|
Wararka
maanta
|
||
|
Aqoonyahanka iyo ardayda Beesha Absame ee Malaysia oo cambaaraynaya falalka maamullada Puntland iyo S/land ay dadka ugu dhiibayaan Itoobiya.
Bismilaahi raxmaani raxiim
Annagoo ah waxgaradka, aqoonyahanka iyo ardayda beesha Absame ee ku nool Malaysia waxaan cambarayn kulul usoo jeedinaynaa ficilka xun ee ay ku talaabsadeen maamullada Puntland iyo S/land ee dadka kasoo jeeda degaanka S/galbeed loogu gacan galinayo Itoobiya. Iyadoo arrinkaasu yahay mid ka baxsan Islaamninda, Soomaalinimada, Wadadhalshada iyo Bani?aadinimadaba, mana ahayn mid laga filayay inay falkaas sharaf darada ah ku kacaan. Waxayna keeni kartaa cawaaqib xumo iyo taariikh xumo dhaawaci karta walaaltinimada iyo dariswanaagii ka dhexeeyay labada shacab. Arrintaan ka bilaabatay degaanada aan kor kusoo sheegnay waa arrin looga gol leeyahay kala fogaynta iyo in cadaawad la dhexdhigo shucuubta walaalaha ah ee uu ka dhexeeyo xidhiidhka dhalasho iyo dhaqan ee soojireenka ahaa.
Hadaba, anagoo ka ambaqaadayna maslaxadda labada shacab kan s/galbeed a iyo kan maamulladda aan kor kusoo sheegnay waxaan soo jeedinaynaa qodobada soosocda:
1- Waxaan soo dhaweynaynaa islamarkaana bogaadinaynaa bayaankii Isimada, culimada iyo waxgaradka gobolka Bari ay kasoo saareen dadka sida arxan darada ah loogu gacan galiyay cadawgoodii. Bayaankaas oo ahaa mid wax ku ool ah noqonnna kara mid laga ambaqaado si loo ilaaliyo walaaltinimada iyo xidhiidhka dhaqan iyo xigto oo labada shacab u dhexeeya. Waxaana rajaynaynaa inuu ahaa mid cabiraya aragtida guud ahaan shacabka Puntland. 2- In la ilaaliyo xidhiidhka ku dhisan maslaxadda dhinacyada badan ee ka dhaxaysa labada ummaddood isla markaana shacabka Puntland aysan ogalaanin in dad yar oo danaystayaal ay dhaawacaan danta adag ee u dhaxaysa labada shacab. 3- Waxaan soo jeedinaynaa in si deg deg ah loo abaabulo shirar iyo wadahadal dhexmara waxgaradka iyo odayaasha laba shacab si loo damiyo fitnada uu ka faa?iidaysanayo cadawgu. 4- Waxaan adkaynaynaa inaanay wax dan ah ku jirin in cadaawad laga dhex abuuro maanta laba shacab. 5-Dhanka kale waxaan kacodsanaynaa waxgaradka, boqorada , aqoonyahanka iyo culimada s/land in ay u istaagaan maslaxada labada shacab iyo danaha kadhaxeeya ee ku dhisan xiriirka dheer ee soojireenka ah, darisnimada , walaalnimada iyo muslimnimada intaba, kana hortagaan iibsiga uu maamulka s/land kula kacayo shacabka s/galbeed ee ku dhex nool. Waxaan shacabka
s/land mar labaad kacodsanaynaa in aanay karaali noqonin Dhibaatada shacabka
s/galbeed uu ku hayo maamulkooda, oo ah wax aan kufiicnayn Islaamnimada
iyo insaaniyada intaba. Waxaan ugu baaqaynaa shacabka reer s/galbeed inayna ku dhaqaaqin falal sii hurin kara colaad islamarkaana ay is dajiyaan kuna baraarugaan qorshaha cadawga iyo shirqoolkiisa.
Wa bilaahi Tawfiiq
Waxgaradka, aqoonyahanka iyo ardayda beesha Absame ee Malaysia Kuala Lumpur - Malaysia
May 14, 2008
Email contact:
hawadiye@yahoo.com Maamulka Cade Muuse oo Caado kadhigtay Kaganacsiga Muwaadiniinta Udhashay Wadanka S/galbeed. Ciidamada amaanka ee Magaalada Boosaaso ayaa qabtey Shan Nin oo ka soo dagayey Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari ,sida ay sheegayaan Warar Madax banaan. Ragan la qabtey ayaa lugu tuhmayaa in ay ka tirsan yihiin Shacabka kunool wadanka s/galbeed ee kasoo horjeeda gumaysiga Itoobiya, sida ay tibaaxayaan Warar hoose oo ka soo baxaya dawladda Puntland. Ciidamada Sirta ee Puntland ayaa ragan ku qabtey Garoonka Boosaaso ,ayadoo ay arintan uekayd Arin mudo dheer lala socday ,ayagoo nimanka soo maray Maamulada Jabuuti & Hargeysa. Ciidamada Sirta ayaa nimankaasi geeyey Saldhig kuyaala Gudaha Dekeda weyn ee Magaalada Boosaaso ,halkaasi oo su'aalo ay ku weydiiyeen Sirdoonka Xukuumada Puntland ayagoo xalayna la gaarsiiyey Magaalada Garowe. Wada hadalo badan oo ay yeesheen Culumada Puntland & Madaxda dawladda Puntland ayaa suurtagaliyey in Nimankaasi dib loogu celiyo Magaalada Boosaaso oo laga qabtey ,ayna halkaasi ka socdaan Baaritaanada ku aadan Dambiyadooda. Xukuumada
Puntland oo dhan waxa ay ka gaabsadeen ka hadlida qabashada Nimankaan
,waxa ayna Puntland maalmihii ugu dambeeyey ka jirey Tuhun ay qabeen Dadweynaha
oo ku adaan heshiis dhexmaray dawladda Puntland & Xukuumada Itoobiya
oo ku aadan isku celinta dadka lugu tuhmayo in ay ka tirsan yihiin Jamhada
la dagaalamaya Maamulka Meles Zanewi.
Maamulka lamagac baxay S/land oo Cadawga Itoobiya u soo gacan galiyeen laba Muwaadin oo u dhashay Dhulka S/galbeed. Wararka
ka imaanaya Xuduuda Wajaale ayaa sheegaya in Maamulka lamagac baxay S/land
ay Cadawga Itoobiya u soo gacan galiyeen laba Muwaadin oo u dhashay Dhulka
S/galbeed. Muwaadiniintan ayaa sida wararku sheegayaan muddo dheer waxay
degganaayeen Magaalada Hargaysa waxayna iska ahaayeen Ganacsato, Mid ka
mid ah Muwaadiniintan waxaa uu ahaa Sarifle ka ganacsada Sarifka lacagaha,
midka kale ayaa isagu lahaa Hotel weyn oo seexad leh. Nin Hubeysan ayaa Xalay labo qof ku dilay Gudaha Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka J/hoose. Nin hubeysan ayaa xalay labo qof ku dilay gudaha magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose gaar ahaan xaafadda Aargada ee magaalada Kismaayo kaib markii uu tacshiirad huwiyey goob biibito ah oo ay dadku ku badnaayeen. Ninka falka dilka ah geystay oo ku hubeysnaa qoro AK 47 ah ayaa la sheegay in uu doonayey in uu fal dil ah u geysto nin kale oo isna hubeysnaa oo kamid ahaa dadkii ku sugnaa goobta biibitada ah kaas oo isaga iyo nin kale oo dhalinyaro ah ay haleeshay rasaastii uu furay deetana ay u geeriyoodeen. Ganac ku dhiiglaha dilka geystay ayaa durba goobta ka baxsaday, waxaana muddo kadib goobta soo gaaray ciidamada amaanka magaalada kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose kuwaas oo aan ku guuleysan in ay gacanta ku soo dhigaan ninka gacan ku dhiiglaha ah. agaalada Kismaayo ayaa waxaa amaan darii baahsan ku haya maleeshiyo beeleedyo hubeysan kuwaas oo falal u badan dilal, dhaca, kufsi iyo jidgooyo ka sameeya magaalada Kismaayo. Falka dilka
ah ee xalay ka dhacay magaalada Kismaayo ayaa imaanaya xilli dhawaan uu
sheegay Barre Hiiraale in uu wax weyn ka qabanayo amaanka Kismaayo isagoo
sidoo kale sheegay in sameynayo maamul ay u dhan yihiin beelaha ku dhaqan
magaalada Kismaayo ee xarun goboleedka J/hoose.
Mas'uulkaan oo la yiraahdo C/raxmaan C/shakuur ayaa sheegay in dhamaan xubnaha ku jira isbehesiga dib u xoreynta ay ka warqabaan shirka islamarkaan kuwooda ku sugan gudaha Soomaaliya xitaa lagu war galiyey, hase ahaatee aanu garaneyn sababaha uu Yuusuf Indhacadde warkaas u sheegay.
Xoghaya difaaca isbeheysiga dib u xoreynta Soomaaliya oo fadhigiisu yahay magaalada Asmara ayaa kadib shir ka furmay dalka Jabuuti waxa uu shalay markii ugu horeysay warbaahinta Muqdisho ka sheegay in aanu ka war heyn shirka ka socda Jabuuti islamarkaana xubnaha ka socda isbeheysiga dib u xoreynta aaney matalin isbeheysigaas. |
||
| Home // Warar hore // Taariikh // Faallo // Maqaallo // Agoonta S/galbeed // Xidhiidhka | ||
| Copy right © Soomaligalbeed 2006 |
Email:Webmastar@soomaaligalbeed.com |
Website: http://www. soomaaligalbeed.com |