Wararka maanta

Xukumada Qahira oo ka Eriday dalkeeda Qaar ah madaxda mucadka dalka Sudan kadib..

Dowladda masar ayaa dalkeeda ka eriday saddex katirsan hogaamiyaasha mucaaradaka dowladda sudan , kuwaas oo lagu kala magacaabo Axmed Tuqad , Axmed Shariif iyo Maxed Cali .

Tani ayaa ka dambeysay kadib cabasho ay u gudbisay sudan dowladda masar iyadoo kacabanaysa hadal ka soo yeeray mid ka mid ah mucaaradkeeda ku sugan dalka masar.

Dowladda masar oo ka jawaabayso cabshadaas ayaa dalkeeda ka eriday saddex kamid ah mucaaradka dalka ee jaarka yihiin ee sudan .

Dowladda sudan qoraal ay u gudbisay qaramada midowbe uga codsatay in ururka lamagac baxay Sinaanta iyo Cadaaladda lagu daro liiska argaagaxisada caalamka.

Ururkaan ayaa sabtigii la soo dhaafay weerar ku qaaday magaalada Umu Durmaan weerarkaas oo ka dhigan weerarkii ugu horeeyey ee lagu qaado magaalo kamid ah magaalooyinka waa weyn ee dalka sudan muddo tobanaan sana ah.

Madaxwene Cumar Albashiir oo kahadlayey mudaaharaad looga soo horjeeday weeraradii lagu soo qaaday magaalada Khurtuum ayaa isweydiiyey cidda soo hubaysay mucaaradka oo siisay baabuurta gaashaaman si ay u qabsadaan xukunka dalka .

Albashiir ayaa ugu dambeen ku eedeeyey israa’iil in ay kulugu leedahay weeraradaas isagoo intaas ku daray israa’iil in ay xafisya ka siisay mucaaradka sudan magaalada Talabib ee xarunta israa’iil

Home // Warar hore // Taariikh // Faallo // Maqaallo // Agoonta S/galbeed // Xidhiidhka
Copy right © Soomaligalbeed 2006

Email:Webmastar@soomaaligalbeed.com

Website: http://www. soomaaligalbeed.com