Wararka maanta

Shir lagu Bahdilayo Ganacsatada Qandaraaska kaqaadata Maamulka Jigjiga oo Maalmahanba Kasocda Magaalada Jigjiga.

Qandaraaslayda Magaalada Jigjiga ayaa maalmahanba waxaa u socday Shir kaas oo qiimeyn uu maamulka Kililku ku samaynayay Qandaraaslaydan, sidoo kale waxaa uu Shir intiisa badan ahaa mid qof waliba uu sheeganayo wixii uu ku nabad gali lahaa isagoo dadka qaarkii ay sheeganayeen inay ka tirsanaan jireen Jabhadaha ku kacsan maamulka balse hadda ay ka baxeen.

Haddaba intii uu socday Shirkani ayaa waxaa xabsiga loo taxaabay Shakhsiyaal iyagu iska lahaan jiray Shirkado Ganacsi iyo kuwa kale oo Qandaraaslayaal ahaa kuwaas oo Maamulka Kililku ku eedeeyay inay gacansaar la leeyihiin Jabhadaha ku kacsan Maamulka. sidoo kale waxaa loo hanjabay intii uu socday Shirkani Shakhsiyaal kale oo banaanka ka ahaa Shirka kuwaas oo ay ka mid yihiin Maamulka Shirkadda Xawaaladda Kaah Jigjiga Sheikh Shukri iyo Najiib Aden oo isna dhinac ka ahaa Qandaraaslayda ahna Masuulka Kaah ee Dhulka S/galbeed oo isaga Shirkaddiisa Qandaraaslaha ah aad loo haystay dhinac kalena Xawaaladda looga haystay oo Guumaysigu lahaa waxay caawisaa Jabhadaha ka soo horjeeda Guumaysiga.

Isu soo duuboo Shirkan ayaa ahaa mid lagu magacaabi karo Is fashilin sheego waxaad tahay ahaw ama ha ahaanin, iyadoo dadka intiisa badan ay sheeganayeen wax aysan ahayn kuwaas oo isku badbaadinayay taas, sidoo kale qaar kale oo waxaaba jiray Guumaysigu ku eedeeyay inay Jabhadaha gacansaar la leeyihiin balse waligood aan arkinba Jabhad magacay maqlaan mooyee. Guumaysiguna markuu xal kale oo uu sameeyo waayay ayaa hadda waxaa uu damcay inuu dadkii isku diro oo qaarkood uu dusha ka saaro waxaysan ahayn qaar kalena ugu hanjabo inay ciqaabo kala duwan marayaan haddii aysan sheegan Jabhadaha.

MMI oo Shaaciyay in ay Guul ka soo hoyeen Dagaalkii ay ciidamada Gumaysiga Itoobiya Kula Galeen Matabaan.

Afhayeenka dhinaca howlgalada maxkamadaha islaamka oo ka hadlay dagaalka ka socda deegaanka Matabaan markii ugu horeysay ayaa sheegay inay go'doomiyeen ciidamadii Ethiopian-ka ahaa ee ka soo baxay degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

Wuxuu sheegay afhayeenku inay khasaare xooggan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac gaarsiiyeen ciidamada Ethiopia oo ay dagaalka kula galeen deegaanka Matabaan, isagoo intaa ku daray in ciidamada Ethiopia ay ku halaagsameen dagaalka.

"ilaah baan kaga mahad celineynaa nasriga uu ilaahay mujaahidiinta siiyey, cadowgana ku jabiyey, insha'alaahu kuwani gacanta mujaahidiinta bey ku baxayaan" ayuu yiri C/raxiin Ciise Cadow.

Wuxuu intaas sii raaciyey inay sii wadayaan dagaalka illaa ay meesha ka saaraan ciidamada Ethiopia, wuxuuna xusay in ciidamada Ethiopia uun ujeedkuudu yahay xasuuqa shacabka Soomaaliyeed iyo inay meel uga dhacaan sharafka diinta islaamka

Ciidamada Gumaysiga Itoobiya oo sadex Qof oo Rayid ah ku dilay, Guryana ku gubay Tuulooyin ka tirsan Gobolka Nogbeed ee Wadanka S/galbeed.

Ciidamada Gumaysiga Itoobiya ee ku sugan Tuulada Dudumo caday ee gobolka Nogbeed ee wadanka s/galbeed, ayaa sadex qof oo rayid ah ku dilay tuuladaas, iyagoo guryahooda jooga. Warar lagu kalsoon yahay ayaa website ka soomaaligalbeed u xaqiijiyay in dadka lalaayay ay ahaayeen sadex nin oo rayid ah oo aanaan magac yadooda wali helin, ragan ayay wararku ku sheegayaan in ay ahaayeen odoyaal katirsanaa magaaladaas oo ay ciidamada gumaysiga Itoobiya ku eedeeyeen in aanay lashaqaynaynin, sidaas darteedna ay yihiin nabad diidyo.

Dilkan ay ciidamada Gumaysiga Itoobiya u gaysteen muwaadiniintaas ayaa ku soo beegmaysa xili ay maalintii shalay ahay ay ciidamada gumaysiga Itoobiya ku gubeen sadex guri, gacantana kaga jabiyeen haweenay diiday in lagubo gurigeedii oo ku yaalay tuulada Haargaloon oo katirsan isla gobolka Nogbeed.

wariyaheena dabcasar ee ku sugan gobolka Nogbeed ee wadanka s/galbeed ayaa noo soo xaqiijiyay dhaawaca haweenaydan iyo gubida sadexda guri ee ku yaalay tuulada Haargaloon .

Dhibaatada uu cadawga s/galbeed ku hayo shacabka s/galbeed ayaa ah mid aan dhamaad lahayn oo ay arintoodu noqotay maaloo dilay yaase kadanqanaya

 

Shir Balaaran oo ay Isugu yimaadeen 8 hay'addood oo Maanta Ka dhacay Xarunta Socdaalka ee Magaaladda port elizabeth ee Wadanka South Africa.

PORT ELIZABETH: Shir balaaran ooy iskugu yimaadeen 8 hay'addood oo maanta ka dhacay xarunta laanta socdaalka ee magaaladda port elizabeth(department home affairs ,office of refugee reception centre: port elizabeth) ayaa waxaa laga wada hadlay sidii wax looga qabanlahaa xaaladda laanta socdaalka howlaheedana dar dar loo galin lahaa madaxa laanta socdaalka MR: lucas (centre manager)oo sharaxaad dheer ka bixiyay hab socodka xafiiskiisa ayaa tilmaamay inuu xafiiskiisa ka jiro musuqmaasuq baahsan oo u baahan in lala dagaalamo laga lana shaqeeyo xafiiskiisa wax kasta oo lagu joojin karo ama lagu yareyn karo musuq maasuqaas baahsan.


Hay'addaha ka qeyb galay shirkan ayaa waxaa ka mid ahaa
1-jaaliyadda soomaaliyeed ee dalka k/afrika (SASA)
2- jaaliyadda zambabu
3-jaaliyadda Ethiopia
4- uruurka laan qeyrta cas k/afrika
5- booliska shacabka(police forum)
6-uruurka shaqaalaha k/afrika
7- uruurka xuquuqda aadamaha k/afrika
8- uruurka daryeelka dadweynaha k/afrika
wafdiga jaaliyadda soomaaliyeed ee dalka k/afrika (SASA) oo ka koobnaa labo xubnood ayaa kala ahaa:-
C/Raxmaan Raabi gudoomiye kuxigeenka jaaliyadda
C/laahi sh. qorane xubin xafiiska jaaliyadda East london

Waftigan Jaaliyada ayaa sharaxaad dheer ka bixiyay qaabka oogu wanaagsan ee uu ku socon karo xafiiska laanta socdaalka ee Gobolka Eastern cape , laguna yareyn karo musuq maasuqa baahay ee ka jira xaafiiska.

Wakiilada hay'addaha kor ku xusan markeey hadleen labo jeer oogu yaraan ayaa loo balamay shir dib laga soo sheegi doono inshaa alaahu waxii ka danbeeya isbuuca soo socda
jawiga shirka ayaa waxaa hareeyay daganaasho & dood wanaag & is dhageysi wacan,
madaxda laanta socdaalka ayaa amaanay oo ku cel celiyay kaalinta jaaliyadda soomaaliyeed ee dalka k/afrika ee ku aadan talo bixinta joogtadaha eey siiso laanta socdaalka
abuu sumaya
s/africa

Ciidamada Gumaysiga Itoobiya oo Dhufaysyo kadhex Qotay Gudaha Magaalada Jigjiga .

Askarta Ciidamada Guumaysiga ayaa dhufaysyo dhawr ah waxay ka dhex samaysteen gudaha Magaalada Jigjiga taas oo xilliyada habeenkii ah ay galaan, meelaha ay Dhufaysyada ka samaysteen ayaa u badan Gurigii uu degganaan jiray Ninkii Guumaysiga u joogi jiray Jigjiga ee dhawaan ku dhintay magaalada Addis Ababa. sidoo kale waxay dhufays kale ka samaysteen meel isgoys ah oo u dhaw Xabsiga ay leeyihiin Askartaas oo ku dhex yaalla magaalada dhexdeeda

Haddaba Dhufaysyadan ayaa ah mid xilliga habeenkii ah ay ku gabadaan iyagoo aad moodid inay dagaal ku jiraan amase ay is hor fadhiyaan ciidan kale, lamana garanayo waxa haatan ay dhufaysyadaas uga dhex samaysteen magaalada dhexdeeda.

Dhanka kale Amniga magaalada ayaa maalmahan aad loo adkeeyay iyadoo waddo kasta iyo isgoys walba ay taagan yihiin ugu yaraan 2 Askari kuwaas oo mararka qaar Shacabka waydiinaya Waraaqo Aqoonsi iyo wixii la mid ah.

Haddaba magaalada Jigjiga ayaa u eg mid Ammaankeedu xumaaday maadaama habeen walba ay Askartu magaalada aad u dhex socdaan isla markaana laamiyada ay taagtaagan yihiin Askartu, qofkuna uusan isku aaminaynin Askarta marba hadday gaadho habeen oo dadku ay fiidba xaroodaan maadaama cabsi laga qabo wax dhaca oo markaana Askarta Guumaysigu Shacabka iska xidhxidhaan

Home // Warar hore // Taariikh // Faallo // Maqaallo // Agoonta S/galbeed // Xidhiidhka
Copy right © Soomaligalbeed 2006

Email:Webmastar@soomaaligalbeed.com

Website: http://www. soomaaligalbeed.com