Waxaan idiin soo gudbinaynaa warbixin uu Bashiir Nuur nooga soo diray Soomalida Ku nool wadanka Baraaziil iyo dhibaatooyinka haysta.

Waxaa wadanka Baraziil jooga Somali iyo itoobiyaan fara badan oo isugu jira dad si toosa uga yimid Somaliya, Kenya, iyo itobiya halka qaar kalana ay ka soo kicitimeen south africa Dubay iyo Suuriya.

Dadka soomalida ah ayaa u badan dad ka soo cararay dhibaatooyin kala duwan ha noqoto dhibaatooyinka ka jira dalka somaliya iyo s/galbeed ama ha noqoto mid ay kala kulmeen wadanka South africa kadib markii ay nabad galiyo darro uga soo carareen wadankoodii halkaana ay kala kulmeen dilal joogto ah iyo dhac intaba.

Xaaladda dadka Soomaliyeed ayaad moodaa inay tahay neef gowracani geedo kama laabto iyagoo khatarro fara badan u mara inay gaadhaan dalalka Yurub iyo Ameerica si ay u helaan nolol dhaanta midda ay ku jiraan.

Somalida safarka ku marta wadanka Barazil ayaa la kulanta dhibaatooyin kala duwan oo ay ka mid yihiin iyagoo marka ay ku kharash beelaan ama ku go doomaan ay isu dhiibaan dowladda Barazil, kadibna la geeyo Kiniisadaha kalkaasna lagu hayo in muddo ah.

Wadanka Barazil waxaa ka jira Kinisado fara badan oo faafiya diimaha kiristanka dhanka kalana caawiya dadka qoxootiga ah iyo kuwa wadanka u dhashay ee faqiirka ah,hadaba waxaa jira dad soomali ah oo hadda ku sugan meelo kiniisado ah oo lagu hayo kadib markii ay sahay la aan noqdeen ama kharashkii kaga dhamaaday.

Nolasha lagaga noolyahay kaniisadaha ayaa ah mid aad u hoosaysa oo ah naf ku celin uun, iyadoo la ogyahay diin ahaan dhibaatada ay leedahay inuu qof muslim ihi Kiniisad magansado inuu aduunyo helo awgiis ama safar aduunyo awgiis.

Bashiir ayaa leh dad badan ayaa iska joogi lahaa meelaha ay joogaan hadday ogaan lahaayeen waxyaabaha ay lakulmayaan iyo dhibaatooyinka uga soo horeeya wadamadan Tahriibka lagu marayo.

Back