Faah faahin: Al-Shabaab oo laga dilay Saraakiil Magac ku dhax lahaa

Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Duqeymo lagu dilay Saraakiil iyo Dagaalamayaal Ka tirsan Kooxda Al-Shabaab.

Duqeymaha oo ka dhacay Deegaanka War Gaduud ayaa waxaa lala beegsaday Saldhigyo waaweey oo ay Al-Shabaab ku sugnaayeen.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Dowlada Federaalka ayaa sheegay in duqeymahaasi ay Khasaaro ba’an ay kala kulmeen Al Shabaab kadib markii lala Bartilmaamsaday Saldhigyo waaweyn.

Xubnaha Al Shabaab looga dilay Duqeymahaasi ayaa waxaa ka mid ahaa Taliye ku xigeenka Al Shabaab ee Gobolka Gedo oo Magaciisa lagu sheegay Cali Shanqalow kaas oo duqeymaha lagu dilay.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *