Waxaan idiin soo gudbinaynaa sida looga ciiday magaaalooyin ka mid ah wadanka Barazil halkaas oo uu warkan nooga soo diray Bashiir nuur Saciid oo ka mid ah dhalinyarada S/galbeed oo wadankaa safar ku maraya maalmahan.

Waxaa salaadii ciid lagu tukaday masaajidka kaas oo lagu magacaabo Muxammadurrasuulullahi waxaa na tukiyay sheekh lagu magacaabo sheekh maxed c/lla waa masaajid wayn oo aad loo qurxiyay masajidku wuxuu ku yaallaa magaladda São paulo,xafadda Brass.

Dadka muslimiinta ah ee wadanka Brazil waxaa lagu qiyaasa 20% waxayna u badan yihiin dad ka soo jeeda Carab gaar ahaan wadanka Lubnaan waxa la ii sheegay inay dhan yihiin 20milyan oo badan koodu yahay dad taajiriin ah.

Qaabka loo tukaday Ciida ima xiiso galin waayo dadku waa dad islaam ah oo aad u daciif ah waxayna ka fiican yihiin unbaa la dhihi karaa kuwa kale ee aan tukanaynin waxad arkaysaa marar badan ragga iyo naagaha oo safafka salaada kuwada jira dhinacana isku haya.

waxaad arkaysaa iyagoo aan kala xijaabnayn oo is qooro qooraysanaya waxaa kaloo kala qayb qaatay farxada ciida dad fara badan oo kiristan ah oo ay qaraabo yihiin dadkaas muslimiinta ah ee yimid ciidda waxaa kaloon arkay nin la igu yidhi waa Qays ka socda kiniisad aan ka fogayn Masaajidka oo u yimid inuu kala qayb qaato muslimiinta farxadda ciida.

Suaal ayaaban waydiiyay qof ka mid ah dadkii oo waxaan idhi iyaga miyaa lagala qayb qaataa tooda laakiin muuna iiga jawaabin su, aashii waxaa hadlay sheekhii oo ku khudbadeeyay labo luqadood oo midna tahay Boortaqis midna tahay Carabi wuxuuna ka hadlay oo xooga saaray sidii loo caawin lahaa ama loo taageeri lahaa dadka reer lubnaan ee dhibaataysan wuxuuna sheegay in loo diray mucawinooyin fara badan oo ay dadkaasi bixiyeen sida baabuur u badan Amabalaas iyo alaabo kale oo caafimadka loo adeegsado waxaa iyana ka hadlay labada Safiir ee ka kala socday labada wadan ee Masar iyo Lubnaan.

Waxaa kaloo jira Masaajid kale oo la ii sheegay in lagu magacaabo black mosque oo macneheedu yahay masajidkii madoobaa maxaa loogu bixiyay magacaas markaan idhi waxay ii sheegeen nimanka Carabta ah ee masaajidka kale dagan ayay u yaqanan magacaas sababtoo ah waxaa lagu sameeyaa wax yaabo aan kan lagu samayn waxaan gacanta ku haya niman u dhashay wadanka Nayjeria.

Waan aaday masaajidkii waxaa i geeyey nin Sudanis ah oo aan halkan ku sxb nay waxaan arkay dad koox oo rag u badan oo black poeple ah oo fadhiya meel aan ka fogayn masaajidka gacmahana ku haysta haysta khamri wuxuuna ii sheegay inay yihiin kuwo la islaaminayo oo raba inay diinta soo galaan masaajidka dhexdiisana markaan galay waxaa joogay 4nin oo ka shaqaysa masaajidka oo si fiican ii soo dhaweeyay.

Waxaayna ahaayeen kuwo ay ka muuqato islaamnimo jacayl iyo wanaag diineed hadaba iyagaa ii saxay magii hore ee la isoo siiyay oo w axay ii sheegeen in la yidhaahdo masaajidka slamic mosque hadaba dadka islaamka ah ee dagan wadankan gaar ahaan magaladan sao,paulo waa islaam jilicsan.

Waxyaabaha aan aad ula yaabay waxaa ka mid ah marka imaamku Salaada dadka tukiyo nin walba rag iyo dumarba wuxuu isku daye in uu sheekha dhunkado ama shumiyo, safkana Salaada waa nasiibkaa rag iyo dumar kolba kii kugu xigsada.


Ciidal Fidriga sidee looga ciiday magaala Jigjiga ee xarunta dhulka S/galbeed ee lagumaysto.?

Munaasibadda Ciidal Fidriga ayaa si wanaagsan loogu soo baxay maanta magaalada Jigjiga ee xarunta dhulka Soomaaligalbeed.

Dadweyne aan tiradooda la qiyaasi karin ayaa aroor horeba usoo dareeray sidii ay salaadda Ciidal Fidriga ugu tukan lahaayeen barxadda weyn ee lagu tukado ciidaha ee ku taalla xerada loo yaqaanno Killilka.

Xerada Kililka oo laga galo laba albaab ayaa ahayd mid maanta aad loo ilaalinayay. Waxaa waddooyinka iyo darbiyayda xerada aad u joogay ciidamo farabadan oo isugu jira booliiska degaanka, booliiska federaalka, iyo ciidamada militariga ah.

Dadku markii ay sii galayeen albaabada xerada ayaa si aad iyo aad ah loo baadhayay, dadka ayaa laga qaadayay amma laga reebayay qaraxadaha sigaarka laga shito, qalimaanta, kamerooyinka kala gadisan, iyo dhammaanba wixii laga shakiyo.

Ciidamada waxbaadhayay ayaa isugu jiray booliiska federaalka iyo kuwa degaanka Soomaalida oo maanta iyagu labbiska ciidaha ay gashadaan ee madaw ku labbisnaa.

Dadweynaha ayaa soo buux dhaafiyay barxadda lagu tukado salaadda halkaasi oo ay joogeen dhallinyaro ay soo abaabuleen dowladda hoose ee Jigjiga iyo Golaha Islaamka ee loo yaqaanno Majlisul Aclaa.

Dhalinyara ayaa dadka kala fadhiisinayay safaf, dhallinyaradan oo aad u farabadnaa ayaa waxa ay wateen kaadhadh lagu aqoonsado oo ay ku qoran tahay "Kooxda Abaabulka Arrimaha Ciidda" mararka qaarkoodna inta ay gacmaha is qabsadaan ayay xidhayeen meelaha qaar si aanay dadku si qaabdaran ugu fadhiisan safafka salaaddana u toosiyaan.

Munaasibaddan ciidda ee maanta laga tukaday magaalada Jigjiga ayaa waxaa lagu kala tukaday laba goobood oo kala ah Kifladoorka iyo SEERPI.

Dadweynaha ayaa intooda badan waxa ay yimaaddeen barxadda weyn ee ku taalla xarunta laga maamulo degaanka Soomaalida ee loo yaqaanno Kifladoorka amma Killilka halka ay dadka qaarkood ku tukanayeen meesha loo yaqaan SEERPI oo aan hore loogu tukan jirin salaadda ciidda isla markaana aan la sii shaacinin in halkaasi salad lagu tukanayo sannadkan.

Munaasibadda ciidda ayaa ahayd mid aad iyo aad uga gaddisan kuwii hore ee laga tukan jiray Jigjiga, Ciiddan ayaa ahayd mid aanay jirin gabi ahaanba wax ka tirsan maamulka oo ka hadlay goobta ciidda lagu tukanayay.

Sida looga bartay amma hore loogu yaqaannayna, maamulka kililkuna wuu kahadli jiray ciidihii hore sida madax weynaha iyo madaxda kale ee degaanka.

Maqnaanshaha maanta ee madaxda degaanka aya lagu macneeyay cabsi ay ka qabaan in waxyeello ay kasoo gaadho amma laysku dayo in lakhaarajiyo qaarkood, si kastaba ha noqotee, markii la maqlay in bannaanka SEERPI lagu tukanayo salaadda ayay dadka qaarkood waxa ay hoos u lahaayeen, "madaxdii waxaa laga yaabaa inay halkaasi ku tukanayaan maddaama SEERPI ay tahay meel aan hore looga sii warqabin dadkii laga shakiyi lahaana ay Kifladoorka kutukanayaan."

Dhinacakalena waxaa la sheegayaa in culimda laftoodu ay isku khilaafeen sababta loogu tukaday halkaasi SEERPI balse khilaafkaasi ayaa laga heshiiyay markii danbe.

Isu imaanshaha salaadda ciidda oo sidii caadada ahayd ku bilaabantay Takbiirta ayaa markii 8dii subaxnimo ay ahayd waxa ay culamadii maamulaysay meesha dadka ugaysiiyeen inuu sheekhii tukin lahaa maqan yahay oo uu soo kormeerayo goobta kale ee SEERPI ee lagu tukanayo lana sugayo isaga.

Markaasi ayay dadka qaarkood kaceen, balse sheekhii ayaa inta uu marlabaad makarafoonka qabsaday waxa uu dadka u sheegay inay fadhiistaan si aan looga shakiyin isaga oo yidhi, "walaalayaal, fadhiista! Fadhiista! waan tukanaynaaye yaan wax kale laynoo qaadan oo aan dhib layna gaadhsiinine."

Dhibtaasi uu sheekhu sheegay ayaa waxa uu ka cabsi qabay in dadku inta ay buuqaan in ciidamada gumaysiga oo hareeraha taagnaa inta ay dhibkale inuu jiro moodaan inay raasaas ku furaan dadweynaha taasi oo ah wax ka suurtooba militariga Itoobiya.

Sikastaba ha noqotee salaaddii ciidda ayaa lagalay markay saacaddu ahayd 8.10 halkaasi oo lagu soo gabagabeeyay salaaddii Ciidal Fidri ee sannadkan.

Dadweynaha caadiga ah ee aan xiisaynin siyaasadda ayaa iyagu sheegaya inay tahay ciiddani ta kaliya ee ugu khayr badan marka loo eego kuwii hore.

Dadku waxa ay leeyihiin ciidihii hore meeshu waxa ay ahayd fagaare siyaasadeed oo ay madaxda u adeegta rajiimka Itoobiya u adeegsan jireen inay siyaasaddooda ka gudbiyaan iyaga oo munaasibadda ciidda meesha Kifladoorka ka jeedin jiray khudbado siyaasadeed.

Balse dadku waxay leeyihiin ciiddani mid khayr badan ayay ahayd maaddaama ay khudbadihii siyaasaddu ka maqnaayeen meesha cabsina ay keeni wayday madaxda inay dadka kula tukadaan barxadda lagu tukanayay.

Dadweynaha ciidda soo tukaday ayay wajiyadooda farxadii ka muuqatay iyada oo dhinacakalena la odhan karo dadka waayeelka ah intooda badani ma xidhnayn maryihii cusbaa ee looga bartay inay soo iibsadaan kuna labbistaan xilliga ciidda marka laga reebo caruurta yaryar oo qaarkood si fiican loogu soo labbisay.

Arrintan oo aan dadka qaarkood wax ka weydiinay ayay ku sifeeyeen inay tahay dhaqaalo xumada degaanka ka jirta taasi oo loo nisbeeyay cunaqabataynta dhinaca ganacsiga ee in muddo ahba saarnayd degaanka Soomaalida oo si weyn u saamaysay nolosha dadweynaha caadiga ah.

Dhinaca kalena, wadooyinka magaalada ayay ka maqnayd qurxintii lagu samayn jiray sannadadii hore. Waxaa caado ahaan jirtay xilliga ciidda in waddooyinka laydhadh bilicsan lagu xidho meelaha qaarkoodna la ranjiyeeyo.

Waxaa kale oo dawladda hoose ee magaalada Jigjiga ay ka seexatay inay soo dhajiyo tabeelayaashii hore looga bartay ee tilmaami jiray xusina jiray ereyo ka hadlaya munaasibadda cidda.

Caasimadda Dalka Kenya Nairobi iyo Ciidii maanta sida looga Tukaday.

Magaaladda Caasimadda Dalka Kenya ee Nairobi ayaa si wayn looga ciiday maanta, muslimiinta ku nool Caasimadda ayaa isagu soo baxay fagaaraha weyn ee loo yaqaano Sir Ali Culub" halkaasoo ah meesha inta badan dadka Muslimiinta ah ee reer Nairobi ay ku tukadaan Salaadaha Ciidaha.

Intii aan salaada la galin ayaa waxaa halkaa ka hadlay qaar ka mid ah Culimadda reer Kenya Kuwaasoo Muslimiinta ugu baaqay in ay ka faa,idaystaan doorashada fooda inagu soo haysa taasoo ay ugu baaqeen muslimiinta inay u codeeyaan Xisbiga ODM, ee uu hogaaamiyo Rayle Odhinga.

Markii lasoo gabagabeeyay khudbadahaa ayaa Salaadii la tukaday kadibna waxaa khudbad dheer halkaa kasoo jeediyay Sheekh Maxamuud Shibli, oo airimo badan kaga hadlay khudbadiisa isagoo wax badan dadka u dardaarmay Alle kacabsiga iyo ku dhaqanta Diintooda Islaamka.

Waxaa kaloo sheekh maxamuud si wayn uga hadlay waxa loo yaqaano ikhtilaafo Madhaalic oo uu sheegay in wakhtigaa aan laba joogin maanta oo aduunkuba noqday hal tuulo kuwa waxyaabaha daliishanaya ay yihiin dad aan fahmin waxa loola jeeday wakhtigaa, waxa loola jeedayna waxay ahayd inay culimadu ula jeedeen kolba intii warka faraska isku gaadhsiin karta ayaa isku Madhaalic ah.

Balse wakhtigan la joogo taasi meesha way ka baxday oo aduunka daafihiisa oo dhan wakhti kooban ayaa warka la isku gaadhsiin karaa, waxaa kaloo iyana ubaahan in laga digtoonaado ayuu sheekh Maxamuud yidhi in lagu kala afuro ama lagu kala Soomo Xuduudaha Isticmaarkii laga dhaxlay oo aad arkayso buu yidhi qof mislim ah oo kule Xuduud u jirta wax dhan Kiiloo mitir lama Afurayo oo la afuraya Wadanka uu ka tirsanyahay Dacalkiisa kale oo laga yaabo in uu u jiro kumaan Kiiloo Mitir.

ISBAHAYSIGA DIB U XOREYNTA SOOMAALIYEED
WARSAXAAFADEED KUSAABSAN MUNAASABADDA CIIDDA SOONFUR.

Waxaad ciideysaan idinkoo madaxbanaanidiinii idiin muuqato" (Lr.4) Guddoomiyaha Isbahaysiga dib u xoreynta Soomaaliyeed ahna guddoomiyaha G.fulinta mudane Sh.Shariif Sh.Axmed waxa uu hambalyo u dirayaa ummadda Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan munaasabadda ciidda soonfur ee barakeysan awgeed, waxa uuna Allah weydiisanayaa in uu ka aqbalo soonka, salaadda iyo ducooyinkii ay la yimaadeen bisha soon ee barakeysan ee sannadkan.

Guddoomiyuhu waxa uu si gaar ah hambalyo iyo bogaadin ugu dirayaa xoogagga muqaawamada, madaxdooda, Odayaasha dhaqanka, ganacsatada, aqoonyahanka iyo dhammaan qeybaha kala gedisan ee bulshada Soomaaliyeed ee diiday in ay u hogaansamaan damaca gumeysiga iyo dabadhilifyadiisa, muruq, maal iyo maskaxna u huray sidii ay dalka uga xoreyn lahaayeen ciidamada cadawga ee qabsaday una soo celin lahaayeen sharfkii iyo jiritaankii Soomaaliyeed ee dhulka lagu jiiday.

Waa hubaal in uusan gumeysigu cimri dheereyn hase-yeeshee waxa uu reebaa ceeb iyo cawaaqib xumo aan ka harin dabadhilifyada" ayuu guddoomiyaha ku daray hadalkiisa, isagoo bogaadiyey muqaawamada & waxqabadkeeda. Sidoo kale Guddoomiyuhu munaasabadda ciidda soonfur awgeed waxa uu hambalyo u dirayaa dhammaan dalalka Islaamka iyo madaxdooda, waxaanu ugu baaqay in ay ku taageeraan shacabka Soomaaliyeed sidii uu xoriyadiisii iyo madaxbanaanidiisii u soo ceshan lahaa, ciidamada Ethiopia-na dalka looga saari lahaa.

Sh acabka Soomaaliyeed waa xusuusnaan doonaa sida ay madaxda dalalka Islaamka iyo kuwa caalamkaba indhaha uga laabteen – intooda aan ka qeyb qaadan- waxyeelaynta joogtada ah ee ciidamada cadawga ah ee soo duulay ku hayaan shacabka Soomaaliyeed xilli aysan xukuumada sharci ahi aysan dalka ka jirin" ayuu yiri guddoomiyuhu.

Waa wax laga xumaado iyadoo dhiigii shacbka soomaaliyeed uu cadwgu daadinayo, oon, gaajo iyo hoy la'aanna ay la il adarn yihiin intii ka badbaaday xabadda cadawga inay kuwa masuuliyad sheeganaya ay u baratamayaan sidii ay gaari lahaayeen raalli ahaanshaha cadawga.

Guddoomiyaha Isbahaysiga waxa kale oo uu hoosta ka xariiqay sida ay uga go'anatahay isbahaysigiisa xoreynta dalka, waxa uuna yiri waa inay Ethiopia ciidamadeeda ciidda Soomaaliyeed kala baxdaa, shacabka reer Ethiopia-na waxa uu ugu yeeray inay iska qabtaan madaxdooda faraha dhiiga kula jirta ee cadawga ku ah nabadda iyo degegnaanta gobalka haddii ay rabaan inay sii jirto qarannimadooda.

Ugu dambeystii guddoomiyaha waxa uu shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay taakuleeyaan kuwooda tabarta daran, sidoo kale hay'adaha samafalka, ururada goboleed iyo kuwa dawliga ahba waxa uu ugu baaqay inay garagaaraan Soomaalida ku waxyeeloowday dhibaatada gumeysiga.

XAFIISKA WARFAAFINTA
ASMARA12/10/2007


Back