Baabuur laga soo buuxiyay waxyaabaha Qarxa oo caawa lagu Qarxiyay gudaha Xero ay deganyihiin Ciidamada Macatab udirirka Tigreegu.

Maqribnimadii caawa ayaa nin naftii hure ihi wuxuu gaadhi Qooqana oo laga buuxiyay walxaha qarxa gudaha u galiyay xero ay daganyihiin ciidamadda gumaysiga Itoobiya halkaasoo la sheegay in uu ku qarxiyay baabuurka, ninkan ayaa la sheegay inay usuura gashay in uu galo xeradda gudaheeda kadib markii uu soo daba galay kolonyo ciidamadda gumaysiga ah oo xerada sii galayay.

Qaraxan loo adeegsaday Baabuurka oo ahaa mid aad u weyn isla markaana gilgilay magaalada Baydbabo ayaan ilaa iyo hadda si rasmi ah loo sheegi karin Baaxada khasaaraha uu geystay, sida caadada u ah ciidamadda gumaysiga ayay yartahay in la ogaado khasaaraha soo gaadha.

Qaraxan ayaa ku soo beegmay xili uu khilaaf xoogani soo kala dhexgalay labada nin ee ugu saraysa maamulka maqaar saar ah ee Tigreega la shaqaysta kaaasoo sababay in dalka u gacan galo cadowgii Soomaaliyeed ee soo jireenka ahaa.

Labada nin ayaa la sheegay inay caawa ku mashquulsanyihiin sidii uu nin waliba fikirkiisa uga dhaadhicin lahaa Barlamaanka kuwa ay xulafada yihiin ama isku beesha yihiin.

 

Back