Wararka maanta

Dawlada itoobiya oo u diyaargaroobaysa 60 Guuradii Qabsashadii Dhulka Soomaali Galbeed.

Iyadoo ay Maalmo ka laaban yihiin qabsashadii uu Guumaysiga itoobiya qabsaday dhulka soomaali gabeed ayaa waxaa qasab lagaga dhigay shacabka s/galbeed inay meheradahooda iyo dhammaan Suuqyada la wada sudho Calamada Guumaysiga. Dadka ayaa kaan haysan calankaasna lagu qasbay inuu soo tosho calanka kaddibna uu meheraddiisa ka laalaadiyo.

Sidoo kale iyagoo cabsi weyn ka qaba in maalintaas ay wax dhacaan sidoo tii sanadkii hore ayaa Ciidanka Guumaysigu waxay baadhitaanno habeennadan ka wadeen magaalada Jigjiga, baadhitaannadan ayaa ahaa kuwo uu Guumaysigu ku baadhayo Baabuurta iyo dadka waddooyinka iska maraya, waxaa sidoo kale istaagay habeennadan isu socodka magaalada iyadoo qof waliba ka cabsanayo in uu dhibaato kala kulmo baadhitaannadan.

Baadhitaannadan ayaa intooda badan waxay ka socdaan meel kasta iyo waddo kasta oo magaalada dhex marta haba ugu badnaato meelaha isgoysyada iyo sidoo kale goobaha ay dadku ku badan yihiin.

Wali lama sheegin wax lagu qabtay baadhitaannadan ka soconaya Jigjiga balse waxaa jira dhawr qof oo baadhitaankii xalay lagu qabtay isgoyska ku dhaw Kaalinta Shidaalka ee Shel dadkan la qabtay ayaa ahaa Xabashi ku hadlaysa luqada Xabashiga mana cadda sababta loo qabtay.

Guumaysiga ayaa maadaama ay soo dhaw dahay maalintaas isaga farxaddiisa u ah Shacabka S/galbeedna murugada u ah ayaa waxaa uu sameeyaa baadhitaanno iyo hawlgallo si uu u hakiyo wixii dhibaato ee maalintaas madaw dhici lahaa, iyadoo maalintan maalinteedii kale ee la soo dhaafay ay Qaraxyo ka dhaceen garoonkii kubadda ciyaarta ee lagu samaynayay dabbaaldaga maalintaas oo dad badana si qasab ah lagu soo ka xeeyay balse qaraxii ay waxyeello weyni soo gaadhay Shacabkii iyo inbadan oo Kalkaaliyayaasha Guumaysiga ka mid ahaa oo uu horseed u ahaa Ninka Shacabkiisa ku iibsaday xogaaga yar ee birta Itoobiya ah Lugbuur.

Haddaba dad badani waxay is weydiinayaan tolow doorkana sidee bay noqon doontaa maalintaas iyadoo dad badani ay haddaba magaalada iskaga sii baxeen oo magaalooyin kale tageen si aan loogu qasbin tagitaanka goobta dadka la isugu soo uruurinayo ee uu Guumaysigu ku dabaadagayo. maadaama ay meeshaas oo ay dad badani isugu imaanayaan neceyb badana loo qabo Guumaysiga ay wax walba dhici karaan.

Xoogaga Mujaahijiinta Soomaaliyeed oo Weerara kuqaaday fadhiisima ay Ciidamada Gumeysiga Itoobiya ku leeyihiin Magaalada Muqdisho.

Waxaa barqanimadii maanta ee xilliga Magaalada Muqdisho mar qura laga maqley dhawaqa madaafiicda Hoobiya yaasha, Gudaha Warshadii Hore Ee Baastada,Xayla Bariise, Xarunta Gaashandhiga , Guulwadayaasha Iyo Shiirkole ee degmada Heliwaa oo dhamaantood fariisimo u ah ciidamada gumeysiga Itoobiya.

Madaafiicdan lagu garaacey warshada baastada iyo xalyla basiire ayaa tiradooda lagu sheegay sida ay ku warameen tiro yar oo ka mid ah dadkii degaankaa ku harey, ilaa 7 Madfac oo dhamaantood si toos ah ugu hoobtey gudah labadan fariisin ee Ciidanka gumeysiga Itoobiya ka degan yihiin degmada Heliwaa.

Sidoo kale waxa madaafiic aan tiro ahaan si rasmi ah loo sheegi Karin isla maanta lagu garaacey, xaruntii gaashandhiga, guulwadayaasha iyo shiirkole oo halkaa saaka ay ka jireen dhaq dhaqaaqyo ciidan oo ay wadeen ciidamda gumeysiga Itoobiya iyo kuwa la shaqeeya ee DKMG ah, gaar ahaan kuwa loo yaqaan copy-ga Itoobiya oo si gaar ah ula shaqeeya Ciidanka gumeysiga.

Xoogaga Mujaahidiinta Soomaaliyeed ayaa si joogta ah mar walba madaafiic iyo weeraro kaleba ula beegsada fariisimada Ciidanka gumeysiga Itoobiya ku leeyihiin magaalda Muqdisho, waxa ayna badanaa weeraradooda ku begaan marka Ciidanka gumeysiga Itoobiya ka wadaan dhaq dhaqaaq ciidank gudaha fariisimadooda.

Lama oga inta uu la egyahey khasaaraha Ciidanka gumeysiga Itoobiya ka soo gaarey madaafiicda maanta Xoogaga Mujaahidiinta Soomaaliyeed ku garaaceen fariisimadooda kala duwan ee Magaalada Muqdisho ku leeyihiin, madaama ayna jirin cid ka agdhow deegaankaas oo si sax ah uga warbin karta sida wax u dhaceen.

Dhanka kale ciidamada gumeysiga Itoobiya, ka dib madaafiicdan xoogan ee saaka lagu garaacey fariisimadooda Warshada Baastada iyo Xayle Basiire, waxa ay bilaabeen in ay ku jawaabaan madaafiic kale oo ay u rideen dhinaca deegaanka Suuqa Xoolaha, kuwaas oo aan ilaa iyo hadda la ogeyn khasaaraha ka soo gaarey dadka halkaa ku dhaqan oo ah fara ku tiris.

Ciidanka gumeysiga Itoobiya, ayaa sida caadada u ah waxa ay bixiyaan jawaabo marka Xoogaga Mujaahidiinta Soomaaliyeed ku dhuftaan dhir baaxo kulul oo gaarsiisa khasaarooyin badan oo Naf iyo Maalba leh, iyaga oo Ciidanka gumeysigu halkaa ay ku tuhmayaan in ay ka xigaan deegaanada ay ku dhaqan yihiin dadka shacabka ah u weeciya wixii jawaab ah ee ay bixinayaan

Cudurka Shuban Biyoodka oo Seddax Qof ku dilay Magaalada Jowhar ee Xarunta gobolka Sh/dhexe

Cudurka shubanka ayaa seddax qof ku dilay gobolka Sh/dhexe xaruntiisa magaalada Jowhar, iyadoo ay sii kordhayaan dadka uu soo ridanaayo cudurka shubanka ee ka dilaacay qeybo badan oo kamid ah gobolka Sh/dhexe.

Dadka u dhintay cudurka shubanka ayaa la sheegay in ay ahaayeen hooyo uur leh iyo labo caruur ah oo ay dhasay kuwaas oo uu soo ritay cudurka shubanka kadibna ay ugu geeriyoodeen isbitaalka Inter SOS ee magaalada Jowhar.

Mid kamid ah dhaqaatiirta isbitaalka Inter SOS ayaa sheegay in ay sii kordhayan xadiga dadka uu soo ridanayo cudurka shubank, isagoo dadka ubu baaqay in ay xilli hore yimaadeen isbitaalka marka ugu horeysa oo ay isku arkaan calaamadaha cudurkaas.

"Dhibka ugu weyn waa dadka oo aan goobaha caafimaad tageynin marka uu haleelo cudurka, waxaana u soo jeedinayaa dadku in ay goobaha caafimaad soo gaaraan marka ay isku arkaan calaamadaha cudurka" ayuu yiri mid kamid ah dhaqaatiirta isbitaalka Inter SOS ee magaalada Jowhar.

Wararka laga helayo magaalada Jowhar ayaa sheegaya in isbitaalka Inter SOS ay iminka jiifaan dad badan oo la xanuunsanaya cudurka shubanka oo maalmo ka hor soo ritay.

Si kastaba ha ahaatee qeybo badan oo ka tirsan gobolka Sh/dhexe ayaa iminka waxaa ka jira cudurka shubanka, iyadoo ay sii badanayan dadka maalin kasta uu cudurkaas soo rito.

Ciidamo aad u faran oo Ethiopiam ah oo saakay isku balaariyey qeybo kamid ah wadada warshadaha

Ciidamo aad u faran ee Ethiopiam ah ayaa saakay isku balaariyey qeybo kamid ah wadada warshadaha iyo deegaanada ku teetsan, iyadoo ciidamadaas aan la sheegin wax howlgal ah oo ay ka sameynayaan deegaanada ay isku balaariyeen.

Dadka ku dhaqan xaafadaha Raadeerka iyo Damaayo oo ku yaala hareeraha wadada warshadaha ayaa ku waramay in ciidamo aad u fara badan oo ah kuwa Ethiopia oo ka soo baxay xaruntii hore ee wasaaradda gaashaandhigga ay saakay gudaha u galeen deegaanadaas.

Lama sheegin illaa iyo hadda cid ay soo qabqabteen, waxaase dadkii ku dhaqnaa deegaanadaas ay bilaabeen in ay isaga carareen deegaanadooda kadib mrkii ay arkeen ciidamada Ethiopia oo ku soo socda deegaankii ay deganaayeen.

Ciidamada Ethiopia ayaa sidoo kale la sheegay in ay isku fidiyeen wadada Excontrol Afgooye halkaas oo dad soo maray wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye ay sheegeen in ay arkayeen ciidamo aad u badan oo wadada teetsan.

Ma jiraan wax iska horimaad ah oo lala galay ciidamada Ethiopia ee saakay isku balaariyey qeybo kamid ah wadada warshadaha taas oo badanaa dhacda marka ciidamada Ethiopia ay howlo baaritaano h ka bilaabeen qeybo kamid ah xaafadaha Muqdisho.

Si kasta ha ahaatee arrintaan ayaa imaaneysa xilli kooxo ka horjeeda dowladda iyo joogitaanka ciidamada Ethiopia ay weeraro ku qaadaan xarumaha ciidaamda dowladda iyo kuwa Ethiopia.

Roobab socday inka badan 12-saacadood ayaa xalay ka da'ay magaalada Muqdisho iyo goobaha ku hareereysan

Roobab socday inka badan 12-saacadood ayaa xalay ka da'ay magaalada Muqdisho iyo goobaha ku hareereysan kuwaas oo aan illaa iyo hadda la sheegin khasaare ay geysteen marka laga reebo qoysas badan oo ay roobabkaas saameeyeen sababo la xiriira hoy la'aan.

Roobabkaan oo bilowday saqdi dhexe ee xalay ayaa hakaday saakay abaaro 7:30 ee subaxnimo, waxaana ay reebeen raadad fara badan, iyagoo waddooyinka Muqdisho dhigay biyo aad u badan.

Guud ahaa waxaa mudadii ay roobkaan ka socday magaalada gaar ahaan inta subaxnimo hakaday dhaqdhaqaaqii ganacisiga iyo gaadiidka kadib markii waddooyin badan oo ay gaadiidku isticmaali jireen ay biyo fariisteen.

Sida ay sheegayaan wararka laga helayo goobaha ay ku sugan yihiin dadkii ka barakacay magaalada Muqdisho ee ku teetsan inta u dhexeysa magaalada Muqdisho iyo Afgooye ayuu roobku saameyn xoggan ku yeeshay, waxaana qoysas fara badan ay cabasho ka muujiyeen hoy la'aan kadib markii goobihii ay deganaayeen ay biyaha roobku ugu galeen.

Inkasta oo marka si loo eego dadka iyo doonyadu ay si weyn ugu diirsadeen roobka haddana waxaa jira arrimo badan oo ka dhashay roobka kuwaas oo ay kamid yihiin cabasho ka soo yeereysa dadka barakacay iyo biyaha uu waddooyinka dhigay oo ay ka dhalan karaan caafimaad darro baahsan.

Maamul Goboleedka Puntland iyo Hogaamiye kooxeedyaadii ka talin jiray koofurta Somalia iyo Magaalada Caasimada ah Muqdisho Maxay ku kala duwanyihiin.

Maamul goboleedka Puntland oo dhab ahaantii ka mid noqdey maamuladii looga dhawaaqay dalka Somalia kadib burburkii Xukuumadii uu madaxda u ahaa allaha u naxariistee Maxamed Siyaad Barre, iyadoo uu dhab ahaantiina si wanaagsan uga hirgaliyey gobolada lagu magacaabo Puntland oo ilaa haatana uu ka taliyo.


Maamulkaan ayaa ah dhab ahaantii ah maamul aanan sheegan inuu gooni isaga taagay gobolada kale ee dalka Somalia, iyadoo ilaa haatana uu shaqeeyo hase ahatee aanan ahayn sidii loogu talo galay inuu ku shaqeeyo.


Hadaba Cinwaakeenu waxaa weeye Maamul goboleedka Puntland iyo Hogaamiyayaashii looga itaal roonaday magaalda Muqdisho maxaa ay isaga egyihiin, hadaba arimahaan ayaa usoo qaadanaya kuwa ugu muhiimsan oo ay isaga midka yihiin iyadadoo arimahaan aan mid mid uga hadli doono:-


1. Caburinta Shacabka iyo Saxaafada.
2. Dilalka Qorsheysan ee loo gaysanayo Aqoonyahanaha, Saraakiisha iyo Culumaa’udiinka.
3. Afduubka dadka Ajaanibta ah iyo Culumaa’udiinka.
4. Lacagaha been abuurka iyo kala qeybinta bulshada.
5. Taageerida Burcad badeedka.


Hadaba arimahaan ayaan mid mid ugu soo qaadan doonaa maqaalkeena maanta iyadoo aan u kala hormari doono sida ay kula horeeyaan.


Caburinta Shacabka iyo Saxaafada.


Hadaba maamul goboleedka Puntland waxaa ka jira cadaadis badan oo lagu haayo shacabka ku dhaqan Puntlannd iyo Saxaafada xorta ah iyadoo aanan loo ogoleyn Saxaafada Madax banaani in ay ugu gudbiso wararka iyo afkaarta bulshada ku dhaqan degaanada puntland, iyadoo lagu eedeynayo hadii ay warar ka dhan ah maamulka goboleedka puntland ay sheegaan, inay taageero u yihiin waxa ay ugu yeereen Argagaxiso, sidaana ay ku mutaysanyaan xarig iyo jirdil.


Hase ahaatee arinkaan ayaa ah mid lagu yaqaanay hogaamiyayaashii ka talin jiray gobolada koonfurta Somalia oo ay ku jirtay magaalada Caasimada ah ee Muqidsho iyadoo markii dambena looga itaal roonaday goobihii ay ka talinayeen kadib markii uu dhacay kacdoon shacab oo ya hogaaminayeen Maxkamadihii Islaamig, kaasi oo looga soo horjeeday dhibaatooyinkii, dhaca, boobka, kala qaybinta shacabka, afduubka iyo dilka ay ku hayeen bulshada ku dhaqan deeganadii ay ka talin jireen.


Dilalka Qorsheysan ee loo gaysanayo Aqoonyahanaha, Saraakiisha iyo Culima’udiinka.


Gobalada ay ka taliyaan maamul goobleedka puntland ayaa waxaa baryahaan kusoo badanayay dhac, dilal qorsheysan iyo afduub lagula kaco wadaadada


Magaalada Galkacyo oo ah magaala madaxda gobolka Mudug ayaa hadana ah magaalo hoos tagto maamul goboleedka Puntland iyada oo ay baryahaan kusoo badanayeen dhac loo gaysanayo gawaarida safarka, sidoo kale waxaa jira dilal loo gaysanayo dad safarka iyadoo arinkaasina aysan waxba ka qabanayn maaulka Puntland oo ay u muuqato amaan dari kusii badanaysa gobolada Puntland.


Dhan kale waxaa jira dilal qorsheysan oo ku soo badanayan dhawaanahaan magaalada madaxda maamul goboleedka puntland Garowe kuwaasi oo loo gaysanayay aqoonyahano, saraakiil iyo culimo ku dhaqan goboladaasi Puntland.


Hase ahaatee arinkaan ayaa ah mid lagu yaqaanay hogaamiyayaashii ka talin jiray gobolada koonfurta Somalia oo ay ku jirtay magaalada Caasimada ah ee Muqidsho .


Afduubka dadka Ajaanibta ah iyo Wadaada.


Gobolada Puntland oo ka mid ahayeen meelaha ugu nabdoon kadib dagaaladii sokeeye ayaa waxaa mudooyinkii ugu dambeeyey kusoo badanayey afduub lagula kaco dadka ajaanibta iyo muwaadiniin Somali ah, iyaga afduub ka loo gaysanayo xili ay ku guda jira hawlahooda shaqo ama ku sugan hoygooda.


Dad farabadan oo ajaanib ah kuwaasi oo hawlo shaqo u yimid gobolada Puntland ayaa waxaa loo gaystay xarig iyaga oo ku guda jira hawlo shaqo, halka qaarkoodna iyaga oo dib uga laabanayay goboladaasi laga qabtay garoomada laga duulo ee gobolada Puntland, waxaana ugu dambeeyey Dhaktar Kenyan ah asalkisuna yahay Somali kaasi oo lagu eedeeyey waxa ay ugu yeereeyn falal argagaxisanimo.


Sidoo kale waxaa jira dad muwaadiniin Somali ah kuwaasi oo kasoo jeeda gobolada s/galbeed oo loo gacan geliyey dowlada Ethopia iyada oo lagu eedaynayo madaxda maamul goboleedka Puntland inay falkaasi ay gaysteen.


Hase ahaatee arinkaan ayaa ah mid lagu yaqaanay hogaamiyayaashii ka talin jiray gobolada koonfurta Somalia oo ay ku jirtay magaalada Caasimada ah ee Muqidsho iyadoo markii dambena looga itaal roonaday goobihii ay ka talinayeen kadib markii uu dhacay kacdoon shacab oo ay hogaaminayeen Maxkamadihii Islaamig, kaasi oo looga soo horjeeday dhibaatooyinkii, dhaca, boobka, kala qaybinta shacabka, afduubka iyo dilka ay ku hayeen bulshada ku dhaqan deeganadii ay ka talin jireen.


Lacagaha been abuurka iyo kala qeybinta bulshada.

Lacagaha been abuurka ah ayaa ah kuwa kusoo badanayey gobolada koonfurta Somalia kuwaasi oo sida la sheegay laga keeno dhankaa iyo maamul goboleedka Puntland, waa sida ay xaqiijiyeen madax ka tirsa maamul goboleedka Puntland.


Lacagaha faalsada ah ayaa ka qaybqaatay dhibaatooyinka ugu badan ee ku dhacayay dadka rayidka ah mudooyinkii ugu dambeeyey, iyaga oo si wayn uga qayb qaatay sicir bararka baahsan ee ka jira gudaha dalka Somalia xili lagu guda jiro abaaro iyo xasarado ka oogan inta badan gobolada koofurta Somalia haba ugu darnaatee magaalada caasimada ah ee Muqdisho, hadaba waxaa xusid mudan in magaalada muqdisho laga diiday lacagaha 1000-ka shilling oo duuga ah iyada ay ka jiraan dhibaatoyin ka dhan ah bini’aadanimada hadana waxaa cunaqabatayn la saaray shacabka oo ay qayb wayn ka qaadanaysay lacagaha faalsadaha ee sida la sheegya lagu sameeyo Puntland..


Waxaa lacaga faalsada ah ay gaarsiiyeen sarifka $100.00 dollar 3,700,000 Sh.Somaliga ah tasina waa ay ku tusaysaa halka ay gaartay qiimaha maciishada qutul daruuriga iyada oo keentay in dadka ka barakacy magaalada muqdisho inay awoodi waayaan iibsashada maciishada qutul daruuriga iyadoo arinkaana ay kaliftay inay cunaan haragaha xoolaha iyo waxii ay arkaanba oo qoyan.


Hase ahaatee arinkaan ayaa ah mid lagu yaqaanay hogaamiyayaashii ka talin jiray gobolada koonfurta Somalia oo ay ku jirtay magaalada Caasimada ah ee Muqidsho iyadoo markii dambena looga itaal roonaday goobihii ay ka talinayeen kadib markii uu dhacay kacdoon shacab oo ya hogaaminayeen Maxkamadihii Islaamig, kaasi oo looga soo horjeeday dhibaatooyinkii, dhaca, boobka, kala qaybinta shacabka, afduubka iyo dilka ay ku hayeen bulshada ku dhaqan deeganadii ay ka talin jireen.


Taageerida Burcad badeedka.

Taageerida burcad badeeda ayaa ah arin si weyn looga bartay madaxda maamul goboleedka Puntland iyada oo sheega inaysan awoodi karin inay burcad badeeda ka ilaaliyaan xeebaha Puntland, waxase jirta in Mar ay idaacada BBC-da way diisey wasiir ka tirsan dowlad goobleedka Puntland Ma awoodi wayseen inaad Burcad badeeda ka ilaalisaan xeebaha Puntland? waxa uuna ku jawaabay anaga ma lihin awood aan isiga dhicino, waxaa yaab ah in dhaqaalaha ugu badan uu kasoo galo Puntland xeebaha oo hadana ay awoodi weyso inay ka dhiciso burcad badeeda, waxaa kale oo arin yaab leh in markii la afduubto maraakiibta la geeyo degaano ay ka taliyaan dowlad goboleedka Puntland deetana ay dhahaan anaga ma awoodno inaan iska dhicino burcad badeeda iyada oo ay joogaan deegaanada ay ka taliyaan dowlad goobleedka Puntland.


Hadaba aqristaw maxaa keenay in maamul goboleedka Puntland ay awoodi waayeen inay burcad badeeda ka ilaaliyaan xeebaha Puntland, oo ay wadaado iyo dad rayid ah ku qabqabtaan gudaha gobolada Puntland kuwaasi oo inta badan aanan waxba dambi ah galin, waxii fikradaaada ah noogu soo dir E-mail:- Muxsin55@hotmail.com


Arinkaan ayaa u muuqda mid ay ku lug leeyihiin madaxda sar sare ee dowlad goboleedka Puntland iyada oo ay raali uga yihiin buracad badeeda inay ka qaraabtaan xeebaha Puntland, oo ay heshiis ku yihiin in la afduubto maraakbita.


Waxaa isla sanadkaan gudahiisa xeebaha Puntland lagu afduubtay markab ganacsi oo laga leeyahay Dubai kaasi oo u socday dhankaa iyo Puntland oo sida la sheegay xiriir ganacsi la leh , waxa ayna ciidamada dowlad goboledka Puntland kusoo furteen awood, hadaba aqristow maxaa keenay in Puntland ay maraakiibta ayaga usocta ay awood ku soo furtaan kuwa kalana awodi waayaan inay soo furtaan oo indhaha ka laabtaan.


Hase ahaatee arinkaan ayaa ah mid lagu yaqaanay hogaamiyayaashii ka talin jiray gobolada koonfurta Somalia oo ay ku jirtay magaalada Caasimada ah ee Muqidsho iyadoo markii dambena looga itaal roonaday goobihii ay ka talinayeen kadib markii uu dhacay kacdoon shacab oo ya hogaaminayeen Maxkamadihii Islaamig, kaasi oo looga soo horjeeday dhibaatooyinkii, dhaca, boobka, kala qaybinta shacabka, afduubka iyo dilka ay ku hayeen bulshada ku dhaqan deeganadii ay ka talin jireen.

Gunaanad

Habada maamul goboleedka Puntlnad waxa aan kula talin lahaa inay dhibaatooyinkan ay umada ku hayaan ka daayaan waayo waxaa laga yaabaa in shacabka reer Puntland ay u adkaysan waayaan oo ay kacdoon ku sameeyaan taasian ay soo dadajiso in maamulka hada ja kira Puntland uu meesha isaga baxo.

W/D: Cabdikariin Maxamed Jimcaale (Muxsin)

Somali Repoter

E-mail: Muxsin55@hotmail.com

Tel: +254-727965067

Nairobi-Kenya

 

Home // Warar hore // Taariikh // Faallo // Maqaallo // Agoonta S/galbeed // Xidhiidhka
Copy right © Soomaligalbeed 2006

Email:Webmastar@soomaaligalbeed.com

Website: http://www. soomaaligalbeed.com