|
Wararka
maanta
|
||
|
Kulan looga hadlayey Sicir bararka & Qiimo dhaca Sh/So. oo lagu qabtey Magaaladda Boosaaso. Kulan looga hadlayey sicir bararka & qiimo dhaca Sh/So oo lagu qabtey Bosaso Kulan balaaran oo ku aadan arimaha sicir bararka xoogan ee taagan iyo qiimo dhaca ku yimid shilinka Soomaaliga ayaa maanta ka dhacay xarunta Dawlada Hoose ee magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari.
Kulankan oo ay ka soo qayb galeen qaybaha kala duwan ee maamulka iyo ganacsatada sarifka doolarka ayaa waxaa looga hadley sidii salka loogu dhigi lahaa heehaabka iyo sabeynta uu sameynayo qiimaha doolarka, iyadoo haatan qiimaha doolarka uu ka sareeyo 3250 kun oo shilinka Soomaaliga ah.
Gudoomiyaha
Gobolka Bari Muuse Geelle Yuusuf ayaa markii uu soo dhamaadey kulankaasi
wuxuu uga waramayey warbaahinta waxyaabihii kulankaasi ka soo baxay ama
looga hadley ee goaamada looga qaatey. Wariye Axmed Yaasiin Boosaaso. Wafti Kasocda Maamul Goboleedka Puntland iyo Odoyaasha Dhaqanka Gobolka Mudug oo uu Shir ugu soo dhamaaday Magaalada Gaalkacyo. Xubnaha dawladda Puntland ugu jira Golayaasha kala duwan ee dawladda Puntland oo maalmahaan joogay gobalka mudug ayaa la kulmay Odayaasha dhaqanka ee Magaalada Gaalkacyo. Xubnahan oo ay ku jiraan Wasiirada ugu tunka weyn dawladda Puntland ayaa waxa ay Odayaashan kala hadlayeen sidii wax looga qaban lahaa xaaladaha kala duwan ee ka taagan Magaalada Gaalkacyo. Gudoomiyaha Wafuudan oo ah Agaasimaha Wasaarada Warfaafinta ee dawladda Puntland Cabdulqaadir Faarax Bootaan ayaa shaaca ka qaaday in Halkudhaga Shirkoodan yahay ,Midnimo ,Isku tashi & Iskaashi. Cabdulqaadir wuxuu tibaaxay in aysan soo dirin Masuuliyiinta ugu sareysa Dawladda Puntland ,wuxuuna sheegay in ay wakiil ka yihiin Xubnaha dawladda Puntland ugu jira gobalka Mudug. Isagoo sheegay in ay doonayaan in ay Bulshadooda kala hadlaan xaaladaha ka taagan Puntland oo dhan & sidii ay ula qeysan lahaayeen dhibaatada ka jirta Soomaaliya. Markaasi ka dib ayaa Odayaashii hadalka qaateen ,waxa ayna ka hadleen xaaladaha qalafsan ee ka taagan gobalka Mudug. Nabadoon Yaasiin Cabdisamad oo ka mid ahaa Odayaashii kulankaasi tagtey ayaa hadal halkaasi ka soo jeediyey ,isagoo shaaca ka qaaday in dhibaato baan ka jirto gobalka Mudug. Yaasiin wuxuu sheegay in ay Bulsho ahaan taageersan yihiin Dawladda Puntland ,balse wuxuu sheegay in aysan arkin wax waxqabad ah oo ay muujiyeen xubnaha dawladda ugu jira gobalka Mudug. Wuxuu ka codsaday Wasiiradaasi in uusan waxqabadkoodu noqon ,sidii horey udhacday ee uu noqdo mid dhab ah ,markaasna ay Wasiiradoodan dhibaatooyinka jira oo dhan deg deg ah wax uga qabtaan. Nabadoon Yaasiin wuxuu tilmaamay in aysan aqoon tirade ciidamada joogta gobalka Mudug ,waxa ay ubaahan yihiin maalin walbana ay ka codsadaan Masuuliyiinta ciidamada in ay amaanka sugaan. Jaamac Cabdi oo ka mid ahaa isna Nabadoonadii halkaasi ka hadlayey ayaa siweyn wasiiradan ugu eedeeyey in aysan waxba ka qaban dhibaatada ka taagan gobalka Mudug. Wuxuu hadalkiisa nuxurkiisu ahaa in Wafdigan kulataliyey wax ka qabashada dhibaatada jirta oo dhan dhinac walba ,loogana baahan yahay in ay meel wanaagsan uga tagaan xaalada. Wasiirka Maaliyada ee Puntland Dr. Maxamed Cali Yuusuf ahna Madaxa ugu sareeya ee Wafdigan ayaa hadalka qaatey ,wuxuuna halkaasi ka soo jeediyey waxyaabo badan oo ku aadan gobalka Mudug. Wuxuu beeniyey in ay dawladda Puntland ka maqan tahay gobalka Mudug ,isagoo tusaale usoo qaatey in dad badan oo ka tirsan dawladda ay joogaan gobalka. Gaagaab wuxuu sheegay in ay jiraan dhibaatooyin badan oo dhinaca amniga ah ,wuxuu ugu baaqay Odayaasha in looga baahan yahay in ay wax ka qabtaan dhalinyarada meelaha qoryaha ku heysata dhibaatadana ugeysaneysa Amniga gobalka. Mar uu Gaagaab soo qaaday dhinaca Horumarinta gobalka Mudug ,wuxuu sheegay in gobalka Mudug ka mid yahay gobalada ugu horumarsan Puntland. Isagoo sheegay in Mashaariic badan laga hirgaliyey qaarkood ay dad hor istaageen ,odayaashuna aysan waxba ka qaban. Wasiirka Maaliyadu wuxuu hadalkiisa sidoo kale ku sheegay in Mushaaraadka ka maqan Shaqaalaha gobalka Mudug & Ciidamada yahay mid ka wada maqan dawladda oo dhan. Wasiirka Cadaalada & Arimaha Diinta Cabdirisaaq Yaasiin Cabdille (Geesood) ayaa dhiniciisa soo qaaday arimaha ka taagan gobalada Puntland oo dhan. Wuxuu tilmaamay in ay doonayaan in ay gobalada Puntland oo dhan wax qabad dhab ah ka muujiyaan ,gaar ahaan gobalka ay ka soo jeedaan. Talladan ay maanta ku yimaadeen Magaalada Gaalkacyo ayuu sheegay in ay tahay mid ka timid Maskaxda Xubnaha Puntland ugu jira gobalka Mudug. Geesood wuxuu carabka ku dhuftey in looga baahan yahay Odayaasha & Salaadiinta gobalka in ay ka hortagaan falal amaan daro ayna la shaqeeyaan Xubnaha dawladda ee gobalka jooga. Wuxuu ku nuux-nuuxsaday in ay wax weyn ka qabanayaan Wafdi ahaan xaaladaha ka jira gobalka Mudug ayna meel fiican xaalada kaga tagayaan. Wasiirka Qorsheynta & Xiriirka Caalamiga ah Xasan Maxamed Jibriil ayaa sidoo kale isna ka hadlay Mashaariicda ay Wasaaradiisu ka hirgalisay gobalka Mudug & Kuwa hada loo soo wado. Wuxuu sheegay in ay hada wadaan 12 Mashruuc kuwasoo wax weyn ka qabanaya xaalada gobalka Oo dhan ,horumarna gaarsiinaya ,isagoo sheegay in Gaalkacyo laga dhisayo Cusbitaal weyn oo looga yimaado gobalada Soomaaliya oo dhan. Wuxuu kaloo sheegay in Sheybaar Caafimaad Xoolaha lugu ogaanayo laga furayo dhawaan Magaalada Gaalkayo ,wuxuu sheegay in dhamaanba ay sidoo kale jiraan Mashruucyo deg deg ku bilaabayana. Wuxuu ugu baaqay Odayaasha dhaqanka in ay ka hortagaan falalka amaan ka soo horjeeda ee gobalka Mudug ka dhacaya ,markaasna khatargalinka in ay joogsadaan Mashaariicdaasi. Wasiir kuxigeenka Amniga ee Puntland Faaraxa Cabdi Doorshe oo ay Shalay ku dhacayeen dhaliilo badan oo dhinaca amniga ,maadaama uu ka joogay dhinaca Amniga ayuu kaga jawaabay siwanaagsan. Faarax wuxuu sheegay in dhibaatada ka taagan deegaanada Puntland ay ka dambeeyaan dadka udhashay deegaanada Puntland ,wuxuuna tusaale usoo qaatey Magaalada Boosaaso waxyaabaha ka dhacaya. Isagoo sheegay in dhibaatada ka taagan oo dhan ay wadaan dadka leh Guryaha ugu waa weyn Magaalada Boosaaso ,wuxuuna Reer Mudug ugu baaqay in ay nabadda ka shaqeeyaan. Wuxuu ku
nuux-nuuxsaday in ay gobalkaan Mudug ka howlgalaan Ciidamada badan oo
iskugu jira Boolis, Asluub & Daraawiish intaba,dhamaantoodna ay doonayaan
in ay amniga sugaan. Kulankaan oo Xasaasi ah ahaa luguna tilmaami karay in uu ahaa la Xisaabtam dhexmarayay Odayaasha gobalka Mudug & Xubnaha dawladda Puntland ku jira ee udhashay gobalka Mudug ayaa waxaa hadalo badan ka soo jeediyey Cuqaal badan wuxuuna ku soo dhamaaday Jawi aad uwanaagsan. Wafuudan waxa ay sii joogayaan maalmaha soo socda ,waxa ayna la kulmayaan dhamaanba Dadka ay khuseyso xaaladaha ay dadka kala hadlayaan ,ayagoo gabagabadana soo saaraya Bayaan ay uga hadlayaan Xaaladaha gobalka Mudug. Wariye Axmed Yaasiin Boosaaso. Kolonyo ciidamo Ethiopian ah oo Maanta Qaraxyo iyo tacshiirad lagula Beegsaday Deegaanka Leego ee Gobolka Sh/hoose Kolonyo ciidamo Ethiopian ah ayaa maanta qaraxyo iyo tacshiirad lagula beegsaday meel ku dhow deegaanka Leego ee gobolka Sh/hoose halkaas oo la sheegay in ciidamada gumeysiga Ethiopia uu khasaare xooggan ka soo gaaray.
Dadka deegaanka ayaa ku waramay in seddax kamid ah gawaari ay wateen ciidamada gumeysiga lagu qarxiyey halkaas islamarkaana ay ciidamada gumeysiga soo gaartay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac kaas oo aan la ogeyn inta uu gaarsiisan yahay.
Warar lagu kalsoon yahay oo laga helay magaalada Beydhabo ayaa sheegaya in labo gaari oo nuuca Uralka ah oo ay ka buuxaan askar baqtisay iyo kuwa dhaawac ah la gaarsiiyey magaalada Beydhabo.
Ciidamada gumeysiga ayaa qaatir ka taagan isticmaalka wadada isku xirta Beydhabo iyo Muqdisho, waxaana ciidamada gumeysiga lala beegsadaa qaraxyo iyo weeraro khasaare badan loogu geysto. Xafiiska
wararka Muqdisho Ciidamada Ethiopia oo howlgallo ka bilaabay gudaha magaalada Baledweyne Ciidamada Ethiopia ayaa howlgallo ka bilaabay gudaha magaalada Baledweyne, iyadoo xalay gudaha magaaladaas ay soo galeen ciidamadii ugu badnaa oo Ethiopian ah oo soo gala gudaha magaalada Baledweyne tan iyo markii ciidamada Ethiopia ay gaareen gobolka Hiiraan. Wararka laga helayo magaalada Baledweyne ayaa sheegaya in ciidamo aad u fara badan ay xalay oo dhan ku soo qulqulayeen gudaha magaalada Baledweyne islamarkaana ay qeybo kamid ah magaalada ka bilaaben baaritaano aan la ogeyn illaa iy iminka waxa ay ku soo qabqabteen.
Dadweynaha ku dhaqan magaalada Baledweyne ayaa si aad ah uga walaacsan ciidamadan Ethiopian-ka ah oo si aad ah uga fara badan kuwii horey loogu arki jiray magaalada bartamaheeda, waxaana dadku ay welwel ka qabaan khasaaraha ka dhalan kara haddii uu iska horimaad ka dhaca gudaha magaalada Baledweyne.
Si kastoy
ahaato arrintaan ayaa ku soo beegmeysa xilli ciidamada Ethiopia ay hub
ka dhigis ku sameeyeen guddoomiyihii xilka laga qaaday ee maamulka gobolka
Hiiraan Yuusuf Dagageed kadib markii ay kala wareegeen hubkii iyo ciidamadii
ilaalada u ahaa. Kooxoaha Burcadka ee dadka iyo Baabuurtaba Baadha oo Tacshiirad ay Saareen Baabuur rakaab ah dad kudilay. Kooxo burcad ah ayaa hal qof ku dilay kuwa kalena ku dhaawacay meel 5-KM u jirta degmada Balcad ee gobolka Sh/dhexe kadib markii ay tacshiirad huwiyeen gaariga rakaab ah oo ku sii jeeday gobolka Hiiraan.
Qofka dhintay ayaa la sheegay in uu ahaa darawalkii gaariga kaas oo ay rasaastu ka haleeshay madaxa, waxaana uu markiiba u geeriyooday waxyeelada ka soo gaaraty rasaastii ay la beegsadeen kooxihii burcadda ahaa.
Warsaxaafadeed Ka soo baxay Jaaliyadda Jubbaland ee Dalka k/afrika. Ujeedo: warsaxaafadeed ka soo baxay jaaliyadda jubbaland ee dalka k/afrika, Shir balaaran oo manta ay iskugu yimaadeen magaaladda port Elizabeth xubnaha jaaliyadda jubbaland ee dalka k/afrika ayeey uga wada hadleen xaaladda murugsan ee uu marayo wadanka soomaaliya guud ahaan ,iyo isbadalka cusub ee ka jira qaar kamid ah degmooyinka juboland , Shirkaas waxaa ka soo baxay qodobo dhowr ah oo lagu taageerayo maamulka cusub ee degmadda afmadow, 1-waxaan uhambalyeynaynaa maamulka cusub ee laga dhisay degmada afmadow , waxaan kale oon ku faraxsanahay maamulkaas oo sheegay in ay ku dhaqmiyaan shareecadda islaamka , taas oo ah xalka kaliya ee ummadda soomaaliyeed mideen kara ,ee lagu gaadhi karo wanaag aduun iyo mid aakhiro, 2-sidoo kale waxaan ugu baaqeynaa goboladda kale ee dalka soomaaliya in ay sameystaan maamulo ku dhaqma shareecadda islaamka , kana fogaadaan gaaladda iyo gaalo raacayadda 3-waxaan kula talineynaa ama ku boorineynaa maamulka cusub ee loo sameyay jubooyinka ,sedan hoos ku qoran: a- adkeynta
ku dhaqanka shareecadda islaamka
1- suldaan
shiine askar
abuu sumaya s/africa |
||
| Home // Warar hore // Taariikh // Faallo // Maqaallo // Agoonta S/galbeed // Xidhiidhka | ||
| Copy right © Soomaligalbeed 2006 |
Email:Webmastar@soomaaligalbeed.com |
Website: http://www. soomaaligalbeed.com |