ahi ku soo gaareen halkii qaraxu ka dhacay si ay u damiyaan.

Xukuumadda Itoobiya ayaa ku eedaysay qaraxani in ay ka dambeeyaan Ururo ay dowlada Eritrea soo maal galiso.

Ma jiraan illaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay dhinaca dowlada Eritrea oo ku aadan falkani ay Itoobiya ku eedaysay.

4 Bishii April ee la soo dhaafay ayay ahayd markii 2 qarax oo aad u weyn ay ka dhaceen isla Magaalada Addis Ababa kaas oo Itoobiya ku sheegtay in ay ku geeriyoodeen 3 qof oo kaliya kuna dhaawacmeen 18 qof oo kale, waxaana qaraxyadaasi lala beegsaday xarumo lagu iibiyo shidaalka oo ku yaala isla magaaaladaasi.

Magaalada Addis Ababa xarunta Dalka Itoobiya ayaa umuuqda kuwo bartilmaameed u ah Xoogaga xornima doonka ah ee dagaalka kula jira gumeyisga Itoobiya, waxaana bilahan danbe isa soo taraya qaraxyada lala beegsanayo Xarumaha Halbowlaha u ah maamulka Itoobiya.

Home // Warar hore // Taariikh // Faallo // Maqaallo // Agoonta S/galbeed // Xidhiidhka
Copy right © Soomaligalbeed 2006

Email:Webmastar@soomaaligalbeed.com

Website: http://www. soomaaligalbeed.com