Wararka maanta

Boob loogeestay Dukaan uu lahaa Muwaadin Somaliyeed uu ku yaalay Duleedka Magalada Port Elizabeth Ee Gobalka Eastern Cape

Xalay abaarihii 8:30 kii Habeenimo ayaa waxaa burcad hubeeysan ay dhac ugeesteen dukaan uulahaa muwaadin somaliyeed oo lugu magacaabo…Maxamed Adan Biyey (Malaaq Biyey)…….. waxayna kaqaateen maal lugu qiyaasay ilaa 15,000 oo lacagta wadanka K/Africa ah oo udhiganto illa 1500$ Dhaca ay ugesteen kuma aysan gaabsan ee markii ay dhameeysteen wixiifududaa ee aygacanta kuqadan Kareen ayay waxay iskuyereen dad waynihii daganaa tulada kadibna ay ku amreen in ay boobaan hantida mesha kujirto.

Dhacaan iyo boobka loogeestay Dukaanka ayaa waxaa uu argagax kunoqonayaa dhamaan dad waynaha Soomaaliyeed ee kudhaqan Gobalka Eastern Cape.

Ma,ahan markii ugu horeeysay ee uu dhac iyo boob kadhaco Gobalkan Laakin dhacaan ayaa waxaa uu kaduwanyahay kuwii horay udhici jiaray ayadoo marmarsiyo loosoomari jiray boobka iyo dhaca loogeeysto dukaamada ay kuleeyihiin tuuloyinka umada Somaliyeed.

Sidookale waxaa aad looga cabsi qabaa in uu saameeyn kuyeesho dhamaan wadanka ayadoo loo aaneeynayo dhibkaas in uu kulugdarsanayo midka kasocdo gobalada kale e wadanka.

Bishaan gudaheeda ayaa waxaa kadhacay wadankan gudihiisa barakac aad u baaxad wayn kaas oo kadhacayo Gobalada wadankan intooda badan.

Dhacan iyo barakacaan ayaa aad uqalqalgalinaayo dhamaan dadka kazoo haajiray wadamadodii oo aanan haysan meel ay karaadsadaan quutul duruurigooda.

Waxaa iskuday iyo dadaalo kawado dhamaan Gobalada wadankan oo dhan Jaaliyada Somaliyeed ee Lugumagacaabo Somali Association of South Africa (SASA) taas oo isku dayeeyso in ay kudhiira galiso dhamaan xarumaha Dawladaha in wax laga qabto dhibka kasoconaayo dhamaan wadanka oo la siiyo meelo ay naftooda iyo hanitidooda ku badbaadsadaan dadka qaxootiga ah ee kusugan wadankaan.

Sidookale waxaa digniin sinayo dhamaan dadka kuleh dukaanmada tuulooyinka mas,uuliyiinta Jaaliyada in ay kataxadiraan dhibka kasocdo wadanka oo ay udiyaar garoban iskana ilaaliyaan waxyaalaha keeni karo in ay isku dhacaan bulashada ay kudhax dhaqanyihiin

Reported by Ismacil Turky


Madaxii hay'adda Horn Relief ee Gobolada Jubbooyinka oo Xalay ay Rag hubeysan Ku dileen Gudaha Magaalada Kismaay.

Madaxii hay'adda Horn Relief ee gobolada Jubbooyinka ayaa xalay rag hubeysan waxa ay ku dileen gudaha magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose gaar ahaan meel ku dhow hoygiisa.

Falka dilka ah ayaa waxaa geysteen kooxo ku hubeysnaa bastoolado islamarkaana wajiyada soo duubtay, kuwaas oo markii ay marxuumka dileen goobta isaga cararay.

Mas'uulka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Dr. Axmed Baariyow waxaana uu madax u ahaa hay'adda Horm Relief qeybteeda gobolada Jubbooyinka, waxaana uu shalay safar kaga yimid magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Lama oga cidda ka dambeysa dilka marxuumka oo si weyn looga dareemay guud ahaan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose, waxaana wararku ay sheegayaan in ciidanka amaanka magaalada Kismaayo ay goobta gaareen kadib dilka.

Hay'adda Honr Relief ee uu madaxda ka ahaa marxuumka ayaa mashaariic badan waxa ay ka fulisay gobolada Jubbooyinka, iyadoo goobo waxbarasho ah ka furtay magaalooyin kamid ah kuwa gobolada Jubbooyinka.

Home // Warar hore // Taariikh // Faallo // Maqaallo // Agoonta S/galbeed // Xidhiidhka
Copy right © Soomaligalbeed 2006

Email:Webmastar@soomaaligalbeed.com

Website: http://www. soomaaligalbeed.com