|
Wararka
maanta
|
||
|
Dawlada
itoobiya oo u diyaargaroobaysa 60 Guuradii Qabsashadii Dhulka Soomaali
Galbeed. Iyadoo ay
Maalmo ka laaban yihiin qabsashadii uu Guumaysiga itoobiya qabsaday dhulka
soomaali gabeed ayaa waxaa qasab lagaga dhigay shacabka s/galbeed inay
meheradahooda iyo dhammaan Suuqyada la wada sudho Calamada Guumaysiga.
Dadka ayaa kaan haysan calankaasna lagu qasbay inuu soo tosho calanka
kaddibna uu meheraddiisa ka laalaadiyo. Xoogaga Mujaahijiinta Soomaaliyeed oo Weerara kuqaaday fadhiisima ay Ciidamada Gumeysiga Itoobiya ku leeyihiin Magaalada Muqdisho. Waxaa barqanimadii maanta ee xilliga Magaalada Muqdisho mar qura laga maqley dhawaqa madaafiicda Hoobiya yaasha, Gudaha Warshadii Hore Ee Baastada,Xayla Bariise, Xarunta Gaashandhiga , Guulwadayaasha Iyo Shiirkole ee degmada Heliwaa oo dhamaantood fariisimo u ah ciidamada gumeysiga Itoobiya. Madaafiicdan lagu garaacey warshada baastada iyo xalyla basiire ayaa tiradooda lagu sheegay sida ay ku warameen tiro yar oo ka mid ah dadkii degaankaa ku harey, ilaa 7 Madfac oo dhamaantood si toos ah ugu hoobtey gudah labadan fariisin ee Ciidanka gumeysiga Itoobiya ka degan yihiin degmada Heliwaa. Sidoo kale waxa madaafiic aan tiro ahaan si rasmi ah loo sheegi Karin isla maanta lagu garaacey, xaruntii gaashandhiga, guulwadayaasha iyo shiirkole oo halkaa saaka ay ka jireen dhaq dhaqaaqyo ciidan oo ay wadeen ciidamda gumeysiga Itoobiya iyo kuwa la shaqeeya ee DKMG ah, gaar ahaan kuwa loo yaqaan copy-ga Itoobiya oo si gaar ah ula shaqeeya Ciidanka gumeysiga. Xoogaga Mujaahidiinta Soomaaliyeed ayaa si joogta ah mar walba madaafiic iyo weeraro kaleba ula beegsada fariisimada Ciidanka gumeysiga Itoobiya ku leeyihiin magaalda Muqdisho, waxa ayna badanaa weeraradooda ku begaan marka Ciidanka gumeysiga Itoobiya ka wadaan dhaq dhaqaaq ciidank gudaha fariisimadooda. Lama oga inta uu la egyahey khasaaraha Ciidanka gumeysiga Itoobiya ka soo gaarey madaafiicda maanta Xoogaga Mujaahidiinta Soomaaliyeed ku garaaceen fariisimadooda kala duwan ee Magaalada Muqdisho ku leeyihiin, madaama ayna jirin cid ka agdhow deegaankaas oo si sax ah uga warbin karta sida wax u dhaceen. Dhanka kale ciidamada gumeysiga Itoobiya, ka dib madaafiicdan xoogan ee saaka lagu garaacey fariisimadooda Warshada Baastada iyo Xayle Basiire, waxa ay bilaabeen in ay ku jawaabaan madaafiic kale oo ay u rideen dhinaca deegaanka Suuqa Xoolaha, kuwaas oo aan ilaa iyo hadda la ogeyn khasaaraha ka soo gaarey dadka halkaa ku dhaqan oo ah fara ku tiris. Ciidanka
gumeysiga Itoobiya, ayaa sida caadada u ah waxa ay bixiyaan jawaabo marka
Xoogaga Mujaahidiinta Soomaaliyeed ku dhuftaan dhir baaxo kulul oo gaarsiisa
khasaarooyin badan oo Naf iyo Maalba leh, iyaga oo Ciidanka gumeysigu
halkaa ay ku tuhmayaan in ay ka xigaan deegaanada ay ku dhaqan yihiin
dadka shacabka ah u weeciya wixii jawaab ah ee ay bixinayaan Cudurka Shuban Biyoodka oo Seddax Qof ku dilay Magaalada Jowhar ee Xarunta gobolka Sh/dhexe Cudurka shubanka ayaa seddax qof ku dilay gobolka Sh/dhexe xaruntiisa magaalada Jowhar, iyadoo ay sii kordhayaan dadka uu soo ridanaayo cudurka shubanka ee ka dilaacay qeybo badan oo kamid ah gobolka Sh/dhexe. Dadka u dhintay cudurka shubanka ayaa la sheegay in ay ahaayeen hooyo uur leh iyo labo caruur ah oo ay dhasay kuwaas oo uu soo ritay cudurka shubanka kadibna ay ugu geeriyoodeen isbitaalka Inter SOS ee magaalada Jowhar. Mid kamid ah dhaqaatiirta isbitaalka Inter SOS ayaa sheegay in ay sii kordhayan xadiga dadka uu soo ridanayo cudurka shubank, isagoo dadka ubu baaqay in ay xilli hore yimaadeen isbitaalka marka ugu horeysa oo ay isku arkaan calaamadaha cudurkaas. "Dhibka ugu weyn waa dadka oo aan goobaha caafimaad tageynin marka uu haleelo cudurka, waxaana u soo jeedinayaa dadku in ay goobaha caafimaad soo gaaraan marka ay isku arkaan calaamadaha cudurka" ayuu yiri mid kamid ah dhaqaatiirta isbitaalka Inter SOS ee magaalada Jowhar. Wararka laga helayo magaalada Jowhar ayaa sheegaya in isbitaalka Inter SOS ay iminka jiifaan dad badan oo la xanuunsanaya cudurka shubanka oo maalmo ka hor soo ritay. Si kastaba ha ahaatee qeybo badan oo ka tirsan gobolka Sh/dhexe ayaa iminka waxaa ka jira cudurka shubanka, iyadoo ay sii badanayan dadka maalin kasta uu cudurkaas soo rito. Ciidamo aad u faran oo Ethiopiam ah oo saakay isku balaariyey qeybo kamid ah wadada warshadaha Ciidamo aad u faran ee Ethiopiam ah ayaa saakay isku balaariyey qeybo kamid ah wadada warshadaha iyo deegaanada ku teetsan, iyadoo ciidamadaas aan la sheegin wax howlgal ah oo ay ka sameynayaan deegaanada ay isku balaariyeen. Dadka ku dhaqan xaafadaha Raadeerka iyo Damaayo oo ku yaala hareeraha wadada warshadaha ayaa ku waramay in ciidamo aad u fara badan oo ah kuwa Ethiopia oo ka soo baxay xaruntii hore ee wasaaradda gaashaandhigga ay saakay gudaha u galeen deegaanadaas. Lama sheegin illaa iyo hadda cid ay soo qabqabteen, waxaase dadkii ku dhaqnaa deegaanadaas ay bilaabeen in ay isaga carareen deegaanadooda kadib mrkii ay arkeen ciidamada Ethiopia oo ku soo socda deegaankii ay deganaayeen. Ciidamada Ethiopia ayaa sidoo kale la sheegay in ay isku fidiyeen wadada Excontrol Afgooye halkaas oo dad soo maray wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye ay sheegeen in ay arkayeen ciidamo aad u badan oo wadada teetsan. Ma jiraan wax iska horimaad ah oo lala galay ciidamada Ethiopia ee saakay isku balaariyey qeybo kamid ah wadada warshadaha taas oo badanaa dhacda marka ciidamada Ethiopia ay howlo baaritaano h ka bilaabeen qeybo kamid ah xaafadaha Muqdisho. Si kasta ha ahaatee arrintaan ayaa imaaneysa xilli kooxo ka horjeeda dowladda iyo joogitaanka ciidamada Ethiopia ay weeraro ku qaadaan xarumaha ciidaamda dowladda iyo kuwa Ethiopia. Roobab socday inka badan 12-saacadood ayaa xalay ka da'ay magaalada Muqdisho iyo goobaha ku hareereysan Roobab socday inka badan 12-saacadood ayaa xalay ka da'ay magaalada Muqdisho iyo goobaha ku hareereysan kuwaas oo aan illaa iyo hadda la sheegin khasaare ay geysteen marka laga reebo qoysas badan oo ay roobabkaas saameeyeen sababo la xiriira hoy la'aan. Roobabkaan oo bilowday saqdi dhexe ee xalay ayaa hakaday saakay abaaro 7:30 ee subaxnimo, waxaana ay reebeen raadad fara badan, iyagoo waddooyinka Muqdisho dhigay biyo aad u badan. Guud ahaa waxaa mudadii ay roobkaan ka socday magaalada gaar ahaan inta subaxnimo hakaday dhaqdhaqaaqii ganacisiga iyo gaadiidka kadib markii waddooyin badan oo ay gaadiidku isticmaali jireen ay biyo fariisteen. Sida ay sheegayaan wararka laga helayo goobaha ay ku sugan yihiin dadkii ka barakacay magaalada Muqdisho ee ku teetsan inta u dhexeysa magaalada Muqdisho iyo Afgooye ayuu roobku saameyn xoggan ku yeeshay, waxaana qoysas fara badan ay cabasho ka muujiyeen hoy la'aan kadib markii goobihii ay deganaayeen ay biyaha roobku ugu galeen. Inkasta
oo marka si loo eego dadka iyo doonyadu ay si weyn ugu diirsadeen roobka
haddana waxaa jira arrimo badan oo ka dhashay roobka kuwaas oo ay kamid
yihiin cabasho ka soo yeereysa dadka barakacay iyo biyaha uu waddooyinka
dhigay oo ay ka dhalan karaan caafimaad darro baahsan. Maamul
Goboleedka Puntland iyo Hogaamiye kooxeedyaadii ka talin jiray koofurta
Somalia iyo Magaalada Caasimada ah Muqdisho Maxay ku kala duwanyihiin. Maamul goboleedka Puntland oo dhab ahaantii ka mid noqdey maamuladii looga dhawaaqay dalka Somalia kadib burburkii Xukuumadii uu madaxda u ahaa allaha u naxariistee Maxamed Siyaad Barre, iyadoo uu dhab ahaantiina si wanaagsan uga hirgaliyey gobolada lagu magacaabo Puntland oo ilaa haatana uu ka taliyo.
Afduubka dadka Ajaanibta ah iyo Wadaada.
Lacagaha been abuurka iyo kala qeybinta bulshada. Lacagaha been abuurka ah ayaa ah kuwa kusoo badanayey gobolada koonfurta Somalia kuwaasi oo sida la sheegay laga keeno dhankaa iyo maamul goboleedka Puntland, waa sida ay xaqiijiyeen madax ka tirsa maamul goboleedka Puntland.
Taageerida burcad badeeda ayaa ah arin si weyn looga bartay madaxda maamul goboleedka Puntland iyada oo sheega inaysan awoodi karin inay burcad badeeda ka ilaaliyaan xeebaha Puntland, waxase jirta in Mar ay idaacada BBC-da way diisey wasiir ka tirsan dowlad goobleedka Puntland Ma awoodi wayseen inaad Burcad badeeda ka ilaalisaan xeebaha Puntland? waxa uuna ku jawaabay anaga ma lihin awood aan isiga dhicino, waxaa yaab ah in dhaqaalaha ugu badan uu kasoo galo Puntland xeebaha oo hadana ay awoodi weyso inay ka dhiciso burcad badeeda, waxaa kale oo arin yaab leh in markii la afduubto maraakiibta la geeyo degaano ay ka taliyaan dowlad goboleedka Puntland deetana ay dhahaan anaga ma awoodno inaan iska dhicino burcad badeeda iyada oo ay joogaan deegaanada ay ka taliyaan dowlad goobleedka Puntland.
Gunaanad Habada maamul goboleedka Puntlnad waxa aan kula talin lahaa inay dhibaatooyinkan ay umada ku hayaan ka daayaan waayo waxaa laga yaabaa in shacabka reer Puntland ay u adkaysan waayaan oo ay kacdoon ku sameeyaan taasian ay soo dadajiso in maamulka hada ja kira Puntland uu meesha isaga baxo.
W/D: Cabdikariin Maxamed Jimcaale (Muxsin) Somali Repoter E-mail: Muxsin55@hotmail.com Tel: +254-727965067 Nairobi-Kenya
|
||
| Home // Warar hore // Taariikh // Faallo // Maqaallo // Agoonta S/galbeed // Xidhiidhka | ||
| Copy right © Soomaligalbeed 2006 |
Email:Webmastar@soomaaligalbeed.com |
Website: http://www. soomaaligalbeed.com |