Mujaahidiinta Soomaaligalbeed, oo dagaalo dhex maray iyaga iyo ciidamadda gumaysiga ku dilay tiro badan oo ka tirsan ciidanka gumaysiga qaar kalana kaga dhaawacay.

Maalintii shalay oo taariikhdu ahayd 16/10/07 ayaa dagaal culisi waxaa uu dhex maray Mujaahidiinta Midowga Jabhadda Xoraynta S/galbeed iyo gumaysiga Itoobiya.

Dagaalkan ayaa la sheegay in uu ka dhcay deegaanka lagu magacaabo Muluqo oo ka tirsan Dagmadda Shaygoosh ee gobalka Qoraxay, dagaalkan ayaa ahaa mid gaadmo ah oo ay ciidamadda Mujaahidiintu ku qaadeen Ciidamadda gumaysiga oo fadhiisan ku lahaa ceelal halkaa ku yaala oo xooluhu ka cabaan.

Mujaahidiinta ayaa ku dilay 10 ka tirsan ciidanka gumaysiga dagaalkaas iyagoo tiro intaa ka badana ku dhaawacay dhanka Mujaahidiinta Alle mahadii ayuuna jirin wax khasaaro ah oo kasoo gaadhay dagaalkaas.

Dhanka kale dhulka S/galbeed ayay wali ka jirta xaalad aad uqalafsan taasoo issgu jirta dhibaatooyinka ay ciidamadda gumaysigu ku hayaan shacabka dhulkaa dagan sida Dilka, Dhaca, iyo barakicinta, intaa waxaa sii dheer iyadoo goblaakaasi in muda ahba ay goodoomiyeen gumaysiga iyagoo joojiyay dhamaanba waxyaabihii ganacsiga lagu gayn jiray goblkaas.

Dagaal culus kadib oo xalay la sheegay inay Xoogaga Muqaawamadu la wareegeen saldhiga Dagmadda Howl-wadaag ee magaaladda Muqdisho.

Xoogaga Muqaawamada Soomaaliyeed ayaa caawa dagaal kululi ka dib la wareegay Saldhiga Ciidanka Booliiska ee degmada Howl-wadaag ee magaalada Muqdisho.

Ilo xog ogaal ah oo ku dhadhaw Xoogaga Muqaawamada ayaa sheegay in ay caawa la wareegeen saldhiga Booliiska Degmada howl-wadaag isla markaana ay ku gubeen hal gaari oo aan la ogayn noociisa ka dib markii ay ku qaadeen dagaal xoogan oo gaadmo ah.

Dagaalka oo bilowday Salaada Makhrib kadib xiliga magaalada Muqdisho, ayaa mudo hal saac ah ka dib joogsaday isaga oo mar labaadna dib u bilowday Abaare 09:20 fiidnimo ee caawa kaas oo ay xoogaga muqaawamadu ku qaadeen Saldhiga Booliiska iyo ciidamo kale oo gurmad u ahaa Ciidamada Booliiska DFKMG ah ee degan isla Saldhigaas.

Dagaalkan oo ahaa mid la isku adeegsanayay Madaafiic iyo hubka kaloo culusba ayaa waxa uu ku faafay nawaaxiga inta u dhaxaysa Isgoyska Siinaay illaa nawaaxiga Saldhiga Booliiska ee Howl-Wadaag.

Illaa iyo hadda lama sheegi karo khasaaraha caawa soo gaaray Ciidamada Booliiska ee weerarka lagu qaaday,marka laga reebo hal askari oo uu sheegay in laga dilay Taliyaha howl-galinta Ciidamada Booliiska.

Dhinaca kale Ciidamada Gumeysiga Itoobiya ee ku sugan Madaxtooyada Villa Soomaaliya ayaa ku gaaracay Madaafiic badan oo qaarkood lagu sheegay Hoobiyayaal xaafadaha kala duwan ee magaalada Muqdisho.

Back