Magaaladda
Dhooblay oo maanta ay la wareegeen ciidamo ka tirsan Midowgii maxkamadaha
Islaamka Soomaaliyeed.
Wararka
naga soo gaadhaya Dagmadda Dhooblay ee goblaka Jubadda hoose ayaa sheegaya
in maanta barqadii ay magaaladaa la wareegeen ciidamo xoogle oo ka tirsan
ciidamadii Midowgii Maxkamadaha Islaamka ee Soomaaliyeed, kuwaasoo ka
talin jiray Konfurta Soomaaliya intabadan.
Ciidamaddan oo la sheegay inay aad u hubaysanyihiin ayaa maanta saacada
Geeska Afrika markay ahayd 5.40 daqiiqo,ayaa la wareegay Dagmadda Dhooblay,
iyadoo la sheegay in uuna halkaa ka dhicin wax dagaala oo wayn marka
laga reebo Maleeshiyo beeleedyo gacanta horay ugu hayay magaaladda oo
la sheeegay inay xabado rideen inkastoo markii dambe khasaare la,aan
loogaga awood roonaaday gacan ku haynta magaaladda.
Magaaladda ayaa
la sheegay in ay aad udagantahay hadda xaaladeedo kadib qabsashada ciidamadan,
ciidamadan oo la sheegay inay yihiin ciidamo aad u hubaysan ayaa la
sheegay inuu hogaaminayay Sargaal sare oo ka tirsanaan ka jiray ciidamadii
Maxkamadaha oo lagu magacaabo Siyaad Macalin Bashiir( Siyaad dheere).
Ciidmadda Midowga
maxakadaha ayaa la sheegay inay bilihii ugu dambeeyaba diyaargarow xoogan
ka wadeen dhulka kaymaha ah ee ku yaala Konfurta fog ee Soomaaliya.
Qabsashada Dhooblay
ayaa u muuqata sida ay uga go,antahay Midowgii Maxkamaduhu inay marlabaad
dib u qabsadaan dalka Soomaliya, taasoo mar uu waraysi siiyay sheekh
Xasan Turki TV, Aljazeera uu sheegay inay hadii Alle idmo kutala jiraan
siday marlabaad gacanta ugu dhigi lahaayeen guud ahaan dalka Soomaaliya,
ugana xorayn lahaayeen gumaysiga qabsaday.
Laascaanood
oo maanta si buuxda ay gacanta ugu dhigeen ciidamadda maamulka isku
magacaabay Soomaland.
Ciidamada
Maamulka Somaliland ayaa gabi ahaanba la wareegay gacan ku heynta Gobalka
Sool, ka dib Dagaal kulul oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala
duwan oo markale ka dhacay Magaalada Laascaanood saaka.
Dagaalkan
oo aan ilaa iyo haatan si rasmi ah loo ogeyn khasaaraha uu geystay ayaa
waxa uu markale dhexmaray Ciidamada Maamulada Puntland iyo Somaliland,
oo waayadanba isku herdinayey deegaanka Ari-Cadeeye ee duleedka Laascaanood.
Wasiirkii hore rr
arimaha Gudaha Maamulka Puntland Maxamed Cabdi Xaabsade oo dhawaan si
rasmi ah ugu biiray maamulka Somaliland ayaa la xaqiijinayaa inuu horkacayo
Saraakiisha Ciidamada Somaliland ee qabsaday guud ahaan gacan ku heynta
Magaalada Laascaanood ee Gobalka Sool.
Back