|
Wararka
maanta
|
||
|
Roobab laxaad leh oo Maalmihii ugu Dambaysay ka da'ayay qaybo badan oo ka mid ah Dhulka S/galbeed. Roobab
laxaad leh ayaa maalmihii u dambaysay waxay si toos ah uga da'ayeen qaybo
badan oo ka mid ah Dhulka S/galbeed, meelaha ay sida tooska ah uga da'een
ayaa waxaa ka mid ahaa, Gobolada Jigjiga iyo nawaaxigeeda, iyadoo magaalada
Jigjigana laga bilaabo galabtii ilaa habeen badhkii oo si toos ah uga
da'o.
Xoogagga Mujaahidiinta oo Maanta la wareegay Labo gaari oo ay lahaayeen Xubno kamid ah golaha Wasiirada DF. Xoogagga Mujaahidiinta ayaa maanta la wareegay labo gaari oo ay lahaayeen xubno kamid ah golaha wasiirada dowladda Soomaaliya kadib weerar ka dhacay meel u dhexeysa deegaanada Wanla-weyn iyo Yaaq bariweyne. Iska horimaad la sheegay in uu dhexmaray ciidamadii la socday gawaarida iyo xoogagga Al-shabaab ayaa waxaa ku naf waayey 4-kamid ahaa ciidamadii la socday gawaarida halka qaar kalena ay ku dhaawacmeen. Afhayeenka Al-shabaab Sheekh Muqtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) ayaa xaqiijiyey in xoogagga Al-shabaab ay la wareegeen labo gaari oo ay lahaayeen wasiiro ka tirsan dowladda kuwaas oo ay weerar gaadmo ah kula beegsadeen iyagoo ku sii jeeda magaalada Beydhabo ee xarunta gobolka Bay. Wuxuu sheegay in hal gaari uu ka baxsaday kaas oo u baxsaday dhinaca deegaanka Leego ee gobolka Sh/hoose, isagoo intaa raaciyey in sidoo kale ay qabsadeen qoryo u badan kuwa fudud. Illaa iyo hadda wax war ah kama soo bixin mas'uuliyiin ka tirsan dowladda gaar ahaan wasiirada la sheegay in ay leeyihiin gawaarida ay maanta qansadeen xoogagga hubeysan ee Al-shabaab oo si weyn uga horjeeda siyaasadda dowladda federaalka ee u adeegta cadowga iyo joogitaanka ciidamada gumeysiga Ethiopia. Xafiiska
wararka Muqdisho Xoogaga Mujaahidiinta Soomaaliyeed iyo Ciidamada Gumaysiga Itoobiya oo uu iska hor imaad kudhaxmaray.. Iskhor imaad
u dhexeeya ciidamada gumeysiga Ethiopia iyo xoogag mujaahidiinta Soomaaliyeead
oo wax yar ka hor ka dhacay wadada warshadaha gaar ahaan inta u dhexeysa
isgoysyada Towfiiq iyo Carafaad. Qaraxa booyadda kadib ayaa waxaa halkaas ka dhacay dagaal muddo daqiiqado ah socday, iyadoo hubka noocyadiisa kalan duwan la isku adeegsaday mudadii uu socday dagaalka. Wararka
ayaa sheegaya in iska horimaadku uu ku baahay inta u dhexeysa isgoyska
Carafaad illaa warshadda Baastada halkaas oo ay si joogto ah u istcimaalaan
ciidamada gumeysiga Ethiopia ee fariisinka ku leh xaruntii hore ee warshaddaBaastada.Si
dhab ah looma oga khasaaraha ka dhashay iska horimaadka marka laga reebo
qarax lala haleelay gaariga booyadda ahee biyaha u dhaamin jirtay ciidamada
gumeysiga Ethiopia ee ku sugan xaruntii hore ee warshadda Baastada.Xaaladda
ayaa iminka caadi ah, mana jiro wax iska horimaad ah oo hadda socda, hase
ahaatee waxaa la maqlayaa rasaas teel teel ah oo u muuqata in ay ridayaan
ciidamada gumeysiga Ethiopia ee ku sugan inta u dhexeysa xaafadda Carafaad
illaa warshaddii hore ee Baastada.Xafiiska wararka Muqdisho Qaar kamid ah Wadooyinka Magaaladda Muqdisho oo saaka xiran Qeybo kamid ah wadada wadnaha ayaa waxaa saaka xirtay ciidamada dowladda oo ay weheliyaan ciidamo Ethiopian ah kadib dagaal shalay ka dhacay isgoyska Florenza ee xaafadda Xararyaale oo fariisin u ah ciidamo ka tirsan dowladda federaalka.
Ciidamada dowladda ee ku sugan isgoyska Xararyaale ayaa guud ahaan xayiray dhaqdhaqaaqii gaadiidka dadweynaha, waxaana ciidamadaas oo ay wehliyaan ciidamo Ethiopian ah ay dhaqdhaqaaq ka wadaan isgoyska Xararyaale oo fariisin u ah.
Isgoyska Florenza ayaa shalay waxaa ka dhacay dagaal aad u qaraar oo salfaday nolosha dad ka badan 10 qof halka ay ku dhaawacmeen inka badan 30 qof oo rayid ah, waxaana dadkaas dhaawacyadooda la dhigay isbitaalada Muqdisho.
Si kastaba ha ahaatee isgoyska Florenza ee xaafadda Xararyaale oo ay saldhig ku leeyihiin ciidamada dowladda ayaa xirma marka uu halkaas dagaal xooggan ku dhexmaro ciidamada dowladda iyo kooxaha ka horjeeda, waxaana saameynta ugu badan ay ku yeelataa gaadiidka dadweynaha iyo dadka shacabka ah ee isticmaala wadada wadnaha. |
||
| Home // Warar hore // Taariikh // Faallo // Maqaallo // Agoonta S/galbeed // Xidhiidhka | ||
| Copy right © Soomaligalbeed 2006 |
Email:Webmastar@soomaaligalbeed.com |
Website: http://www. soomaaligalbeed.com |