Xusuus hore: Dr Doolaal Aadan Mohamed.

sanadku waa 1966. magaaladu wa Xamar, waxaan dhigta dugsiga sare ee Banaadir, fasalka sadexaad.
Schoolka waxa dhisey Ruushka oo gacanta ku hayo, macalimiintuna dhowr mooyee wa Ruush. Schoolka waxa dhigta koox arday ah oo meel kala duwan ka yimid oo Ogaadeeniya u abtirsada oo meesha isku bartey , koley waan xusuusta dhowr sanad iga horeeyay oo ay ka mid ahaayeen,1: Mohd ismaaciil – Gud ku xigeenka onlf, 2: dr Mursal Sh Abdiraxmaan Sh Qaasim Iyo dr Mohd Geestiir- Germany, 3: dr Rashiid Ahmedweli Sh Qaasim- jigjiga , ddsi, 4: col Hassan Mohamud, Fiidmeer, AHN, sido kale Hassan Ahmed Qorane ,ahn Iyo Mohamud Ismaciil Xaaji , Indhobiyo oo aan isku Fasal ahayn.
1966 aya ururki xoreynta Ogaadeeniya ee Xamar saldhigiisu aha aya isugu yeedhay dhamaan ardayda dugsiyada dhexe Iyo sare dhigata ee Ogaadeeniya ka soo jeeda.
Waxaan gaadhey tiro boqol kor u dhaafsan oo wiilal Iyo gabdhaba leh oo aan intooda badan is aqoonin, oo weliba qaarkood Xamar ku dhasheyn oo dabeecado badan Iyo beeleedba ku kala duwan, xata lahjada hadalka ma wadaagno ee duruufta abtirsiimada unba na kulmisa.
Muddo bil ah markii khamiis walba nala shiriyey waxooga hanuunin gobonimo doon ahna naloo akhriyey aya maalinti danbe nalo sheegay in maalinta Jimca aan wada nimaado si guddi madax ah loo doorto, waxaana naloo bixiyey ( ururka dhalinyarada Ogaadeeniya ee jamhuuriyada Soomaaliya ), maalinta wa la yimid, koox koox Iyo school school aya la Isu bahaystey , loolanka ugu adag wu ka dhex socda 1: dugsiga sare ee banaadir 2: dugsiga sare ee Jamaal Abdinaasir ( allaahi),markii hoolki la soo galay iyado madaxdi jabhadu Iyo ururki haweenku joogaan aya la bilaabay doorashadi.
Gudoomiyihi ururka aya laga bilaabay , sadex musharax aya u taagan, waxa cod 80% ah ku guuleystay ardey , Ibrahim Adan Mohamed ( Dolaal ); xoghaye guud waxa ku guuleystay, arday -Hassan Ahmed Qorane oo labadooduba dugsiga sare ee banaadir ah, meesha qasnajiga guud ay ku guuleysatey , Cibaado Caymad oo dugsiga Allahida ahayd.
Runti isbarashada Iyo isku xidhka dhalinta deegaanka ka soo jeeda ka sakow waxay dhacdadani ahayd in da’ yarta deegaanka ka soo jeeda lagu xusuusinaayey dalkoodi hooyo oo ayna isku iloobin dhaqanka ay ku noolyihiin ama ayna ku milminba.
Ujeedada qoraalkaygani sheekadan sare ma aha, ee wa dhacdo taariikhdeyda ku lamaan. Markii nala doortey ana gudoomiye la iga dhigey, da’deyduna ayna weynayn aya meel tolkey oo dhan fadhiyo oo odoyaashi laajiyiinta la odhan jirey fadhiyaan, oo islaamo Xamar ku raagey Iyo kuwo qaxootigi danbe ahaaba fadhiyaan, sido kale Laba boqol ku dhowaad arday ihi ay fadhiyaan aya makarafoonka la igu soo dhoweeyay si aan khudbadi 1aad oo rasmi ah ee nolo
sheyda u horeysay aan akhriyo.
I did it, and I did it very well, lkn markii sacabki Iyo mashxaradi la iga badiyey ee aan gabo gabadi maraayo ” Ogaadeeniya ha xoroodo” ayaan intaan farxad is heyn waayey ” Ayaan ooyey” oo aan aamus waayey, sidaas ayuna shirki ku dhamaadey iyado la igu xoonsanyahay oo weliba islaamihi ii dhun dhunkanayaan. F.gaar ah: khudbadi wadaniyada ahayd ee ano 16-17 ah aan akhriyey maanta ma akhriyo karo!!!!! Tolow maxa iga si ah???
 Xusuus aanan ilaawin
Xuquuqda qoraalka: Dr Doolaal Aadan. 




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *