Wararka maanta

Baabuur Shacab ah oo Ku gadoomay Inta u dhaxaysa Magaalooyinka Fiiq iyo Baabili ee Wadanka S/galbeed.

Shil Baabuur ayaa waxaa uu ka dhacay jidka u dhaxeeya Baabili iyo Fiiq ee Dhulka Soomaaligalbeed, halkaas oo dadkii baabuurkaas saarnaa intoodii badnayd ay soo gaadhay dhaawacyo sahlan, mana jirin qof ku dhintay Shilkaas Baabuur.

Shilkan ayaa dhacay xilli habeen ah kaddib markii uu Baabuurkii madaw ka fuulay meel god ahaa oo uu ka leexan lahaa, halkaasna uu ku gadoomay Baabuurkii.

Baabuurkan rogmaday ayaa ahaa mid Shacab ah oo siday Rakaab badan. dhaawicii dadkana waxaa la geeyay magaalada Jijiga.

Haddaba ma ahan markii u horeysay ee Shil baabuur ka dhaco jidka u dhaxeeya Magaalooyinka Baabili iyo Fiiq, balse waa ay fogeed waxayna baabuurtu inta badan o rogmadaan wadada oo iska xun oo meelo badani ay godad yihiin kuwaas oo sababa in baabuurka aad u raran amase xammuul badan sida uu ku rogmado wadadaas.

Hawlgalkii Ururka Codka Nabd raadinta Ogadenia uu ku Tagay Washington DC.



Ururka codka nabad-radinta Ogadenia (Ogaden Voice for Peace-OVP) ayaa hawlgal taariikhi ah socdayna muddo 6 maalmood kuna salaysnaa baadigoobka xaqa aayo ka tashi ee gobolka Ogaden & u ololeynta xuquuqda bulshada ku nool gobolkaa kaga soo noqday caasimadda dalka maraykanka Washington DC.

Madaxda ururka OVP ayaa waxay kulamo saacado badan qaatay kula yeesheen aqalka cad ee dalka maraykanka agaasimaha guddiga arimaha afrika & khuburo sare oo ka mid ah la taliye-yaasha arimaha siyaasadda dibadda. Waxay madaxdaasi dhagaysteen warbixinadii uu waday ururku

Waxay sidoo kale codka nabad-raadinta Ogaden ay madaxda wasaaradda arimaha dibadda (state department) la yeesheen laba kulan oo midina ku qotomay xal u helidda khilaafka siyaasi ee ka taagan gobolka Ogaden & ku tacaddiga nolosha bulshada gobolkaa ku dhaqan.

OVP waxay guddoonsiisay Mas’uuliinta wasaaradda arimaha dibadda u qaabilsan arimaha xuquuqda aadanaha diiwaan ay ku sugan yihiin magacda boqolaal ka mid ah bulshada sida sharci darrada ah ugu jirta jeelasha xoogagga milatari ee Ethiopia. Waxay sidoo kale madaxda OVP soo bandhgeen qaar ka mid ah sawirada gabdhaha & wiilasha ay jidh dileen milatarigu mayd ahaantana uga tageen.

Qureec sharaf lagu martiqaaday qaar ka mid ah ururada & hay’aadka bulshada rayidka ah ayna soo qabanqaabisay xidhiidhka qaybta khaarijiga (foreign relations) ayey OVP sidoo kale fursad u yeelatay inay bandhig qoto dheer ka samayso, taxanaha taariikheed ee gobolka Ogaden & xaaladaha cakiran ee ka aloosan maanta.

Senatorska dhowr gobol ayaa waxay kulan xafiiskooda kula yeesheen ururka, waxayna ka dhagaysteen dhambaalkii uu ururku ka waday bulshada Ogadenia waxay sidoo kale ka guddoomeen diiwaanka magacyada & muuqaalkii ay ka sideen tacaddiga xuquuqda soomalida ku nool gobolka Ogaden.

Guddiga sharci dejinta & maktabadda aqalka cad u qaabilsan cilmi badhista & daraasaynta siyaasadda geeska afrika ayaa iyaguna shir socday muddo laba saac ah la yeeshay ururka OVP. Hawl-wadeenada guddigan oo xilal kala duwan ka soo qabtay geeska afrika ayaa iyagu ahaa kuwo ka dharagsanaa dhibaatooyinka lagu hayo bulshada Ogadenia. Sidaa darted waxay rugta kaydkooda ku darsadeen diiwaanka & sawirada dhibka iyo burburka yaala Ogadenia, waxay sidoo kale wada shaqayn joogto ah la yeelan doonaan ururka OVP.

Gabagabadii go’aamada hawlgalkii & ololihii codka nabad raadinta Ogadenia ay kala yimaaddeen madaxdaas ayaa waxaa ugu muhiimsanaa:_

1- Fiiro gaar ah & mudnaan gooni ah in la siiyo qaxootiga reer Ogadenia ee ku sugan Jabuuti & Kenya loona sameeyo Barnaamij dib u dejin ah looguna soo rarayo waddamadan reer galbeedka, si looga badh qabto burburka nololeed ee kala soo gudboonaaday xaaladda ka jirta Ogadenia.

2- Guddi xaq dhawr ah in sida ugu degdegga badan loogu diro xabsiyada lagu hayo muwaaddiniinta aan waxba galabsan.

3- Ka hortagiid gummaadka aan kala joogsiga lahayn ee ka jira dhulka Ogaden.

4- Xal u helid khilaafka siyaasi ee qaddiyadda Ogaden.

5- Wada shaqayn joogto ah oo dhex mari doonta Codka nabad raadinta Ogaden & Hay’aadka ay kulamadu dhex mareen. Waxay madaxda OVP dhankooda ka balanqaadeen inay si joogto ah u soo gudbin doonana xogta dhata ah ee ka jirta gayiga ogaden.

OGADEN VOICE FOR PEACE!

Raisul Wazaraha Wadanka Kenya mr RAILA ODINGA oo u Ambabaxay Wadanak Maraykanka.

Raisul wazaraha wadanka kenya mr RAILA ODINGA ayaa u ambabaxay wadanak maraykanka halkaas oo lafilayo in uu laqaato shirar kaladuwan xubno katirsan dowlada maraykanka ayada oo si;gaar aha farta loogu fiiqayo in uu lakulmi doono ninka isudiyaarinhaya in uu noqdo madaxwaynaha dalkaas BRAK OBAMA oo ay isku jifayihiin MR ODINGA
MR:ODINGA.

waxaa ku weheliya safarkiisan waziiro iyo saraakil sasare oo katirsan dowlada keya iyo waliba safiirka uujooga marakanka dalka kenya
Dhanka kalana madax wayne KIBAKI ayaa furay shir ay soo qabanqaabisay qaramada midoobay kas oo socondoono mudo 3 cidmaal aha shirkan ayaa waxaa looga arisanhaa sidii wax loogabaldali lahaa kor ukaca kuyimaaday raashinka uu aadmi quuti iyo waliba shidaal oo cirka iskushareray.
Shirkan ayaa waxaa kasooqaybgalay dhamaan waziirada beeraha dalalka africa ayada oo uu hogaaminhayo waziirka beeraha dalka kenya MR:WILYAM RUTU

A.A.A {NABAD DOONE}

Home // Warar hore // Taariikh // Faallo // Maqaallo // Agoonta S/galbeed // Xidhiidhka
Copy right © Soomaligalbeed 2006

Email:Webmastar@soomaaligalbeed.com

Website: http://www. soomaaligalbeed.com