Wararka maanta

Ciidamada Gumaysiga Itoobiya oo 18 Qof oo Shacab ah Ka qabqabtay Xaafadaha Magaalada Muqdisho.

Howlgallo ay maanta ciidamada dowladda KMG ah iyo kuwa Itoobiya ka sameeyeen magaalada Muqdisho ayey ku qabqabteen dad shacab ah oo gaaraya 18-qof kuwaas oo ay ka qabqabteen qeybo kamid ah xaafadaha Muqdisho.

Howlgal ay ciidamada dowladdu ka sameeyeen degmada Xamar Jajab ayey ku qabqabteen dad kor u dhaafaya 15 qof kuwaas oo dhamaantood ahaa dad ganacsato ah oo la sheegay inay ku sugnaayeen suuq yaraha degmada Xamar Jajab.

Ciidamada dowladda ayaa dadka ay qabqabteen waxa ay ula dhaqdhaaqeen xabsiyada ay ku leeyihiin magaalada Muqdisho, lamana oga ujeedada ka dambeysa qabqabshada ay ciidamadu kula keceen dadkaasi shacabka ah.

Dhinaca kalena ciidamada Itoobiya ayaa seddax qof oo shacab ah ka kexeystay qeybo kamid ah degmada Hodan oo ay saaka baaritaano ka fuliyeen.

Ciidamada Itoobiya ayaa seddaxda qof ula dhaqaaqay xaruntii hore ee isbitaalka Digfeer oo fariisin u ah islamarkaana ay ciidamadu saaka ka soo bexeen.

Si kastaba ha ahaatee ciidamada dowladda iyo kuw Itoobiya ayaa badanaa qabqabta dadka shacabka ah, iyadoo ay xabsiyada magaalada Muqdisho ay buuxdhaafiyeen dad shacab ah oo si sharci darro ah loo xirxiray.

Tahriibayaal Soomaali ah oo Ku geeriyooday Saxaraha U dhexeeya Dalalka Sudan iyo Liibiya.

Tahriibayaal Soomaali ayaa ku geeriyooday saxaraha u dhexeeya dalalka Sudan iyo Liibiya xilli ay sii kordhayaan dadka Soomaaliyeed ee sida tahriibka ah natdooda ku biimeynaya.

Inka badan 15-qof oo tagriibayaal Soomaali ah ayaa ku geeriyooday dhulka saxaraha ah ee u dhexeeya dalalka Sudan iyo Liibiya, kadib markii la sheegay in dadkaas uu dhul saxaro ah kula qalibmay gaarigii ay saarnaayeen.

Muddo bil ah ayaa la sheegay inay dadkii ku jireen dhulka saxaraha ah, iyagoo aan heysan baad iyo badar toona, waxaana qaar kamid ah dadkaas la sheegay inay badbaadeen.

Qaar kamid ah dadkii badbaaday ayaa iyagoo aad u liita waxaa u soo gurmaday ciidamada ilaalada xadka dalka Liibiya oo geeyey gobo ku yaala dalka liibiya.

Dadka ay ciidamada Liibiya badbaadiyeen ayaa la sheegay inay doonayaan inay dalka Liibiya uga gudbaan dalka Talyaaniga oo ay si naf hurid ah badda u dhexeysa dalalka Liibiya iyo Talyaaniga uga talaabayaan.

Badanaa dad tahriibayaal Soomaali ah ayaa ku dhinta xeebaha dalalka Liibiya, Talyaaniga iyo Yemen, waxaana sidoo kale dad tahriibayaal Soomaali ah ay ku dhintaan dhulka saxaraha ah ee u dhexeeaya dalalka Sudan iyo Liibiya.

Sheekh Xasan Daahir oo Markii ugu horeysay Qiray in dowaladda Yemen ay Dhex dhexaadinayso Isbeheysia Dib u Xoreynta Soomaaliyeed.

Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa markii ugu horeysay qiray in dowaladda Yemen ay heshiis ka dhex wado labada garab ee uu u qeybsamay isbeheysia dib u xoreynta dalka Soomaaliya.

Sheekha oo wareysi siinayey idaacadda VOA ayaa sheegay inuu jiro dadaalo lagu heshiisiinayo labada dhinac oo ka socda dalka Yemen, wuxuuna intaas raaciyey inay xubnaha isbeheysiga ee ku sugan magaalada Asmara aqbaleen inay ka qeyb galaan shirka dhexdhexaadinta ah ee ka dhacaya dalka Yemen.

"Anigu qorshaha iiguma jirto inaan ka qeyb galo shirkaas, hase ahaatee waan taageerayaa wixii ka soo baxa ee natiijo ah" ayuu intaas hadalkiisa sii raaciyey sheekh Xasan Daahir Aweys.

Sheekh Xasan Daahir wuxuu carabka ku dhuftay inuu soo dhaweynayo in la soo afmeero khilaafaadka hareeyey isbeheysiga dib u xoreynta ee u kala jabay labada garab, islamarkaana ay wanaagsan tahay inay labada dhinac isu tanasulaan oo ay wanaagga ka wada shaqeeyaan.

Hadalka Sheekh Aweys ayaa imaanaya xilli dalka Yemen ay ku sugan yihiin wafuud ka kala socota labada garab ee isbeheysiga dib u xoreynta Soomaaliya kuwaas oo xarumo ka kala dhigtay magaalooyinka Asmra iyo Jabuuti

Wadanka Kenya oo ay Kataagantahay Fadeexad Kadhalatay Hotel Caan ahaa oo Hoos Looga Gaday Shirkad Libyaan ah.

kadib markii ay soo shaac baxday in mid kamid ah hotelada ugu caansan wadanka kenya oo lagu magacaabo GARAND REGENCY laga ii biyay shirkad liibaayan ah, ayaa waxaa wadanka kenya hal mar ka istaagay qaylo iyo hadal haynta khayaamadaas.

Garand waa hotel kamid aha hantida qaranka kaas oo lagala wareegay nin maal qabeen aha oo lagu magacaabo KAMLESH PATTNI kadib markii lagu ee deyay in ii lug kulahaa fadeexadii GOLDAN BERG taas oo socotay mudo 15 sana aha fadexadan oo ahayd mid si wayn looxga xasuusot gabi ahaan wadanka kenya,

Fadexadan ayaa kadanbaysay markii lacago laqa qaadatay bangiga dhexe ee KBC ee wadanka,
Lagacagahan yaa lagusheegay in aydhanayd 1billon dollars taas ooy sheegen in lagubxin doono magdhoyo ganacsi taas oo noqotay waxba kamajiraan badhitaano lasameeyay kadib,

Sikas taba ha ahaatee ayada oon lahilmaamin laxowgii fadaxadihii GOLD BERG IYO ANGLOLSYSM yaa hada dhaka faar kunoqotay fadexadan cusub guud ahaan shacbka kenay,ayada oo horaantii bishii jun uu shaaciay waziirka maliyada ee wadanka kenya AMOS KIMUNYA in lagu iibayay hotelka lacag dhan 2.8 billon,

Ayaa waxaa beeniyay waziirka dhulka JAMES OREGO asaga oo shegay in uunan waxba kala soconin suuq gaynta hoteka hasayeeshe aanan lasiinin qiima uqalma hotelka mr ORENGO aya yiri lamsiinin hotelka 2.8 ee waxaa lasiiyay 1.8 taas oo iridaha ufurtay in laga dalbo mr kimunya in uu iscasilo,

Waziirda cadaalada MARTHA KARUA ayaa sheegtay in ay ceeb oogufilantahay kenaya fadexadihi hore tana aanan la aqabalaynin waa in uu iscasilaa kimuna hadiikale waa in lagaxyuubiyaa xilka si badhitaan loogu sameeyo, kimunya ayaa isaga dhankiisa shegay in hotelka loo ibayay si sharciga waafaqsan asaga uu kutilmamay wax aanan jir hadaladan soobaxayay,

Sikatanaba ha ahaate raisul wazaaraha dalkan mr RAILA ODINGA ayaa shalay umagacaabay gudi kakooban 5 xubnood oo badhitaan kusameeya arintaas kuwaas oo lafilayo in ay maanta soobandhigayaan dukumiintiyo iyo cadaymo rasmi aha gudigan ayaa waxaa horkacaya xeer illaliyaha guud ee wadanka mr AMIS WAKO.WAXII KASOO KORDHA KALSOCO www.soomaaligalbeed.com
A.A.A. NABAD DOONE

Maraakiibta Dagaalka ee Dalka Jarmalka oo Dhaqdhaqaaq Ciidan Ka billaabay Xeebaha Dalka Soomaaliya.

Maraakiibta dagaalka ee dalka Jarmalka ayaa dhaqdhaqaaq ciidan waxa ay ka wadaan xeebaha dalka Soomaaliya sida lagu sheegay war ka soo baxay dowladda Jarmalka.

Dowladda Jarmalka waxa ay sheegtay labo kamid ah maraakiibteeda dagaalka ay ku sugan yihiin xeebaha dalka Soomaaliya halkaas oo ay sheegeen inay kala socdaan dhaqdhaqaaqa wax ay ugu yeereen kooxaha argagixasada ah.

Labada markab ee dowladda Jarmalku sheegtay inay ku sugan yihiin xeebaha dalka Soomaaliya ayaa mid kamid ah waxaa lagu magacaabaa preman, waxaana dowladda Jarmalku ay sheegtay in markabka kale ay ku rakiban yihiin gantaalaha loo yaqanaa Torbido oo masaafa gaareysa 150 Km wax ka duqeeya.

War bixinta ka soo baxday dowladda Jarmalku laguma sheegin in Jarmalku qeyb ka qaadanayo la dagaalanla kooxaha burcad badeedda ah ee dhibaatooyinka ku haya maraakiibta shisheeye ee isticmaala biyaha dalka Soomaaliya.

Waa markii ugu horeysay oo dowladda Jarmalku ay sheegto inay dhaqdhaaqaaq ka wado xeebaha dalka Soomaaliya tan iyo markii ay soo ifbexeen cabsida laga qabo in kooxo xiriir la leh ururka Al-Qaacida ay gudaha Soomaaliya u soo gudbaan.

Home // Warar hore // Taariikh // Faallo // Maqaallo // Agoonta S/galbeed // Xidhiidhka
Copy right © Soomaligalbeed 2006

Email:Webmastar@soomaaligalbeed.com

Website: http://www. soomaaligalbeed.com