|
Wararka
maanta
|
||
|
Warshii hore ee Bastada oo uu dagaal ku dhex maray Mujaahidiinta
Soomaaliyeed iyo Ciidamada Itoobiya.
Dhawaaq madaficada iyo rasaasta kala duwan ayaa hatan si weyn looga maqlayaa qayb ka tirsan magaalada Moqdisho waxana wararku ay sheegaynaa in dagaalka xogiiso oo ka sonayo agagaarka warshada CoCa Cola ee degmada Yaaqshiid ilaa warshadii hore ee Baastada ee magaalada Moqdisho.
Dadka deeganka aanu xiriir la samaynay goor dhawayto ayaa ku waramay in dagaalkani uu ka bilawaday werar hoobiyeyaal ah oo lagu qaaday fariisinka ay ciidamada gumaysigu ku leeyihiin Warshadii hore ee Baastada taasina ay keentay in dagaalku uu ku faafo goob hor leh oo ku yaala dagmada Yaqshiid ee magaalada Moqdisho.
Ilaa iyo hada lama oga inta uu leegyahay khasaraha ka dhashay dagaalkani iyo khasaaraha kasoo gaadhay ciidamada Ethiopia oo sida la sheegay madafiic roobka loga dhigay fadhiga ay ku lahayeen warshadii hore ee Bastada ee magaalada Moqdisho Ciidamada cadawga Itoobiya ayaa waxaa la sheegay in ay madaafiic u qaybiyeen magaalada Moqdisho inkasta oo aan la ogayn inta uu leegyahay khasaara ay gaysteen madaficdani ay ridayeen ciidamada Itoobiya.
Ma aha markii ugu horeeysay ee werarkan oo kale lagu qaaday fadhisimada ay ka dagan yihiin magaalada Moqdisho ciimda naf la caariga ah ee Itoobiya.
Danjire99@hotmail.com
Mujaahidiinta Soomaaliyeed aoo la wareegay Gacan ku heynta Degmada Jilib. Xoogagga mujaahidiinta Soomaaliyeed ayaa la wareegay gacan ku heynta degmada Jilib ee gobolka j/hoose kadib markii aroornimadii saakay weerar qorsheysan ay ku qaadeen. Xoogagga mujaahidiinta Soomaaliyeed ayaa dagaal aan badneyn waxa ay magaalada jilib kula galeen maleeshiyo hubeysan oo horey ugu joogtay magaalada kaas oo la sheegay in uu dhaliyey dhimasho iyo dhaawac soo gaaray maleeshiyadii horey u joogtay degmada Jilib. Mid kamid ah dadka deegaanka ayaa ku waramay in labo kamid ah maleeshiyaadkii horey u joogay deegmada lagu dilay dagaalka halka gaadiid dagaal oo ay lahaayeen maleeshiyaadkaas ay la wareegeen mujaahidiinta Soomaaliyeed ee gudaha u galay degmada Jilib. Wuxuu intaas raaciyey in guud ahaan degmada Jilib ay iminka gacanta ugu jirto mujaahidiinta
Soomaaliyeed islamarkaana ay bilaabeen in ay kulamo la qaataan waxgaradka
iyo odayaasha ku dhaqan magaalada Jilib. mujaahidiinta la wareegay degmada Jilib ee gobolka J/hoose. Xoogagga mujaahdiinta ayaa horey ula soo wareegay dagaal la'aan dhowr degmo oo ka tirsan gobolka J/hoose kuwaas oo iminka ku jira gacantooda. Xafiiska wararka Muqdisho Magaalada Kismaayo oo uu Xalay Iska horimaad ku dhexmaray labo maleeshiyo ah. Inta la og yahay hal qof ayaa ku dhintay qof kalena dhaawac ayaa ka soo gaaray iska horimaad xalay gudaha magaalada Kismaayo ku dhexmaray labo maleeshiyo beeleed oo midkood ay jidgooyo u taalay gudaha magaalada Kismaayo. Iska horimaadka ayaa waxa uu ka dambeeyey kadib markii ilaalada dekadda Kismaayo oo doonayey in ay qaadaan bar jidgooyo ah oo ay maleeshiyaad hubeysan dhigteen meel ku dhow isbitaalka magaalada Kismaayo, waxaana iska horimaadka oo ahaa mid muddo socday ku naf waayey hal qof halka qof kalena uu ku dhaawacmay. Goobta ay jidgooyada dhigteen maleeshiyada hubeysan ayaa waxaa ku xayirnaa gaadiid ka yimid dekadda iyo kuwa ku sii jeeday oo ay is hortaag ku sameeyeen maleeshiyada jidgooyada dhigatay. Wararka laga helayo magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan in ilaalada dekadda Kismaayo ay ku guuleysteen in ay qaadaan jidgooyadii ay maleeshiyada hubeysan dhigteen wadada gasha dekadda taas oo ay si weyn u soo dhaweeyeen gaadiidleyda dekadda Kismaayo. Magaalada
Kismaayo oo ay ku badan yihiin maleeshiyaadka hubeysan ayaa waxa ku soo
badanaya iska jidgooyooyinka iyo dilalka, waxaana kii ugu dambeeyey uu
dhacay seddax maalin ka hor markii nin hubeysan uu tacshiirad huwiyey
dad maqaayad ku shaahayey halkaas oo labo qof ay ku geeriyootay. Mid kamid ah Saraakiisha Ciidamada Dowladda oo Xalay lagu Dilay Gudaha Magaalada Beydhabo. Mid kamid ah saraakiisha ciidamada dowladda ayaa xalay lagu dilay gudaha magaalada Beydhabo ee xarunta goblka Bay xilli dhawaanahaan ay magaalada Beydhabo hareeyeen dilal kala duwan oo qaarkood ay ciidamada Ethiopia u geysteen dad rayid ahaa. Sargaalka la dilay oo magaciisa lagu soo aabiyey Mad Janaay ayaa la sheegay in uu kamid ahaa sarakiisha milatagiga ciidamada dowladda kaas oo rag hubeysan ay ku toogteen bartamaha magaalada Beydhabo. Kooxaha dilka geystay oo ku hubeysnaa bastoolado ayaa xilli dambe meesha ka tagay sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah oo warbaahinta u waramay. Ciidamada dowladda ayaa goor dambe soo gaaray halka lagu dilay sargaalka iyagoo goobta ka qaaday meydka sargaalka ay dileen kooxihii hubeysnaa. Magaalada
Beydhabo oo xarun u gobolka Bay islamarkaana fariisin u ah barlamaanka
dowladda federaalka Soomaaliya ayaa waxaa maalmihii ugu dambeeyey hareeyey
dilal kala duwan oo badankood labadii isbuuc ee tagtay ay ciidamo Ethiopian
ah u geysanayeen dad rayid ah. |
||
| Home // Warar hore // Taariikh // Faallo // Maqaallo // Agoonta S/galbeed // Xidhiidhka | ||
| Copy right © Soomaligalbeed 2006 |
Email:Webmastar@soomaaligalbeed.com |
Website: http://www. soomaaligalbeed.com |