Wararka maanta

Isqab qabsiga Dukaamadda dadka Soomaaliyeed ee Kudhaqan wadanka South Africa oo Siibadanaya.

Isqabqabsiga Somalida South Africa Kudhaqan ayaa inta badan ubadan mid aay ayaga isu geestaan taas oo sababta in cadawoga ay ku dhax noolyihiin Ee ajaanibta ah ay fiiriyaan jaanisyada iyo duleelada ay kaheli karaan in ay helaan fursada ay ku dhacaan hantida umada soomaliyeed.

Dhibka uba,an ee heeysta aya waxaa kamid ah isku qabsi dukaan IWM Todobaadyadii laga soo Gudbaya ayaa waxaa ka dhacay Duleedka Magaalada Port Elizabeth ee Gobalka Eastern Cape in dad soomaali ah ay isku qabsadaan Dukaan nin madow ah uu lahaa oo uu lawareegay ninkale oo Soomali ah .

Dukaanka ayaa waxaa kasocday inti muda aheedba muran laxariiro furitaankiisa maadama uu dukaanku lawareegay nin soomali ah. Ayadoo sharciga uyaalo (Locationka) ama tuulada uu dukaanka kafuranyahay ay tahay in anan dukaan cusub laga furi Karin sikasataba ha ahaadee laakiin lakala iibsan karo dukaamo hadii ay dhacdo in dukaan lakala iibsado.

Soomalida oo aanan inta badan daneeyn dukaamada ay leeyihin dadka madowga ah ayaa ayaga dhexdooda waxaa aad moodaa inay isku ugraarsanayaan si cadaawad kudheehantahay.

Abaarihii xalay markii ay saacadu aheed 11:00 habeenimo ayaa waxaa soo weeraray Dukaankii cusbaa ee ninka soomaliga ah uu lawareegay Soomalikale oo aanan loogabaran in ay dhexdooda isku geestaan dil iyo boob.

Yarkii dukaanka jogay ayaa waxaa lagu amray in uu dukaanka iskaga dhex baxo kadibna wiilkii ayaa qadan wayay somalida kale ee werarka ku ah muranbadan kadib waxaa la isula tagay gacan iyo toori in la isulasoobaxo wilkii oo meel ku ogaa qori ayaa waxaa uu iskudayay inu kabaxsado nimankii duulaanka ahaa isla daqiiqadii gudahooda ayaa waxaa uu kusoo laabtay asagoo Bostoolada gacanta kusito kadibna xabad hugiyay meshii dukaaka kuyaalay.

Nasiibwanaagse ma aysan haleelin dadkii qofkamid ah waxaase meshii kadhacay dagaal xun oo dhexmaray Umaddii qoxootiga ku aheed wadana aysan laheen oo ay layaabeen dadkii madowga ahaa kadibna dhalisay shaki &layaab ku kaliftay in ay Policeka Gobalka dhahaan waxa is dilo waa Somalida oo dadka wadaniga ah waxba ma taabtaan dadka Ajaanibta ah ayaga ayaa islaayo.

Taasina waa mid lalayaabo oo amakaag kunoqotay inta wanaagsan ee umada qaxootiga ah ayadoo meshii ay kadhexeen toori iyo dhibyaryar oo aan sidaas usii buurneen. Mar aan wax kaweydiiyay qofgobjog ahaa ayaa wuxuu iisheegay in dhibka uukadanbeeyay heshiis horay loogaaray oo uu buriyay ninka dukaanka iibsaday.

Sidookale Wareysi uu siiyay SASA NEWS Gudoomiye kuxigeenka jaaliyadda soomaaliyed ee Gobolka Eastern cape mudane: C/raxmaan Raabi oo sheegay in khilaafaadka dadka soomaaliyeed la aadaan culumadda soomaaliyeed & odayaasha dhaqanka laguna kala saaro shareecadda islaamka Jaaliyadda waxaa wakiil ooga ah arimaha khilaafaadka soomaalida dhexdeeda ah culumaa udiinka iyo odayaal dhaqameedka soomaaliyeed ee ku sugan gobolka , Jaaliyadda waxeey masuul ka tahay khilaafaadka soomaalida iyo laamaha dowladda ama soomaalida iyo dadka kale ee ajaanibta ahTaas oo ku tusineysa wada shaqeynta maamulka jaaliyadda & qeybaha kala duwan ee bulshadda.

Reported by Ismacil Turky

Ciidmadda Gumaysiga Itoobita oo Dad shacab ah ku xasuuqeen Dhul beereedka Kuyaala Deegaanka Mulla ee Toga Faafaneed oo ka tirsan gobalka Jigjiga.

Ciidmadda Gumaysiga Itoobita ee dhulka Soomaaligalbeed xooga ku jooga ayaa 11/Bishan 2008 waxay dad shacab ah ku xasuuqeen Dhul beereedka Kuyaala Deegaanka Mulla ee Toga Faafaneed oo ka tirsan gobalka Jigjiga.

Dadka dhintay oo ah Todoba Rag ah oo u badan odayaal ayay magacyadoodu waxay kala yihiin Sidan.

Sadex nin oo Dadka ka mid ah ayaa walaalo ah oo kala ah Ibraahim Sigad Jabanow, Cabdi Sigad Jabanow iyo Axmed Sigad Jabanow,waxaa kalo dadka dhintay ka mid ah Faarax Bile, Sheekh mukhtaar, Axmed Nuur Cabdi Sagal iyo Cumar Xaashi Guuleed.

Waxaa kaloo iyana Dad dhaawaca oo nalooga sheegay magacyadooda ka mid ah Cabdullaahi Cabdi Sabuur iyo Faadumo Axmed Buure dadkaas oo nalo sheegay inay kuyalaan dhaawacyo halisa

Ciidamadda wayaanaha ayaa dhulka Soomaali galbeed Ka wada Xasuuq aan kala go lahayn wuxuuna ka dhacaa dhamaan gobaladda uu deegaankaasi ka koobanyahay waxayna kuwan oo kale kasoo dhaceen gobaladda Godey,Qoraxay, Dhagaxbuur, Wardheer,Nogob iyo Shiniile kii ugu dambeeyay oo dad kor u dhaafaya 20 ay ku xasuuqeen ayaa ka dhacay bishii hore Gobalka Shiniile.

Laba Sano Kahor ayay ahayd markii Deenkan MUlla ee Tuga faafan Ay kuxasuuqeen Ciidamadda Cadowgu Shacabkan oo ay dileen Wakhtigaa 9 qof iyagoo dhawacayna 23 qof oo ay laba dumari ihi ku jireen

Shir Sannadeedkii jaaliyadda S/galbeed ee dalka k/afrika oo ka furmay Magaaladda Johannesburg.

Johannesburg: shir sannadeedkii jaaliyadda soomaali galbeed ee dalka k/afrika oo ka furmay magaaladda Johannesburg kaas oo socoday 10-13- may 2008, kana soo qeyb galeen dad weyne aad iyo aad u badan oo ka kala yimid daafaha dalka k/afrika shirka ayaa lakaga wada hadlay xaaladda guud ee gobolka geeska afrika & tan s/galbeed.

Shirka oo manta soo gabo gaboobay ayaa waxaa kamid ahaa war murtiyedkan & qodobo muhiimka ah:

1- waxaan oogu baaqeynaa mujaahidiinta s/galbeed ineey xoojiyaan korna u qaadaan halganka barakeysan
2- shacabka s/galbeed waa iney si mideysan u garab istaagaan jihaadka ka socoda s/galbeed
3- waa in la ilaaliyaa sharafta iyo magac muwaadinka s/galbeed dal & dibadba cidii ku xad gudubtana laga qaado talaabo mideysan.
4- jaaliyadda s/galbeed waxeey oogu baaqeysaa maamuladda ka jira soomaaliya iney ka waantoobaan falalka xun ee iskugu jira dilka, xadhiga, afduubka, dhiibista, eey kula kacayaan muwaadiniinta s/galbeed ee ku sugan gudaha soomaaliya.
5- jaaliyadda s/galbeed ee dalka k/afrika waxeey ooga digeysaa maamulka waqooyi bari ee soomaaliya iney joojiyaan ka beec mushtarka muwaadiniinta s/galbeed , falalkii u danbeyayna eey ka bixiyaan jawaab deg deg ah.
6- ummadda soomaaliyeed waa iney u midoobaan sidey iskaga saari laheyd cadowga soomaaliyeed ee qabsaday dhamaan dulka soomaaliya .
7- jaaliyadda s/galbeed waxeey oogu baaqeysaa dhamaan culumadda & waxgaradka ,siyaasiyiinta fikirka wanaagsan, aqoonyahanadda in la mideyo caqliga & cududa si loo saaro gaalo madowda qabsatay dalka & dadka soomaaliyeed meel kasta eey joogaan.
8- jaaliyadda s/galbeed waxeey oogu baaqeysaa dhamaan jaaliyaadka dibada ineey garab istaagaan shacabka s/galbeed ee saran cunaqabateynta dhinac waliba ah.
9- waxaan ummadda soomaaliyeed guud ahaan & s/galbeed gaar ahaan u Rajeyneynaa xornimo taam ah & ku dhaqanka shareecadda islaamka.

waxaa na soo gaarsiiyay gudiga qaban qaabadda shirka ee johannesburg

 

Tahriibayaal hor leh oo wali kusii qulqulaya wadanka Yamedn xili ay soo baxayso qaylo dhaan ku aadan arimaha tahriibta

Tiro tahriibiyaa oo gaareya ilaa 45 oo u badanaa soomaliy iyo Etiopia ayaa gaarey galinkii danbe shalay xeebaha wadanka Yamen iyaga oo badqaba oo aanay wax dhibaato ah aanay soo gaarin.

Wararka laga helayo wadanka Yamedn ayaa intaasi ku daraaya in doonidii dadkani siday markii ay soo gaadhay meel u jirta xeebta wadanka ila 45 talabo ay dadkii ku qasbeen ragii donida waday in ay dataan iyaga oo ka cabsi qaba in ay gacanta u galaan ciidamada wadanka Yamen.

Hase ahaa ma jiro waxa khasaare ah oo dadkaasi kasoo gaadhay talabada ay qadeen ragii hubaysaan ee dunida watay marka laga reebo in qar ka mid ah ay ku hafteen biyaha sababo la xiriira iyaga oo aan aqoon dheer u lahay arrimaha dabaasha.

qaar kamid ah dadkii tahriibiyaasha ahaa Oo gaaray xirada qaxootiga Mayfac Oo ay maamusho hay,ada qaramada midoobey uqaabilsan arimaha qaxootiga Ee marka lasoo gaabiyo magaceeda looyaqaano (UNHCR) ayaa noo xaqiijiyay in aanu jirin cid waxa kaga noqotay safarkii ay soo galeen ee dhinaca bada ahaa.

Ma aha markii ugu horaysa ee dad tahribayaal ah ay u tahriiban wadanka yaman iyaga oo donaya in ay ugu talabaan wadanamo ku yaala khaliijka carabta oo uu ugu hureeyo wadanka Sucuudiga oo ah wadanka ugu badan ee tahribayaasho ay tagaan.

 

Rabshado Dhimasho iyo Dhaawac Wata oo Kadhacaya wadanka Koonfur Afrika.

Tirada dhimashada iyo dhaawaca , barakaca, iyo dadka loo qabtay oo sii kordhaya. Dalka k/afrika iyadoo eey maaalintii 3 aad galeen rabshada dalka gilgiley oo dhan ah ajaaniibta.iyo muhaajiriinta.

Waxaa si isku mid ah usii kordhaya tirada dadka la diley, la dhaawacay iyo barakacay, iyadoo maalintii 3 aaday galayaan rabshadaha la xakameyn la’yahay ee ka dilaacay xaafadaisku raranta ah ee Alexandra waqooyiga Johannesburg, sidoo kale tirade dadka loo xirey ayaa so xawli ah u kordheysa. Shisheeyaha oo is dicid bilaabay.

Ugu yaraan 3 qof ayay tiradu geeridu gaartey, inka baddan 100 qofna dhaawacyo ayaa kazoo soo gaaray, halka dadka barakacay eey kor u dhaafayaan 1000 kun qof, halka dadka loo xirey rabshadahani eey 40 qofood isku shereertey.

Dadka dhintey mid ka mid ah ayaa dalka u dhashay, waxaana la sheegey in la diley markii uu diidey in uu ka qeyb qaato rabshadaha ka dhanka ah ajaaniibta, taasoo muujineysa heerkja xaaalada eey joogto

Waxaa kale jirra ugu yaraan labbo haweeney oo la kufsaday, waxaana la filayaaa in tirade kufsiga eey soo kororto.

Rabshadaha ayaa dilaacay maalintii axada, lama garanayo waxa sababta u ah in eey rabshadaha dhashaan, hase yeeshee wararka eey saxaafadasoo tabineyso ayaa sheegaya in dadka deegaanka eey ka cabanayaan in dadka shisheeyaha ah eey geysanayaan dambiyo kala duwan, sidaasdarteedna eeysan dooneyn in eey sii degenaadaan.

Habeenkii xalay ahaa, ciidanka Police-ka ayaa loogu yeerey koox dad ah oo gaaraya 500 qof oo ajaaniib ah, kuwaasoo walxo kala duwan ku hubeysnaa , isla markaasina rabay in eey is difaacaan, police-ka ayaa kala eryay dadkaasi, taasi waxay cadayn u tahay in markani ajaaniibtana eey is difaacayaan.

Afayeen u hadlay ciidanka Police-ka ayaa laga soo xigtey isagoo leh “dadka barakacay,. Waxaan eegeynaa sharciyadooda,m kadib dib ayaan ugu celinaynaa dalalkoodii eey ka yimaadeen”. Hadalkaasi oo ah wixii eey dadka deegaanka codsanayeen.

Wargaysyada saakey soo baxay ayaa ka wada sinaa in eey bogaga hore kusoo daabaceen sawirada dad madaxa seefo looga shafay oo aad ka ka argagaxaysid muuqaalkooda, tiro saxafiyiin ah ayaa wali kusii qulqulaya goobta eey dhibaatada ka jirto, waxaana si isdaba jog isu soo taraya wararka ku saabsan rabshadaha, waxaa hadalo cambaareyn ah soo saaraya xisbiyada mucaaradka, hey’ada iyo dhamaan ururada bulshada rayidka ah, aragtida dadweynaha oo lagu baahinayo qalabka warbaahinta ayaa sidoo kale cambaareynaya falalka, ugu yaraan midka mid ah wargeysyaha saakay Johannesburg kazoo baxay The Time ayaa ciwaan far waaweyn kusoo qorey “IS THIS THE NEW SA?= TANI MA K/AFRIKADA CUSUBBAA?. Wargeyska caanka ah ee Th Star ayaaa soo daabacay sawirada boqolaal dadka deegaanka ah oo dariiqyada ku baacsanaya ajaaniibta, waxay dadka siteen waxkasta oo qof lagu waxyeeleeyo.


Dadka ajaaniibta ah ee la beegsanayo ayaa ah Zimbabwean, Muzambican, iyo Malawean, laakiin wax Soomaali ah kama mid ahan dadka ku waxyeeloobey, qofkii kaliya ee SOomaaliga ahaa ee tuuladaasi dukaanka ku lahaa ayaa isagu ka badbaaday, kana soo cararay, hase yeeshee ururka jaaliyada Soomaalida dalkani ee SASA ayaa ka digeysa in eey rabshadaha eey ku faafi karaan xaafado kale oo Johannesburg ka tirsan, kuwaasoo sida la sheegey sanadkii ugu dambeeyey Soomaali aad u tiro baddan eye ganacsiyo ka furatay, si ka duwan sanadihii hore, SASAwaxay Soomaalidadalka joogta oga digeysaa in eey fiidhoonaan gaar ah u yeeshaan xaaaladaha xaafadaha eey deganyihiin, isla markaasina qaadaan wixii talaabo ah oo ku haboon ee eey oga hortagi karaan .

Inta baddan rabshadaha waxay dhashaan xiliga habeenkii ah, taasoo dadka eey ku adkaaneyso in eey helaan fursadeey ku baxsadaan ama alaaabahooda ku dada gureystaan, SASA ayaaa soomaaalida ugu baaqaysa in eey dukaamada ka kala yareeyaan alaabaha iyo badeecooyinka, waxlacag ahna eeysan dukaamada dhex dhigan, isla markaasina eey diyaarsadaan gawaari eey naftooda kula baxsadaan, waxaa kale oo eey ugu baaqaysaa dadka qaraabadooda iyo asxaabtooda eey tuulooyinka ku jirran eey dhegta u taagnaato, eeysana damin taleefoonadooda, si eey dhaqso ugu gurman karaan haddii dhibaato soo daristo.

Sanadkani oo kaliya waxaa jirey ku dhawaad 20 rabshada noocaan oo kale ah, intoodaba baddan waxaa ku waxyeeloobey Soomaali aad u tiro baddan oo dhimasho dhaawac, qasaaro hantiyeedba kasoo gaaray, bishii Maarso ayuu ururka SASA ayaa wasiirka arrimaha gudah iyo saraakiil sarsare oo dwolada ka tirsan kala kulmay arrimahani, xiligaasi waxaa la;isla qaatay in eey dawladuwaxka qaban doonto rabshadaha, balse ma muuqato waxhor mar ah, waxaana laga cabsi qabaa in eey sii fidaan.


Wixii kazoo kordha waan idinla soo socodsiin doonaa.
SASA NEWS.

Ciimada DF oo maanta Rasaas Ooda kaga qaaday Dadka ku sugan Ceelasha Biyaha.

Ugu yaraan 4 ruux oo rayid ah ayaa si xun ugu dhaawacantay ka gadaal markii kulanayo ay la socdeen Ciimada Milatariga ee dowladda oo marayay Ceelasha biyaha ay rasaas ood kaga qadeen mid ka mid ah Ciidamada ilaalada goobaha gacansiga eek u yaala deegaanka ceelasha biyaha oo xiligaasi watay qori ay ka shakiyeen ciidamdani.

Kulanyada ayaa lagu waramay in ay ka yimaadeen dhinaca degmada Afgooye ee gobolka Sh/Hoose iyaga oo kusii jeeday dhanaaca iyo Magaalada Muqdisho.

Ciidamdan ayaa lagu waramay in markii ay soo gaareen deegaanka Xaawa Cabdi waxa ay ka dageen gawaarida ay wateen iyaga oo ka Cabsi qabay in Xoogaga Mujahidiintu ay wadada ugalaan, waxan ay bilaabeen in ay maraan wadada dafaheed is ay uga hortanaan werar uga yimaada xoogaga kasoo horjeed dowladda KMS.

Afarta ruux ee oo dhaawaco uu kasoo gaaray rasaasta ay fureen ciidamadani ayaa waxaa ku jiray Ilmo yar oo da’diisa lagu sheegau ila 7 Bilood iyadoo dhaawacyada loo qaaday Cisbitalka Madiin ee Magaalada Muqdisho .

Ma ah markii koobada oo askarta dowladda ay rasaas ooda kaga qaadan dad rayid ah oo aan waxba galabsan iyada oo dhacdadi ugu danbaysa ay ahay 12 bishii ayno soo dhafnay markaaso oo ciidamado ay rasaar ku fureen dad ku sugnaan agagaarka kuliyadii hore ee Jaale Siyaad.

Danjire99@hotmail.com

Yuusuf Indhacade oo Usoo jeediyay inay Isaga baxaan Xubnaha Shirka Jabuuti Uga qaybgalaya Isbahaysiga.
Madaxa dhinaca difaaca u qaabilsan Isbaheysiga Dib U Xoreynta Soomaaliye Sh. Yuusuf siyaad (Yuusuf Indha Cadde), oo Maanta u waramay qaar kamid ah warbaahinta Magaalada Muqdisho ayaa qaadacey shirka Jabuti ka socda ee howla wadeenka uu ka yahey u Qaabilsanaha Arimaha Soomaaliya Qaramada Midobey,Axmedu Wadla C/lla. Shirkaas oo ah mid ay ka wada qeyb galayaan xubno ka socda Isbaheysiga Dib U Xoreynta Soomaaliya iyo DKMG ah ee la shaqeysa gumeysiga Itoobiya, arimaha looga hadlayana ay ka mid tahey sidii Ciidanka gumeysiga Itoobiya wadanka looga saari lahaa.

Sh Yuusuf Indha Cadde, ayaa ugu horey waxa uu ugu baaqey xubnaha ka socda Isbaheysiga ee ka qeyb galaya Shirka in ay ka baxaan oo ay qaadacaan, isaga oo sidoo kale sheegay in haddii xubnahaasi aysan ka bixin shirka, iyaga aysan matalin, wixii ka soo baxa shirkana wax shaqo ah ku laheyn. Waxa sidoo kale uu sheegay Indha Cadde, in markii hore xunbaha ka tirsan Isbaheysiga ee jooga gudaha Dalka aan waxba la laga socod siin, shirka Jabuuti.

Indha Cadde, oo sidoo kale ka hadlaya firikiisa ku aadan Shirka ayaa sheegay, in Hadafka shirkaasi uu yahey oo looga gol leeyahey sidii loo wiiqi lahaa oo loo kala dhan taali lahaa Awoodaha Xoogaga Muqaawamada Soomaaliyeed ee Jihaadka kula jira Ciidanka Gumeysiga Itoobiya.

Waxa uu sidoo kale sheegay Yuusuf Indha Cadde in uu shirkani yimid ka dib markii Xoogaga Muaqaawamada Soomaaliyeed soo hoyeen guulo wax ku ool ah, iyo khasaaarooyin laxaad leh oo ay gaarsiiyeen Ciidanka gumeysiga Itoobiya, lana doonayo in guulahaas iyo awoodaha Muqaawamada lagu qariyo oo lagu kala dhan taalo.

Hadalka Sh Yuusuf Siyaad Indha Cadde ee ku aadan shirka Jabuti, ayaa ku soo adaya iyada oo shaley galab Dalka Jabuti ay ka dhacdey xaflad shirka lagu daah furayo, sidii halkaa uga soo bixi lahaayeen wax hor mar ah , iyada oo dhinaca kalena aysan jirin wali wax la isla gaarey oo heshiisyo ah.

Lama oga dhanka kale in hadalka ka soo yeeray xubintan ka tirsan Isbaheysiga Dib u Xoreynta Soomaaliya ee ku aadan shirka Jabuuti, uu noqon karo caqab hor leh oo soo wajahdey shirka, iyo in loo helo doono xal kale hadalka Sh Yuusuf Indha Cadde

War Degdeg ah Maxkamada Magaaladda jigjiga oo Xukun Dheer Kuriday Rag Caan ka ahaa Wadanka S/ galbeed.
Maxkamada Magaaladda jigjiga ayaa Ragmas'uuliyiin ka ahaa maamulaka uu hormuudka kayahay Lugbuur kuxukuntay labadan mas'uul mid kamid ah Rubuc Qarni, Halka midka kalena ay ku xukuntay khumusl Qarni.

Nimankan ay maxkamada magaalada jigjiga ku xukuntay mudooyinkaa dheer ayaa lakala yiraahdaa:-
1-Ibraahin Xaad oo lagu xukumay Khumusul qarni. iyo
2-Ugaas fu,aad oo ahaa nin caan ah ayay ku xukuntay Rubucul qarni.

Wararka aan kahelayno magaalada jigjiga ayaa sheegaya in aragani ay muddo billooyin ah ku xirnaayeen mid kamid ah xabsiyada kuyaala magaalada jigjiga , kadib markii dhowr jeer oo lahor keenay maxkamadaas lagu waayay wax ku makhraati kaca .

Ibraahin xaad oo ahaa nin ay aad isugu dhawaayeen madaxda ciidamada tikreega ayaan lagaranaynin waxa loogu xukumay mudadaas dheer inkasta oo uu ladagaalamay jabhadaha kajira wadanka s/galbeed hadana uma aynan turin kuwii uu dartood ubahaloobay, waxaana maanta haysata Maahmaahdii ahayd "Lo'eey Nimaan kuwaraabinaynin yuusan ku aroorin".

Ninka kale ayaa lagu sheegayaa in uu ahaa nin qunyar socod ah oo degen oo Odoyaasha Dhaqanka kamid ahaa, marka shirarka loogu yeero odoyaashana Runsheeg ah oo aan dadkiisa xaabada kusii shidin oo xarig iyo xarig la'aani ay isku mid utahay.

Qaar kamid ah Mas'uuliyiinta Goboladda bay Iyo Bakool oo Hubkadhigis lagu sameeyay.

Wararka laga helayo magaalada Beydhabo ayaa sheegaya in mas'uuliyiin ka tirsan dowladda oo ka soo jeeda beelaha Digil iyo Mirifle lagu sameeyey hub ka dhigis kadib markii saraakiisha Ethiopian-ka ah ee ku sugan magaalada Beydhabo ay sidaa amreen.

Mas'uuliyiinta hub ka dhigista lagu sameeyey ayaa waxaa kamid ah guddoomiyaga barlamaanka Aadan Madoobe iyo Maxamed Ibraahim Xaabsade, waxaana gaadiidkii iyo hubkii lagala wareegay la isugu geeyey xarunta madaxtooyada magaalada Beydhabo.


Wararkaan la xiriira hubka dhigista lagu sameeyey mas'uuliyiintaan ayaa ah mid aan weli si fiican u soo shaac bixin, waxaana wararka laga helayo magaalada Beydhabo ay sheegayaan in murano arrintaan salka ku haya ay ka jiraan magaalada Beydhabo.


Magaalada Beydhabo ayaa wararka laga helayo ay sheegayaan in ay ka socdaan kulamo gaar gaar ah oo ay yeelanayaan beelaha Digil iyo Mirifle oo arrinta hub ka dhigista salka ku haya.


Dhawaan ayey aheyd markii Ra'isulwasaare Nuur Cadde uu hub ka dhigis ku sameeyey guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Maxamed Dheere, lamana oga in arrimahaan ay yihiin kuwa xiriir leh.

Barakac Xooggan oo ay Sameynayaan Dadka ku dhaqan Deegaanada Leego iyo Yaaq bariweyne.

Barakac xooggan oo ay sameynayaan dadka ku dhaqan deegaanada Leego iyo Yaaq bariweyne ayaa maanta si weyn uga socda deegaanadaas iyadoo ay sii baahayaan iska horimaadyada iyo dagaalada deegaanadaas ku dhexmaraya ciidamada Ethiopia iyo kooxaha dagaalada kula jira.

Wararka laga helayo deegaanadaas ayaa sheegaya in saakay dadweyne aad u fara badan oo kamid ah kuwii ku dhaqnaa deegaanadaas ay bilaabeen in ay ka bara baxaan deegaanadii ay deganaayeen markii ay ii xoogeysteen weerarada ka dhanka ah ciidamada Ethiopia ee ka dhaca deegaanadaas.

"Ma ahan wax loo dul qaadan karo dagaalada ku soo noqnoqday deegaanka, dhibka ugu badan anaga ayuu na soo gaarayaa, waa in aan isaga fogaaanaa" ayuu yiri mid kamid ah dadka ku dhaqan deegaanka Leego oo sheegay in isaga iyo qoyskiisu ay ka barakacayaan deegaankaas.

Labadii isbuuc ee ina dhaaftay ayaa deegaanada Leego, Yaaqbari weyne iy tuulooyin hoostada deegaanadaas waxaa ka dhacay dagaallo iyo qaraxyo lala beegaday ciidamo Ethiopian ah oo wadada marayey, waxaana halkaas ka dhashay khasaare xooggan.

Khamiistii aynu soo dhaafnay ayey aheyd markii ay ciidamada gumeysiga Ethiopia dad u badan xoolo dhaqato ku gowreceen tuulooyin hoostaga deegaanka Yaaq bariweyne ee gobolka Sh/hoose halkaas oo markii hore ciidamada Ethiopia weerar lagu qaaday uu ka dhashay khasaare xooggan.

Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobay oo Arrimaha Dalka Soomaaliya Ugu baaqay Beesha Caalamka in ay Taageeraan Soomaaliya.

Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee arrimaha dalka Soomaaliya ayaa ugu baaqay beesha caalamka in ay taageeraan Soomaaliya islamarkaana ay garab istaagaan dadaalada dib u heshiisiineed ee uu isaga horkacayo.

Ahmedou Ould-Abdallah ayaa sheegay in uu si weyn ugu faraxsan yahay in dhinacyada Soomaaliya ay markaan muujiyaan dabacsanaan islamarkaana ay wada hadallo fool ka fool ah ka yeeshaan arrimaha dalka Soomaaliya.

"Waa arrin lagu farxo in dhinacyada isku haya siyaasadda Soomaaliya ay isku soo dhawaadaan oo ay aqbalaan in ay wada hadallo fool ka fool ah qaataan" ayuu yiri Mr. Ahmedou Ould-Abdallah oo wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay ugu qeybsan arrimaha dalka Soomaaliya.

Wuxuu xusay in Soomaaliya ay u baahan tahay taageero ay ka hesho beesha caalamka, isagoo intaa raaciyey in loo baahan yahay in beesha caalamku ay markaan il gaar ah ku eegaan arrimaha dalka Soomaaliya.

Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay ayaa iminka dadaal dheer ugu jira in uu dib u heshiisiin ka dhex abuuro dhinacyada Soomaalia isku haya, isagoo markii ugu horeysay ku guuleystay in uu labada dhinac aqbalsiiyo in ay wada hadallo fool ka fool ah qaataan.

Iyadoo muddo hadda gaadhaysa saddex isbuuc uu Gudoomiyaha Golaha wakiilada Somaliland C/raxmaan maxamed C/laahi (cirro) uu waday dhexdhexaadin ku saabsan sidii ay isku fahmi lahaayeen asxaabta mucaardka iyo xukuumada Somaliland ayaa waxa ay ku dhamaatay guul darro.
Waxaa maanta ku dhawaaqay mar uu shir saxaafadeed soo saaray Gudoomiyaha Golaha wakiilada Somaliland C/raxmaan maxamed C/laahi (cirro) in uu ku guul daraystay inuu dhameeyo khilaafkii siyaasadeed ee dhexyaalay xukuumada Somaliland iyo asxaabta mucaaradka ah oo uu ku soo jiray muudo saddex isbuuc gaadhaysa.

Shir usocday Golaha wakiilada S/land iyo Xukumadda Riyaale oo fashil kudhamaaday.

Arintan ayaa waxa uu ku tilmaamay inay ka dhamaan wayday kadib markii uu madaxwaynaha Somaliland Daahir Riyaale Kaahin uu diiday inuu si kafool kafool ah ay isu hor fadhiistaan asxaabta Mucaaradka ee Kulmiye iyo UCID si ay uga wada hadlaan xaalada dalka iyo sida lagu dhamayn karo.

Gudoomiyaha ayaa waxa uu intaasi ku daray in hadda ay gabi ahaanba istaagtay arinkaasi uu ka dhexwaday xukuumada Somaliland iyo asxaabta mucaardaka haddana aysan jirin cid wadda taas oo ahayd mid ay dadka shacabka ahi aysi wayn uga dhur sugayeen waxa kasoo baxa.

Dhanka kale shir saxaafadeed uu soo saaray Madaxwaynaha Somaliland Daahir Riyaale Kaahin ayaa waxa uu ku tilmaamay in Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliland hawshii uu waday uusan ilaa hadda wax xal ah ka gaadhin isagoo sheegay inuu sugayay arin cad oo ku saabsan mowqifka asxaabta ee ku aadan sharciga Guurtidu gaadhay waxa ay ka qabaan.

Madaxwaynaha ayaa waxa uu intaasi ku daray inaysan jirin kulan uu diiday oo ku saabsanaa dhexdhewxaadintaasi laakiin uu sugayay war bixin uu ka sugayay Gudoomiyaha oo ahayd su’aal aan waydiiyay oo ahayd maxay ka qabaan sharciga uu gaadhay Golaha Guurtida Somaliland ee ku aadan muudo kordhinta sanadka ah kaas oo uusan ilaa hadda igu soo celin.

Hadaba Madaxwaynaha Somaliland ayaa waxa uu ka digay in ay qabtaan asxaabta mucaardka inay banaanbaxyo kasoo horjeeda nabada Somaliland ee 17 jirsatay ciddii qabatana la hor gayn doono shaciga Somaliland iyadoo taas oo muujinaysa in aysan dhici doonin mudaharaadyo ka dhaca Somaliland marka la gaadho 15 may ee soo socda ayna qabtaan asxaabta mucaardku.

wariye ahmed yaasiin

Mujaahidiinta Soomaaliyeed oo la wareegay Ganac ku heeynta Degmada Bardaale ee Gobolka Bay.

Mujaahidiinta Soomaaliyeed ee ka soo hor jeeda Dowlada Siyaasada dowlada iyo joogitaanka ciidamada Ethiopia ee gudaha dalka Somalia ayaa guud ahaan gacan ku heeynta Magaalada Bardaale ee gobolka Bay la wareegay iyagoo wax iska Caabin ah aysan la kulmin.

Degmada Bardaale oo Qiyaasitii 60 KM dhanka K/Galbeed kaga Beegan Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka bay ayaa wararka ka imaanya waxaa ay sheegayaan in uu ka dhaqan galay Amar ka soo baxay Madaxda kooxda Dowlada Ka soo hor jeeda oo shalay Galinkii Danbe is nabad ah ugala wareegay Maamulkii Dowlada ee ka jiray Degmadasi.

Awaamiirtani lagu soo rogay Degmada Bardaale isla markaana dhaqan galay waxaa ka Mid ah Xirida goobaha Aflaanta lagu daawado,joojinta Qaadista Canshuuraha,joojinta goobaha lagu iibiyo qaadka iyo qaadista jidgooyooyin la soo dhigtay Wadooyinka gala Degmadaasi.

Mid ka Mid ah dadka Degmada Bardaale ku nool laguna magacaabo Cabdullaahi Max’ed oo warbaahinta u waramayay ayaa sheegay in Masuuliyiinta Maxkamada oo shalay Galinkii Danbe soo galay Degmada isla markaana shacabka la hadlayay ayaa waxaa ay u sheegeen buu yiri Dadka in degmada Bardaale looga dhisi Lahaa Maamul islaami ah oo Ka amar Qaata Maxaakiimta Islaamiga Somalied.

Sidoo kale Cabdullaahi Max’ed waxaa uu sheegay in Saldhigyo Ciidan ay ka Sameeysteen Kooxahani Daafaga iyo Gudah Magaalada Bardaale ee gobolka Bay.

Maamulkii Degmada Bardaale ayaa isaga Tagay Degmada Bardaale kadib markii ay arkeen In gacantooda ay ka baxday Degmadaasi.

Gudoomiyaha Maamulka Degmada Bardaale Yoonis Cali Dareer oo shabelle u waramayay oo aan la ogeeyn halka uu joogo ayaa ka War bixiyay waxa keenay in ay isaga Taganaa isaga iyo maamulkiisa Degmada Bardaale waxaana uu sheegay in markii uu ka war helay xoogag aan ka mid aheeyn ciidamada maamulka degmada in ay soo galeen degmada uu isaga tagay degmada Bardaale.

Ilaa iyo iminka ma jiro masul oo ka tirsan kooxda la wareegtay ganaca ku heeynta magaalada Bardaale ee gobolka Bay oo ka hadlay la wareegida ay la wareegeen gacan ku haaynta degmadasi isla markaan saxaafada uga war bixisay.
Degmada Baydhabo oo ah degmada lixaad ee ka tirsan gobolka Bay ayaa ah degmada kaliya ee ka badbaaday la wareegida kooxaha ka soo hor jeeda dowlada Somalia.

Ma’ahan markii ugu horeeysay ee ay gacan ku haynta deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolka Bay ay la wareegaan xoogaga ka soo hor jeeda waxaana horay kooxahani ugu gacan gashay degmooyinka Ufuroow,Qansaxdheere iyo Diinsoor kadib dagaalo ay la galeen ciidamada Dowlada ee ku sugnaa halkasi laakiin markii danbe ay isaga bexeen.

Home // Warar hore // Taariikh // Faallo // Maqaallo // Agoonta S/galbeed // Xidhiidhka
Copy right © Soomaligalbeed 2006

Email:Webmastar@soomaaligalbeed.com

Website: http://www. soomaaligalbeed.com