|
Wararka
maanta
|
||
|
Dad Rayid ah oo ay Ciidamada gumaysiga Ethiopian ku dileen Gudaha Magaalada Baydhabo. Dad Rayid ah ayaa Ku Geeriyooday Maanta Rasaas ay ku Fureen Ciidamada Ethiopia meel ay ku sugnaayeen Dadkaasi oo ka Mid ah Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay. Ilaa labo qofood oo rayid ah ayaa ku geeriyootay Rasaas ay fureen Ciidamada Ethiopianka Bartamaha Magaalada Baydhabo iyadoo dadka la dilay ay wararku sheegayaan In ka Shakiyeen Ciimada Ethiopianka oo saaka Isku Dharariyay Wadada Halboowlaha ah ee Bartamaha Magaalada Baydhabo xili ay ilaalo ka hayeen Booyad ay iyagu leeyihiin oo biyo ka dhaansaneeysay Wakaalada Biyaha Ee magaalada Baydhabo. Guud ahaan arintaasi ayaa Waxaa ay saameeyn weeyn ku yeelatay Ganacsiga Magaalada Baydhabo gaar ahaan Halka ay Ciidamada Ethiopianka isku Dhereriyeen ee Wadada Dheer ee Dhex marta Magaalada Baydhabo. Dadkani la dilay oo ahaa dad Rayid ah ayaa la ogeeyn Sababta dhabta ah ee ka danbeeysay dilkooda iyadoo rasaasta ay rideen ciidamada Ethiopianka laga maqlayay Mudo Daqiiqdo ah magaalada Baydhabo. Goobta uu falku ka dhacaya ayaa waxaa mudo daqiiqado ah waxaa hakad galay isku socodka Dadka iyo Gaadiidka ee Magaalada Baydhabo in kastoo Xalada Ay Caadi ku soo laabatay Markii Danbe waloow Aysan jirin Wax war ah oo ka Soo baxay dhanka Dowlada iyo Maamulka Gobolka Bay. Ciidamada Ethiopianka ayaa waxaa ay mudooyinkan ugu danbeeyay ay Muujinayeen Feejignaa iyo Shaki ay ka Qabaan dadka Rayidka ah Maadaama Dhoor jeer oo hore Lala Beegsaday Qaraxo kala Duwan. Dhawaan
ayeey aheey markii Qarax lala Eegtay Booyad ay ciidamada Ethiopianka leeyihiin
oo mareeysay gudaha Magaalada Baydhabo halkaasi oo ay ka dhasheen Dhimashada
Dad Rayid ah oo Gaarayay 14 ruux oo rayid ah isla markaana uu dhaaca ka
soo gaaro tiro intaa ka badan. Xildhibaan
Maxamed Qanyare Afrax oo Saaka Weerar laguqaaday gurigiisa. Inta laga war hayo laba Askari oo ka Mid ah ilaalada Xildhibaan Maxed Qanyare Afrax ayaa ku dhaawacmay weerar ay kooxo aan la aqoon ay ku qaaden guriga Xildhibaanka oo ku yaala Xaafada Cadaado ee Magaalada Baydhabo. Warar kala duwan ayaa ka Soo baxaya weerarka maanta lagu qaaday guriga Xildhibaanka waxaana wararka qaar ay sheegayaan in weerarkasi ay ka danbeeyeen isla ilaalada Xildhibaanka halka Wararka kalena ay sheegayaan in weerarkasi ay ku soo qaadeen kooxha ka soo hor jeda siyaasada dowlada Somalia iyo Joogitaanka Ciidamada Ethiopia ee Gudaha Dalka Somalia. Kooxaha Weerarka ku soo qaaday guriga Xildhibaanka ayaa waxaa la sheegayaa in ay hubkii ka qaateen labada Askari ee ay dhaceen iyagoo markii danbe ka cararay halkasi. Labada askari ee dhawaca uu soo gaaray ayaa la dhigay Cusbitaalka Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay iydoo mid ka mid ah Labadasi Askari ay xaaladiisa liidato. Ciidamada Booliiska oo ka Tirasan Maamulka Degmada Baydhabo ayaa gaaray la soo dhoobay guriga Xildhibaanka kuwaasi oo Waqti kooban ilaalo ka hayay. Qaar ka Mid ah Masuuliyiinta Magaalada Baydhabo oo marlawaydiiyay Weerarkaasi lagu qaaday guriga Xildhibaan Maxed Qanyare Afrax ee Magaalada Baydhabo ayaa waxaa ay sheegeen in aysanba ka war heeyn weerarkasi. Weerarka
Xiliga lagu Qaadayay guriga Xildhibaan Maxed Qanyare Afrax ayaa
ku soo beegmaya xili uu dalka Dibadiisa ku maqan Hub
kadhigis Maanta ay Ciidamada
Gumaysiga Itoobiya kusameeyeenYuusuf
Dabageed. Dhanka kale wararka laga helayo xarunta Gobolka Hiiraan ee Baladweyne waxa ay sheegayaan in Ciidanka gumeysiga Itoobiya hub ka dhigis ku sameeyeen gudoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan ugu qaabilsanaa DKMG ah ee la shaqeysa gumeysiga Itoobiya, Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Dabageed), iyada oo wararku sheegayaan in 8 gaadhi oo Tikniko ah oo isugu jira Beebayaal iyo C/Bille Dabageed la gala wareegay. Sidoo kale wararku waxa ay intaa ku darayaan in ilaaladii gaar ah ee Yuusuf Dabageed sidoo kale hub ka dhigis lagu sameyay, iyada oo amiga guud ee Yuusuf Dabageed iyo xubno yar oo ka harey maamulkii hore oo isaga waheliya amaankooda ay la wareegeen ciidanka gumeysiga Itoobiya. Warar hoose oo laga helayo Magaalada Baladweyne ayaa sheegaya in arintan ay ka dhalatey, ka dib amar ka soo baxey xubnaha sar sare ee DKMG ah oo ka codsadey Ciidamada gumeysiga Itoobiya ee ku sugan Gobolka Hiiraan ay hub ka dhigus ku sameeyeen Yuusuf Dabageed maadaama xilkii maamulka Gobolka laga qaadey. Sidoo kale wararku waxa ay intaa kudarayaan in hubka maanta Ciidanka gumeysiga Itoobiya kala wareegeen Yuusuf Dabageed lagu wareejin doono maamulka cusub ee dhawaan Gobolka Hiiraan u magacaabey Nuur Cadde. Arintan ayaa ku soo aadaya xilli dhawaan Nuur Cadde maamul cusub u sameeyay Gobolka Hiiraan, kaas oo xubno badan oo ka mid ah maamulka cusub ku gacan seyreen in ay wax xil ah ka qabtaan DKMG ah, iyada oo dhanka kalena Yuusuf Dabageed wali ku adkeysanayo in uu yahey Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan, oo Nuur Cadde aanu xilka ka qaadi Karin maadaama aanu isagu markii hore soo magacaabin. Lama oga in Hub ka dhigista maanta Ciidanka gumeysiga Itoobiya ku sameeyey Yuusuf Dabageed iyo xil ka qaadistii uu dhawaan ku sameeyay Nuur Cadde uu ogalaado iyo uu arimahaas ka qaato goaan kale oo uu ku qaadacayo. Magaalada Muqdisho ee xarunta dalka Soomaaliya oo Tan iyo Markii ay ka dheceen Dagaalada uu Isbadal ku yimid Qeybaha kala duwan ee lagama Maarmaank u ah Nolosha. Magaalada Muqdisho ee xarunta dalka Soomaaliya ayaa tan iyo markii ay ka dheceen dagaalada waxaa isbadal uu ku yimid qeybaha kala duwan ee lagama maarmaank u ah nolosha sida ganacsiga, waxbarashada iyo caafimaadka kuwaas oo badankood meesha ka baxay markii ay sii baaheen dagaalada iyo duqeynta lagu sameeyey qeybo badan oo magaalada Muqdisho ah. Waxbarashada. Waxaa burburay iskuulo badan oo muhiim u ahaa waxbarashada kuwaas oo ay dhiganayeen kumanaan arday Soomaaliyeed ah kadib markii ay goobihii ay ku yaaleen iskuuladaas ay ku baaheen dagaalada islamarkaan ay qaarkood xarumo ciidan ka dhigteen ciidamada Ethiopia. Iskuulada muhiimka ah ee magaalada Muqdsho sida weyn looga yaqaan ee ku burburay dagaalada Muqdisho ka socda ayaa waxaa kamid ah Machadka Siimad, iskuulka Axmed gurey, iskuulka Ablaal, iskuulka Al ma'muun, iskuula Al-cimra iyo iskuullo kale oo dhamaantood ay arday far badan wax ku baran jireen. Kumanaan arday ah ayy iminka la soo gudboonaatay waxbarasho la'aan waxaana arday badankood ay ka carareen dagaalada Muqdisho iyo duqeynta ay ciidamada Ethiopia u geystaan xaafadaha Muqdisho, waxaana aad u yar tirada ardayda hadda wax barata marka loo eego xiliyadii aysan ciidamada Ethiopia soo gelin gudaha magaalada Muqdsho. Caafimaadka. Isbitaalo waawaeyn oo wax weyn ka qaban jira dhinaca caafimaadka ayaa iminka ah kuwa ku burburay dagaalada, waxaana qaar kamid ah isbitaaladaas saldhigyo ciidan ka dhigay ciidamada Ethiopia. Isbitaalada burburay waxaa kamid ah Al-xayaat, Carafaad, Ayaan, Xasan Jiis, SOS iyo isbitaalo kale, waxaana iminka magaalada aad ugu yar xarumaha caafimaad ee wax u qabta dad weynaha xanuunsanay. Sicir bararka. Magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka ayaa waxaa saameyey sicir barar xooggan oo saameyn ku yeeshay nolosha malaayiin dad ah kuwaas oo ka cabanaya sicir bararka sii xoogeysanaya ee ka jira magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka. Tusaale ahaan. Kiilada bariiska ah waxa ay gaartay inka badan 30-kun oo shilin Soomaali ah halka markii hore la iibin jiray wax aan ka badneyn 10-kun, kiilada burka waxa ay gaartay 35-kun halka markii hore la iibin jiray 10-kun, kiilada Baastada ah waxa ay gaartay 40-kun halka markii hore la iibin jiray wax ka yar 20-kun, liitarka saliid cadeyda ah waxa uu gaaray 42-kun halka markii hore uu ka ahaan 25-kun, liitarka saliid macsarada ah waxa uu gaaray 70-kun halka markii hore uu ka ahaa wax ka yar 30-kun. Si kastaba
ha ahaatee isbadalada ku yimid qeybaha kala duwan ee wax yaabaha asaasiga
u ah nolosha aadanaha gaar ahaan dadka reer Muqdisho ayaa waxaa mas'uul
ka ah dagaalada ka jira magaalada gaar ahaan xasuuqa iyo duqeynta aan
kal go'a laheyn ee ciidamada Ethiopia ay ka geystaan magaalada Muqdiho
kuwaas oo salfaday nolosha kumanaan qof oo Soomaaliyeed halka inka badan
2-milyan oo qof ay u barakeceen gobolada dalka. War Degdeg ah: Baabuur ay Wateen Booliska Maamulka Jigjiga iyo Askartii Saarnaydba oo Lagu qabqabtay Magaalada Addis Ababa. Mawaxaad
tahay mise waxaad ismooday! Magaalada Baledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan oo Saaka aroorti lagu arkay Ciidamo fara badan oo Ethiopian ah. Magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxaa saakay aroortii lagu arkay ciidamo fara badan oo Ethiopian ah kuwaas oo ku sugan gudaha magaalada gaar ahaan buundooyinka ku yaal magaalada Baledweyne ee buundo weyn iyo buundada Liiqliiqato. Ciidamadaan Ethiopian-ka ah oo ka soo ruqaansada deegaanka Jante kundishe oo qiyaastii 5-KM u jirta magaalada Baledweyne ayaan la ogeyn sababaha ay u yimaadeen magaalada Baledweyne, hase ahaatee waxaa la sheegay in y baaritaano ka bilaabeen magaalada. Lama sheegin cid ay illaa iyo hadda ku soo qabqabteen baaritaanadaas, waxaana inta badan saakay xiran goobihii ganacsiga ee magaalada Baledweyne, waxaana dadku ay ka welwel qabaan in ciidamada Ethiopia ay ku qabqabtan baaritaanada ay ka wadaan gudaha magaalada Baledweyne dad badan oo shacab ah. Magaalada Baledweyne oo xarun u ah gobolka Hiiraan ayaa isbuucyadii la soo dhaafay aheyd meel uusan ka jirin wax maamul ah, waxaana magaalada maalmihi ugu dambeeyey gacanta ku hayey xoogagga ka horjeeda ciidamada Ethiopia iyo dowladda federaalka. Soo gelitaanka ciidamada Ethiopia ee gudaha magaalada Baledweyne ayaa ku soo beegmeysa xilli la hadal hayo in uu magaalada soo gaaro guddoomiyihii hore ee xilka laga qaaday Yuusuf Dabageed oo ay wehliyaan ciidamo Ethiopian ah. |
||
| Home // Warar hore // Taariikh // Faallo // Maqaallo // Agoonta S/galbeed // Xidhiidhka | ||
| Copy right © Soomaligalbeed 2006 |
Email:Webmastar@soomaaligalbeed.com |
Website: http://www. soomaaligalbeed.com |