WAR DEG DEG: Labo Wiil oo Walaalo ah oo si xun goordhow loogu dilay Muqdisho (Magacyadooda)

Wararka naga soo gaarayo degmada Wadajir ayaa ku waramaya in lagu dilay xaafada Siliga laba wiil oo walaala ah, oo ay toogteen kooxo hubeysan.

Maamulka degmada Wadajir ayaa dilkan u xaqiijiyey saxaafada, islamarkaana sheegay in kooxo bastooaladu ku hubeysan ay dileen wiilasha oo lagu kala magacaabi jiray Mustaf Maxamed Wehliye iyo Saney Maxamed Wehliye.

Wararka qaar ayaa sheegaya in kooxaha hubeysan ay gaari  ku hor gooyeen Marxuumiinta oo gaari kala soo baxayey garaash ku yaala xaafada Siliga Ameerikaanka ee degmada Wadjir, kadibna ay rasaas ku furay.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *