Wararka maanta

Ciidamada Dalka Suudaan oo Qabqabtay Tahriibayaal Soomaali ah oo u socday Dhanka Libiya.

Ciidamada dalka Suudaan ayaa qabqabtay Tahriibayaal Soomaali ah oo doonayey in ay ka dalka Sudan uga sii gudbaan dalka Liibiya, xilli dalka Sudan ay ka jiran qalalaase siyaasadeed oo hareeyey magaalooyin ay kamid tahay Khartoum.

Tahriibayaasha Soomaalida ah ayaa ciidamada dalka Sudan waxa ay ka soo qabqabteen magaalada Ummu Darmaan ee dalka Sudan halkaas oo rag u dhashay dalka Sudan ay ku hayeen iyagoo doonayey in ay u si gudbiyaan gobolada kale.

Dadka tahriibayaasha Soomaalida ah oo aan tiradooda si rasmi ah loo heynin ayaa waxaa lala xiray rag u dhashay dalka Sudan oo muqalasiin ah, lamana oga halka lgu xiray.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada Sudan ay sidoo kale xireen dad Soomaali ah oo isugu jira arday iyo muqalasiin kuwaas oo wararku ay sheegayaan in qaarkood la sii daayey markii ay u dacwoodeen maamulada jaamacadihii ay wax ka baranayeen.

Waxaa soo kordhaya dadka tahriibayaasha ah ee si tahriib ah ku gala dalka Talyaaniga iyagoo sii maraya dalka Liibiya, hase ahaatee dadkaas waxa ay badankood la kulmaan xarig iyo dhimasho kadib marka ay ku harqadaan badda u dhexeysa dalalka Liibiya iyo Talyaaniga.

Diyaarado Dagaal oo Dulheehaabaya Hawada Gobolak Magaaladda Dhuuso Mareeb.

Diyaarado dagaal ayaa dulheehaabaya hawada gobolak Galgaduud gaar ahaan xarunta gobolkaas ee Galgaduud oo kal hore duqeyn ay u geysteen diyaaradaha dagalka mareykanka.

Wararka kaga helayo gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in dadka deegaanku ay ku soo baraarugeen diyaarado dulheehaabaya hawada magaalada Dhuusamareeb oo xarun u ah gobolka Galgaduud, waxaana arrintaan ay cabsi xooggan ku abuurtay dadka ku dhaqan gobolka Galgaduud.

Mid kamid ah odayaasha ku dhaqan magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in ay aad uga welwelsan yihiin waxyeelo ka soo gaarta duqeyn mar kale ay diyaaradaha mareykanku u geysteen magaalada, isagoo intaa raaciyey in dadweynuhu ay aad ah uga walwalsan yihiin talaabo militari oo xagga Cirka ah.

Dadka ku dhaqan qeybo ka tirsan gobolka Galgaduud gaar ahaan magaalooyinka Dhuusamareb, Guriceel iyo Cadaado ayaa waxaa ku dhaqan dad u badan kuwii ka cararay dagaalada Muqdisho kuwaas oo miciin biday gobolada dalka.

Dowladda mareykanka ayaa dhawaan duqeyn ay ka geystay magaalada Dhuusamareeb waxa ay ku dishay hogaamiye sare Aadan Xaashi Ceerow, iyadoo la xusuusto in duqeyntaas ay ku dhinteen dad ka badan 30-qof oo u badnaa dad rayid ah.

Dakhtar Soomaalida Kenyan ah oo ku xiran Xabsi kuyaala Maamul Goboleedka Puntland.

Xabsi ku yaala Maamul goboleeedka Puntland ayaa waxaa wali ku jira Dr. Ibrahim Gorijo Ali oo ah dhakhtar Kenyan ah, iyada oo loo aanaynayo xiritaankiisa waxa ay ugu yeereen Falal argagaxisanimo.

Balqiisa Baana oo ah marwada Dr. Ibraahim Gorija Cali asalkiisuna yahay Soomaali, ayaa sheegtay in seygeedu uu ku xiran yahay Puntland, isagoo lagu eedeeyey inuu xiriir la leeyahay argagixiso, iyadoo muujisay iney ka xun tahay xarigiisa.

Rabiic C/kariin Xirsi oo ah sheybaariiste Dhaqtarka markii hore geeyey Puntland si uu uga hawlgalo xarun caafimaad oo ay ku leeyihiin deegaannadaasi laguna magacaabo Salaama Medical Centre, ayaa sheegay inuu ahaa Dr. Ibrahim nin aqoon u leh qaliinka, isla markaana ka soo shaqeeyey xarumo caafimaad oo ku yaala Kenya.

Dhaqtarkan ayaa la sheegay in maamulka Puntland qeybtiisa socdaalka ay ka soo qabteen garoonka diyaaradaha ayna ku wareejiyeen hay'adda argagixiso la dirirka, xili uu ku see jeeday magaalada Nairobi ee dalka Kenya, inkastoo ay saaxiibadiis rajo ka muujiyeen sii deyntiisa, maadaama ay ku doodeen inaanu ehel u aheyn waxa lagu soo eedeeyey, iyadoo ilaa haatana ayan ka hadlin mas'uuliyiinta maamulka Puntland.

Shaybaariiste Rabiici ayaa waxa aan kula kulmay xarun uu ka shaqayn jray Dr. Ibrahim inta uusan u baqoolin gobolada Puntland, waxaa aana wax ka weeydiiyey sababaha keenay in la xiro Dr. Ibrahim Gorija Ali

Ma ahan markii ugu horeysey oo dad ajaanib ah lagu xiro maamul goboleedka Puntland iyada oo arinkaana uu walaac wayn ku abuuri karo dad farabdan oo ajaanib kuwaasi oo ku sugan gobolada hoos yimaada maamul goobleedka Puntland.

Ha ahaatee maamul goboleedka puntland ayaa waxaa lagu eedeeyaa inay dadka ajaanibta ah ee ku sugan gobolada ay maamulaan u geystaan dhibaatooyin ka dhan bini'aadanimada, waxaana arinkaasi loogu fartaagaa inay ka dambeeyaan xubno ka tirsan madaxda mamaul goobleedka Puntland.

Cabdikariin Maxamed Jimcaale (Muxsin)

E-mail:- Muxsin55@hotmail.com

Source: Dailypuntland Station

Home // Warar hore // Taariikh // Faallo // Maqaallo // Agoonta S/galbeed // Xidhiidhka
Copy right © Soomaligalbeed 2006

Email:Webmastar@soomaaligalbeed.com

Website: http://www. soomaaligalbeed.com