Maxaabiis dhan 17,765 oo laga sii daayay xabsiyada Itoobiya. iyo Kumaan u dhashay S/galbeed oo xabasiyadda kabuuxa cidina ka hadlin.

Jigjiga, September 30, 2007 (SG) - Munaasibaddii ciidda kun-guurada saddexaad ee Itoobiya awgeed, ayaa waxaa dowladda federaalka iyo dowlad-degaanaduba ay cafis u fidiyeen baxaabiis dhan 17,765. Cafiskan ayaa lagu dhawaaqay laguna beegay munaasibadda sannadka cusub ee 2000 ee Itoobiya sannadkan oo bilaabmay September 12, 2007.

Girma Woldegiorghis, madaxweynaha Itoobiya, ayaa u fidiyay cafis 383 baxbuus kadib markii la eegay codsi ay sameeyeen maxaabiista iyo Wasaaradda Caddaaladda iyo Xafiiska Maamulka Asluubta ee Federaalku.

Sidoo kale, toddoba ah madaxweyneyaasha dowlad-degaanada ayaa iyaguna sameeyay cafis kanoo kale ah oo ay siiyeen maxaabiistii ku xidhnayd degaanadooda.

Sida ay sheegtay wakaaladda wararka ENA ee Itoobiyana, Ismaamulka Tigray waxaa laga siidaayay baxaamiis dhan 1800, Ismaamulka Axmaarada 3108, Ismaamulka Oromada 6942, Ismaamulka Shucuubta Koonfureed 4995,.

Ismaamulka Benishangul Gumuz 458, Ismaamulka Hararida 60, iyo Ismaamulka Gambella 19. Waxaa sidoo kale la sheegay in guddiyada cafiska ee Ismaamulada Soomaalida ay wali kafiirsanayaan nooca ay noqonayaan maxaabiista la filayo in degaanka Soomaalida laga siin doono.

Haddaba, degaanka Soomaalida ayaa laga hadalhayay sii deynta maxaabiistan cafiska loo fidinayo tan iyo horraantii bishan September 2007 xilligaas oo ay soo ifbaxeen hadallo laysla dhaxmarayay oo la sheegayay in dawladda federaalku ay rabto inay cafiso baxaabiis badan. Waxay dadku isweydiinayeen sida ay noqon doonto qorshaha cafiska loogu fidin doono maxaabiista degaanka Soomaalida.

Dadweynaha Soomaaliyeed ayaan rajo fiican ka muujin qorshahan cafiska loogu fidinayo maxaabiista. Waxaa soo ifbaxaya warar sheegaya in maxaabiista degaanka Soomaalida laga sii deyn doonaa ay u badan doonaan dad shacab ah oo badan oo markii horeba aan wax danbi ah lagu hayn balse la soo xidhay iyaga oo hawlahooda caadiga ah qabsanaya kuwaasi oo ay caddahay inaanay jirin falal danbi oo lagusii haysan karo.

Waxaa jira dad badan oo lagu soo qabtay aqoonsi la'aan balse aan wax denbi ah lagu hayn. Dadka siyaasadda degaanka u kuur galaana waxay sheegayaan in dowladdu dadka noocan ah ay ku buuxin doonto liiska cafiska.

Si kastaba ha noqotee, waxaa siweyn looga dhursugayaa tirada iyo nooca ay noqonayaan maxaabiista Cabdilaahi Xasan "Lugbuur" dhawaan lafilayo inuu cafis siiyo. Dad badan oo sharci darro lagu soo xidhxidhay isla markaana aan wax rajo ah kaqabin in la horkeeno maxkamad caddaalad ah ayay farxad u noqon kartaa in xabsiyada laga sii daayo.

Sannadkii hore markii uu bilow ahaa ayaa dowladda Itoobiya waxay cafis siisay maxaabiis dhan 14,000. Maxaabiista tiradaas dhan ee wakhtigaasi lasiidaayay kuma jirin wax laga cafiyay degaanka Soomaalida.

Back