Tiro
badan oo ah dhalinyaro u dhalatay dhulka S/galbeed ayaa laga qabqabtay
magaalooyinka uu ka taliyo maamulka isku Mgacaabay S/land kuwaasoo la
sheegay in loo gacan galiyay ciidamadda gumaysiga itoobiya.
Wararka ka imaanaya
Magaalada Hargaysa ayaa sheegaya in maanta galinkii hore halkaas lagu
xidh xidhay dad u dhashay Dhulka Soomaaligalbeed, dadkan ayaan la garanayn
intay dhan yihiin, balse wararka qaar ayaa sheegaya in dadkan ay ahaayeen
dad dana kala duwan u tagay Hargaysa sida inay Soo gaadhayeen Eheladooda
deggan Hargaysa oo ay la joogaan maalmaha Ciidda.
Dadkan xabsiga
Hargaysa loo taxaabay ayaa sida ay ilo xogagaal ahi sheegayaan wax siyaasad
ah aan shaqo ku lahayn, sidoo kale waxaa dadkan ka mid ahaa Arday wax
ka barata Dugsiyada Quraanka ee Jigjiga iyo waliba dad kale oo u badan
dhalinyaarta Degaanka.
Dadkan ayaa hadda
ku xidhan Xabsiga dhexe ee Hargaysa iyadoo waliba loo diiday in loo
tago,lama garanayo sababta loo soo xidh xidhay dadkan u dhashay Degaanka
balse wararka qaar ayaa sheegaya in la rabo in dadkan loo gacan galiyo
Gumaysiga Itoobiya.
Ma ahan markii u
horreysay ee Maamulka Hargaysa Xabsiga u taxaabo dad u dhashay Dhulka
Soomaaligalbeed, hadda ka hor ayaa sidan oo kale dad aad u tiro badan
ay Maamulkaasi xabsiyadooda u taxaabeen iyagoo aan wax dambi ah ka galin
maamulkaas.
Dadkaas Xabsiyada
Hargaysa ku xidhan ee u dhashay Degaanka ayaa aad u tiro badan, kuwa
qaarkood Maamulkaasi waxay u soo gudbiyeen Gumaysiga Itoobiya, qaar
kalena wali waxay ku jiraan Xabsiyada Hargaysa iyo magaalooyin kale
oo Maamulkaas ka tirsan.
Dadka ay Maamulkaasi
xidhaan ayaa waxay imbadan u xidh xidhaan inay gacan saar la leeyihiin
Ururada xaq u dirirka ah ee ka soo horjeeda Gumaysiga Itoobiya, dadkaas
xaq darada ku xidhan ayaa waxaa ka mid ah Sheekh Maxamed Sheekh Ismaaciil
oo caan ka ahaa Dhulka Soomaaligalbeed, oo hadda ku xidhan magaalada
Hargaysa.
Haddaba Maamulka
Hargaysa ayaa waayadan dambe muujiyay cadaawadda uu u hayo dadka Reer
Soomaaligalbeed iyo waliba cadaawadda uu u hayo dadka ay Diintu ka muuqato
ee Muslimiinta ah ee neceb gumaysiga.
Balse tan ayaa
waxay caddeyn u tahay inay xidhiidh wanaagsan leeyihiin Maamulka Hargaysa
iyo Gumaysiga Itoobiya, xidhiidhkan oo intiisa badan ku salaysan soo
gudbinta dadka Gumaysiga Itoobiya ka soo horjeeda ee ku sugangudaha
Hargaysa.
Wariye Cabdi Maxamed
Soomaaligalbeed.com
Fal
Naxdin leh oo habeenkii xalay ka dhacay duleedka Magaaladda Nayrobi
ee dalka Kenya halkaas oo lagu dilay 4 nin oo ganacsato Soomaaliyeed
ah.
Duleedka Magaalada
Nayrobi ee Caasiamadda Dalka Kenya maagalo yar oon ka fogay oo lagu
magacaabo Naaro, ayaa maanta laga helay afar wiil oo ganacsato Soomliyeed
Maydkooda Ragan ayaa ahaa ganacsato yaryar oo dagenaa tuulada Naaro
kuwaasoo alaabooyin gayn jiray Tuulooyin ay daganyihiin dad reer Kenya
oo ku hareeraysan Deegaanka Naaro oo Nayroobi aan ka fogayn.
Ragan ayaa la sheegay
inay shaly galab kasoo caraabeen Tuulo lagu magacaabo Gori-Gori, ee
dagma Naaro ka xidhgta dhanka Waqooyi una jirta ilaa 40 KM, halkaaso
la sheegay inay kasoo qaadeen lacago badeecooyin ay halkaa horay ugayn
jireen.
Kadibna waxaa la
sheegay inay halkaa ugaleen niman tuugo ah oo reer Kenya ah kuwaasoo
la sheegay inay Jidka ka leexiyeen Baabuurkii ay wateen waxayna ragan
ka qaateen lacag lagu qisaay Nusmalyan Shilinka Kenya ah, ama 500,000,
kadibna waxay isku xidheen 4 nin iyo darawalkii waday oo ahaa nin Madow
ah oo reer Kenya ah waxayna halkaa ku dileen dhamaanba ragaas oo rasaas
madaxa kala dhaceeen.
Ragan ayaan ilaa
maaanta niskii hore la raadinayay balse Nasiib daro Maanta barqadii
ayaa la helay shantan nin oo isku xidhan maydkoodii, taasoo dadka Soomaalida
aad uga argaxeen falkan naxdinta leh ee lagula kacay dadkan aan waxba
galabsan, waxayna dad badane ku calaacalyeen tana Ma South Africaa waxaya
falakani caan ku ahaayeen dalka South Africa iyo Soomalida ku dhaqan.
Wariye Duufaan oo
ah wariyaha wararka uga soo diri Soomaaligalbeed.com Dalka kenya ayaa
sheegay in uu la kulmay markii uu warkani soo yeedhay nin lagu magacaabo
Maxamed Cimsaan oo ragan saaxiib la ahaa ganacsina ay kuwada lahaayeen
deegaankaas kaasoo aad uargaxgaxsan ayaa u sheegay duufan in balanku
ahaa in uu raaco saaxiibadii shaly balse uu uga hadhay arimo shaqsi
ah iyo isagoo jeclaystay in uu caasimadda kula ciido saaxiibo badan
uu ku leeyahay.
Ragan ayay magacyadoodu
kala yihiin Sheekh Aways Sheekh Ciidow, Aadan yoonis,Shukri Maxamed
iyo Aadan Maxamed.
Anagoo ah bahda Soomaaligalbeed.com waxaan tacsi u diraynaa Eheladda
Ragaas iyagana waxaan Alle uga baryaynaa in uu unaxariisto .
Back