|
Wararka
maanta
|
||
|
War Degdeg ah: Labo Nin oo U dhalatay Wadanka S/galbeed oo ay Maamulka S/land U dhiibeen Gumaysiga Itoobiya. Warar lagu kalsoon yahay ayaa noo xaqiijiyay in labo nin oo u dhalatay wadanka s/galbeed ay maamulka S/land ka qabteen boosteejo baabuur " Meel baabuurta laga raaco" oo ku taala magaalada Hargaysa. Wararkan ayaa sheegaya in labadaas nin oo socoto ahaa ay qabteen ciidamada Police ka magaalada hargaysa, xili ay rabeen in ay kasii baxaan magaaladaas. Labadan nin ayaa mid kamid ah magaciisa naloogu sheegay Abshi, halka midka kalana aanaan wali helin. Dad ka ag dhawaa markii nimankaas laqabanayay oo aan si fiican ubaranin , balse deegaan ahaan bartay ayaa noo xaqiijiyayin ay nimankaas ka soo kala jeedaan magaalooyinka Garbo iyo sagag ee Gobolka Nogbeed ee Wadanka S/galbeed. Wararkan oo ah warar cusub oo hor dhac ah ayaan hadii uu alle idmo idiinku soo gudbin doonaa wararkayaga dame C/raxmaan
Ibi oo sheegay in Ciidamada Itoobiya ay ku baxayaan Wakhtigii loo qabtay. Cabdi Raxmaan xaaji Aadan Ibi oo xalay u waramayay qaar ka mid ah warbaahinta muqdisho isaga oo ku sugan magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayaa sheegay in Ciidamada Gumeysiga Itoobiya ay dalka Soomaaliya uga baxayaan mudadii loo qabtay iyaga oo aan hal maalina ku darsan. C/Raxmaan Ibi ayaa sheegay in dadka qaar ay si khalad ahi u fasirteen Bixitaanka ciidamada gumeysiga itoobiya isla markaana mar waliba ay ciidamada gumeysiga itoobiya ka baxayaa dalka isla markaana aan loo ogolayn in ay hal maalin ku darsadaan. Ibi ayaa carabka ku dhuftay in hadii aan la keenin ciidamo ka socda QM mudo 120 maalin gudahood ay ciidamada gumeyisga itoobiya ka baxayaan gudaha Dalka Soomaaliya ayna uga baxayaan buu yiri qaabkii markii hore ay ku soo gashay Gudaha Dalka Soomaaliya oo ah codsi kaga yimid dowlada KMG ah ee la shaqeysa gumeysiga itoobiya. Hadalkan
ayaa ku soo beegmaya iyada oo ay ciidamada gumeysiga itoobiya shalay ka
geesteen magaalada Muqdisho xasuuq arxan daro ah iyo Barkac xoogan ka
dib markii ay isku fidiyeen qeybo ka mid ah degmooyina magaalada muqdisho.
Guddiga Dib u heshiisiinta DF oo Markii ugu horeysay Ku baaqay In wada xaajood lala galo Dagaalyahanada Hubeysan ee Ururka Al-shabaab. Guddiga dib u heshiisiinta Qaranka ayaa markii ugu horeysay ku baaqay in wada xaajood lala galo dagaalyahanada hubeysan ee ururka Al-shabaab oo kamid ah xoogagga dagaalka kula jira dwladda KMG ah iyo ciidamada Ethiopia. Isagoo la hadlayey mid kamid ah idaacadaha Muqdisho guddoomiyaha guddiga dib u heshiisiinta Qaranka Ismaaciil Macalin Muuse ayuu shaaciyey in ay haboon tahay in wada hadalo lala galo ururka Al-shabaab islamarkaana lagu biiriyo wada xaajoodka dowladda KMG ah ay kula jirto dhinacyada ka horjeeda.
"Runtii
wey haboon tahay in Alshabaab lala xaajood lala furo, anigana aragti ahaan
waan ku baaqaya arrintaas waayo xalka siyaasadda ayey qeyb ka tahay"
ayuu yiri Ismaaciil Macalin Muuse. |
||
| Home // Warar hore // Taariikh // Faallo // Maqaallo // Agoonta S/galbeed // Xidhiidhka | ||
| Copy right © Soomaligalbeed 2006 |
Email:Webmastar@soomaaligalbeed.com |
Website: http://www. soomaaligalbeed.com |