|
Wararka
maanta
|
||
|
DUQII
HORE MAGALADA GARISSA OO SHIL BAABUR KU GALAY INTA UDHAXAYSA BANGAL IYO
TULLA. Duqii hore
magalada garissa SIYAAD OSMAN ayaa shalay galay shilbabuur mar uu marahayay
meel udhaxaysa BANGAL IYO TULA shilkan ayaa ahaa mid kadhashay markii
ay islagaleen madaxa baabuur kuu watay siyaad iyo gadhi dhameer marahay
wadada dhaxdeeda meshaana waxaa ku naf waayay wiil dhlin yara ahaa oo
watay gadhi dameedka iyo waliba dameer kiisiiba siyaad ayaa sheegay in
uunan soogaadhin dhaawac wayn mar kii loofiiriyo sidii uu ahaa shilku. Dhankalana
isla malinimadii shalay ayaa gaari kurogmaday wadada dheer ee isku xirta
magaalada KISUMU IYO BUSIA shilkan ayaa waxaa ku geeriyooday 5 ruux ooy
2 haweenyihiin sargaal kamid aha boliska jidadka ee taraffucada ayaa sheegay
in uu kadhashay shilkan gariga oo si xowli aha uu socday ayaa bohol ama
god oo kudhacay Wadanka Eritria oo Kaqaatay Safaaradiisii uu ku lahaa Wadanka Jabuuti. Wadanka Eritrea ayaa ka qaatay safaaradiisii uu ku lahaa wadanka Djibouti, ka dib markii uu dagaal ku dhex maray xadka u dhaxeeya labada dal , isla markaasna laysku dayay in la dhex dhexaadiyo labada dal oo ay Eritrea diiday in ay wax wada hadal ah la gasho Djibouti . Ciidamada labadan dal ayuu dagaal kulul waxa uu ku dhex maray Talaadadii la soo dhaafay halka lagu magacaabo Rasi Damera oo 120KM u jirta waqooyiga Jibouti, iyada oo ay dagaaladani sababeen in Djibouti ay uga geeriyoodaan 9 qof sida ay shaaciyeen hogaanka sare ee Ciidamada Djibouti, balse Eritrea ma aysan sheegin illaa iyo hadda inta uu la egyahay khasaaraha soo gaaray. Xuduuda labada wadan ayaa cirka isku shareertay ka dib markii ay Ciidamada Eritrea si sharci daro ahi ku soo galeen Rasi Damera 16 April ee la soo dhaafay. Maalinimadii arbacada ayay ahayd markii kooxda ICG ee Dhibaatooyinka Caalimiga ah ay ka digtay in Djibouti iyo eritrea ay isu taaganyihiin in uu dagaal dhex maro dhagax yar oo la isku tuuro oo kaliya kaas oo ay ku tilmaantay musiibo ka dhalata xuduuda labada dalk ee dariska ku ah Geeska Afrika. Digniintan ka soo baxday kooxda ICG ee fadhigeedu yahay Brussels ayaa ah mid isdabo joog ah oo dabo socota digniino ay Beesha Caalamka ka bixisay xaalada cakiran ee ka dhex taagan labadan wadan . |
||
| Home // Warar hore // Taariikh // Faallo // Maqaallo // Agoonta S/galbeed // Xidhiidhka | ||
| Copy right © Soomaligalbeed 2006 |
Email:Webmastar@soomaaligalbeed.com |
Website: http://www. soomaaligalbeed.com |