|
Wararka
maanta
|
||
|
Mid kamid ah xubnaha golaha aqoonyahanada Digil iyo MIrifle oo a xalay lagu dilay magaaladda Baydhabo. Mid kamid ah xubnaha golaha aqoonyahanada Digil iyo MIrifle ayaa xalay rag hubeysan waxa ay ku dileen gudaha magaalada Beydhabo kadib markii ay tacshirad huwiyeen. Kooxo hubeysan ayaa ku dilay meel ku dhow suuga lagu iibiyo digaaga ee magaalada Beydhabo halkaas oo la sheegay in uu ka dhawaa hoygiisa oo uu xiligaas u socday. Marxuumka
la dilay oo lagu magacabi jiray Sheekh Ibraahim Geelle ayaa horey waxa
u soo noqday xildhibaan ka tirsanaa barlamaankii dowladdii Carta, iminka
waxa uu ka tirsanaa golaha aqoonyahanada Digil iyo Mirifle. Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dilka loo geystay Sheekh Ibraahim Geelle, waxaana wararka qaar ay sheegayaan in uu salka ku hayo aanooyin qabiil. |
||
| Home // Warar hore // Taariikh // Faallo // Maqaallo // Agoonta S/galbeed // Xidhiidhka | ||
| Copy right © Soomaligalbeed 2006 |
Email:Webmastar@soomaaligalbeed.com |
Website: http://www. soomaaligalbeed.com |