Ardada wax ka barata dalka Yamen gaar ahaan Mgaaladda Sanca, ee kasoo jeeda Dhulka S/galbeed ee lagumaysto oo cambaarayn usoo jeediyay Maamulka gobaladda Waqooyi ee labaxay Soomaaliland.

Anoo ah Ardada Soomaali galbeed Sanca wadanka Yaman waxaan canbaarayn kulul usoojeedinaynaa maamulka gobalada Waqooyi galbeed ee Soomaliya kuwaas oo caadaystay in ay kaganacsadaan shacabka soomaaligalbeed, ayagoo ugacan galiya cadawga soo jireenka ah ee itoobiya laga soobilaabo 1996 ilaa hada
markii afraad ooy gacan galiyaan rag udhashay gabal kaas.

Waxaan ogaysiinaynaa maamulka gobalada waqooyi in ay masuul kayihiin waxii kayimaada ee cawaqib xuma ah horayna masuul uga ahaayeen waxii dhacay
Hana ogaadaan in aysan kubanaanayn falalkan fooshaxun shareecada islaamka iyo xuquuqda bina aadam ka iyo dimuq raadiyaday sheeganayaan in taba.

Waxaan ugu baaqaynaa Culimada, wax garadka, odayaasha iyo aqoonyahanka intaba in aysan indhaha kalaaban falalka fooshaxun ee khilaafsan shareecada islaamka iyo dhaqanka Soomaaliyeed ee wanaagsan intaba.

Ugu danbayntii waxaan ugu baaqaynaa shacabaka gobalada waqooyi in aysan ku raali noqon talaabooyinkan naxariisdarada ah ee ay ku dhaqmayaan maamulka gobalka ogaadaana maamulkoodu in uu kadhax abuurayo labada shacab ee walaallaha ah colaad iyo cadaawad Cawaaqibta ka dhalataan ay iyaga ku dhici doonto.


afhayeenka ardada s/galbeed sanca (shaafici)
kalasooxidhiidh (soomaaligalbeedsanca1@hotmail.com

Back