 |
Ciidamada
Dalka Suudaan oo Qabqabtay Tahriibayaal Soomaali ah oo u socday
Dhanka Libiya.
Ciidamada
dalka Suudaan ayaa qabqabtay Tahriibayaal Soomaali ah oo doonayey
in ay ka dalka Sudan uga sii gudbaan dalka Liibiya, xilli dalka
Sudan ay ka jiran qalalaase siyaasadeed oo hareeyey magaalooyin
ay kamid tahay Khartoum.
|
 |
Diyaarado
Dagaal oo Dulheehaabaya Hawada Gobolak Magaaladda Dhuuso Mareeb.
Diyaarado
dagaal ayaa dulheehaabaya hawada gobolak Galgaduud gaar ahaan
xarunta gobolkaas ee Galgaduud oo kal hore duqeyn ay u geysteen
diyaaradaha dagalka mareykanka.
|
 |
Dakhtar
Soomaalida Kenyan ah oo ku xiran Xabsi kuyaala Maamul Goboleedka
Puntland.
Xabsi ku yaala Maamul goboleeedka Puntland ayaa waxaa wali ku
jira Dr. Ibrahim Gorijo Ali oo ah dhakhtar Kenyan ah, iyada oo
loo aanaynayo xiritaankiisa waxa ay ugu yeereen Falal argagaxisanimo.
15/5/08
|
 |
Aqoonyahanka
iyo ardayda Beesha Absame ee Malaysia oo cambaaraynaya falalka
Maamullada Puntland iyo S/land ay Dadka ugu dhiibayaan Itoobiya.
Annagoo
ah waxgaradka, aqoonyahanka iyo ardayda beesha Absame ee ku nool
Malaysia waxaan cambarayn kulul usoo jeedinaynaa ficilka xun ee
ay ku talaabsadeen maamullada Puntland iyo S/land ee dadka kasoo
jeeda degaanka S/galbeed loogu gacan galinayo Itoobiya.14/5/08
|
 |
Maamulka
Cade Muuse oo Caado kadhigtay Kaganacsiga Muwaadiniinta Udhashay
Wadanka S/galbeed.
Ciidamada
amaanka ee Magaalada Boosaaso ayaa qabtey Shan Nin oo ka soo dagayey
Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka
Bari ,sida ay sheegayaan Warar Madax banaan.14/5/08
|
 |
Maamulka
lamagac baxay S/land oo Cadawga Itoobiya u soo gacan galiyeen
laba Muwaadin oo u dhashay Dhulka S/galbeed.
Wararka
ka imaanaya Xuduuda Wajaale ayaa sheegaya in Maamulka lamagac
baxay S/land ay Cadawga Itoobiya u soo gacan galiyeen laba Muwaadin
oo u dhashay Dhulka S/galbeed. Muwaadiniintan ayaa sida wararku
sheegayaan muddo dheer waxay degganaayeen Magaalada Hargaysa waxayna
iska ahaayeen Ganacsato, Mid ka mid ah Muwaadiniintan waxaa uu
ahaa Sarifle ka ganacsada Sarifka lacagaha, midka kale ayaa isagu
lahaa Hotel weyn oo seexad leh14/5/08
|
 |
Nin
Hubeysan ayaa Xalay labo qof ku dilay Gudaha Magaalada Kismaayo
ee Xarunta Gobolka J/hoose.
Nin
hubeysan ayaa xalay labo qof ku dilay gudaha magaalada Kismaayo
ee xarunta gobolka J/hoose gaar ahaan xaafadda Aargada ee magaalada
Kismaayo kaib markii uu tacshiirad huwiyey goob biibito ah oo
ay dadku ku badnaayeen.14/5/08
|
 |
Ku
xigeenka Guddoomiyaha Golaha dhexe ee Isbeheysiga Dib u xoreynta
Ahna hormuudka Xubnaha ka qeybgalaya Shirka Jabuuti oo Hadal aan
jirin ku tilmaamay Warkii Shalay ka soo yeeray Xoghayaha Difaaca
ISbeheysiga.
Ku
xigeenka guddoomiyaha golaha dhexe ee isbeheysiga dib u xoreynta
ahna hormuudka xubnaha ka qeybgalaya shirka Jabuuti ayaa hadal
aan jirin ku tilmaamay warkii shalay ka soo yeeray xoghayaha difaaca
isbeheysiga dib u xoreynta Soomaaliya Sheekh Yuusuf Maxamed Siyaad
(Indhacadde).14/5/08
|
 |
Isqab
qabsiga Dukaamadda Dadka Soomaaliyeed ee Kudhaqan Wadanka South
Africa oo Siibadanaya.
Isqabqabsiga
Somalida South Africa Kudhaqan ayaa inta badan
ubadan mid aay ayaga isu geestaan taas oo sababta in cadawoga
ay ku dhax noolyihiin Ee ajaanibta ah ay fiiriyaan jaanisyada
iyo
duleelada ay kaheli karaan in ay helaan fursada ay ku dhacaan
hantida umada soomaliyeed.13/5/08
|
 |
Ciidmadda
Gumaysiga Itoobita oo
Dad shacab ah ku Xasuuqeen Dhul Beereed Kuyaala Deegaanka Mulla
ee Toga Faafaneed oo ka tirsan Gobalka Jigjiga.
Ciidmadda Gumaysiga Itoobita ee dhulka Soomaaligalbeed xooga ku
jooga ayaa 11/Bishan 2008 waxay dad shacab ah ku xasuuqeen Dhul
beereedka Kuyaala Deegaanka Mulla ee Toga Faafaneed oo ka tirsan
gobalka Jigjiga.13/5/08
|
 |
Shir
Sannadeedkii Jaaliyadda S/galbeed ee Dalka k/afrika oo ka furmay
Magaaladda Johannesburg.
Johannesburg:
shir sannadeedkii jaaliyadda soomaali galbeed ee dalka k/afrika
oo ka furmay magaaladda Johannesburg kaas oo socoday 10-13-
may 2008, kana soo qeyb galeen dad weyne aad iyo aad u badan oo
ka kala yimid daafaha dalka k/afrika shirka ayaa lakaga wada hadlay
xaaladda guud ee gobolka geeska afrika & tan s/galbeed.13/5/08
|
 |
Tahriibayaal
hor leh oo wali kusii qulqulaya wadanka Yamedn xili ay soo baxayso
qaylo dhaan ku aadan arimaha tahriibta
Tiro
tahriibiyaa oo gaareya ilaa 45 oo u badanaa soomaliy iyo Etiopia
ayaa gaarey galinkii danbe shalay xeebaha wadanka Yamen iyaga
oo badqaba oo aanay wax dhibaato ah aanay soo gaarin.13/5/08
|
 |
Rabshado
Dhimasho iyo Dhaawac Wata oo Kadhacaya Wadanka Koonfur Afrika.
Tirada
dhimashada iyo dhaawaca , barakaca, iyo dadka loo qabtay oo sii
kordhaya. Dalka k/afrika iyadoo eey maaalintii 3 aad galeen rabshada
dalka gilgiley oo dhan ah ajaaniibta.iyo muhaajiriinta. 13/5/08
|
 |
Ciimada
DF oo maanta Rasaas Ooda kaga qaaday Dadka ku sugan Ceelasha Biyaha.
Ugu
yaraan 4 ruux oo rayid ah ayaa si xun ugu dhaawacantay ka gadaal
markii kulanayo ay la socdeen Ciimada Milatariga ee dowladda oo
marayay Ceelasha biyaha ay rasaas ood kaga qadeen mid ka mid ah
Ciidamada ilaalada goobaha gacansiga eek u yaala deegaanka ceelasha
biyaha oo xiligaasi watay qori ay ka shakiyeen ciidamdani.13/5/08
|
 |
Yuusuf
Indhacade oo Usoo jeediyay inay Isaga baxaan Xubnaha Shirka Jabuuti
Uga qaybgalaya Isbahaysiga.
Madaxa dhinaca difaaca u qaabilsan Isbaheysiga Dib U Xoreynta
Soomaaliye Sh. Yuusuf siyaad (Yuusuf Indha Cadde), oo Maanta u
waramay qaar kamid ah warbaahinta Magaalada Muqdisho ayaa qaadacey
shirka Jabuti ka socda 13/5/08
|
 |
War
Degdeg ah: Maxkamada
Magaaladda jigjiga oo Xukun Dheer Kuriday Rag Caan ka ahaa Wadanka
S/ galbeed.
Maxkamada Magaaladda jigjiga ayaa Ragmas'uuliyiin ka ahaa maamulaka
uu hormuudka kayahay Lugbuur kuxukuntay labadan mas'uul mid kamid
ah Rubuc Qarni, Halka midka kalena ay ku xukuntay khumusl Qarni.
13/5/08
|
 |
Qaar
kamid ah Mas'uuliyiinta Goboladda bay Iyo Bakool oo Hubkadhigis
lagu sameeyay.
Wararka
laga helayo magaalada Beydhabo ayaa sheegaya in mas'uuliyiin ka
tirsan dowladda oo ka soo jeeda beelaha Digil iyo Mirifle lagu
sameeyey hub ka dhigis kadib markii saraakiisha Ethiopian-ka ah
ee ku sugan magaalada Beydhabo ay sidaa amreen. 13/5/08
|
 |
Barakac
Xooggan oo ay Sameynayaan Dadka ku dhaqan Deegaanada Leego iyo
Yaaq bariweyne.
Barakac
xooggan oo ay sameynayaan dadka ku dhaqan deegaanada Leego iyo
Yaaq bariweyne ayaa maanta si weyn uga socda deegaanadaas iyadoo
ay sii baahayaan iska horimaadyada iyo dagaalada deegaanadaas
ku dhexmaraya ciidamada Ethiopia iyo kooxaha dagaalada kula jira.
13/5/08
|
 |
Wakiilka
Gaarka ah ee Qaramada Midoobay oo Arrimaha Dalka Soomaaliya Ugu
baaqay Beesha Caalamka in ay Taageeraan Soomaaliya.
Wakiilka
gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee arrimaha dalka Soomaaliya ayaa
ugu baaqay beesha caalamka in ay taageeraan Soomaaliya islamarkaana
ay garab istaagaan dadaalada dib u heshiisiineed ee uu isaga horkacayo.
13/5/08
|
 |
|
 |
Mujaahidiinta
Soomaaliyeed oo la wareegay Gacan ku heeynta Degmada Bardaale
ee Gobolka Bay.
Mujaahidiinta
Soomaaliyeed ee ka soo hor jeeda Dowlada Siyaasada dowlada iyo
joogitaanka ciidamada Ethiopia ee gudaha dalka Somalia ayaa guud
ahaan gacan ku heeynta Magaalada Bardaale ee gobolka Bay la wareegay
iyagoo wax iska Caabin ah aysan la kulmin. 13/5/08
|
 |
Kulan
looga hadlayey Sicir bararka & Qiimo dhaca Sh/So. oo lagu
qabtey Magaaladda Boosaaso.
Kulan
looga hadlayey sicir bararka & qiimo dhaca Sh/So oo lagu qabtey
Bosaso Kulan balaaran oo ku aadan arimaha sicir bararka xoogan
ee taagan iyo qiimo dhaca ku yimid shilinka Soomaaliga ayaa maanta
ka dhacay xarunta Dawlada Hoose ee magaalada Boosaaso ee xarunta
Gobolka Bari.12/5/08
|
|
Gaalkacyo |
Wafti
Kasocda Maamul Goboleedka Puntland iyo Odoyaasha Dhaqanka Gobolka
Mudug oo uu Shir ugu soo dhamaaday Magaalada Gaalkacyo.
Xubnaha
dawladda Puntland ugu jira Golayaasha kala duwan ee dawladda Puntland
oo maalmahaan joogay gobalka mudug ayaa la kulmay Odayaasha dhaqanka
ee Magaalada Gaalkacyo.12/5/08
|
 |
Kolonyo
Ciidamo Ethiopian ah oo Maanta Qaraxyo iyo Tacshiirad lagula Beegsaday
Deegaanka Leego ee Gobolka Sh/hoose
Kolonyo
ciidamo Ethiopian ah ayaa maanta qaraxyo iyo tacshiirad lagula
beegsaday meel ku dhow deegaanka Leego ee gobolka Sh/hoose halkaas
oo la sheegay in ciidamada gumeysiga Ethiopia uu khasaare xooggan
ka soo gaaray.12/5/08
|
 |
Ciidamada
Ethiopia oo Howlgallo Ka bilaabay Gudaha Magaalada Baledweyne
Ciidamada
Ethiopia ayaa howlgallo ka bilaabay gudaha magaalada Baledweyne,
iyadoo xalay gudaha magaaladaas ay soo galeen ciidamadii ugu badnaa
oo Ethiopian ah oo soo gala gudaha magaalada Baledweyne tan iyo
markii ciidamada Ethiopia ay gaareen gobolka Hiiraan.12/5/08
|
 |
Kooxoaha
Burcadka ee dadka iyo Baabuurtaba Baadha oo Tacshiirad ay Saareen
Baabuur rakaab ah dad kudilay.
Kooxo
burcad ah ayaa hal qof ku dilay kuwa kalena ku dhaawacay meel
5-KM u jirta degmada Balcad ee gobolka Sh/dhexe kadib markii ay
tacshiirad huwiyeen gaariga rakaab ah oo ku sii jeeday gobolka
Hiiraan.12/5/08
|
 |
Warsaxaafadeed
Ka soo baxay Jaaliyadda Jubbaland ee Dalka k/afrika.
Shir balaaran oo manta ay iskugu yimaadeen magaaladda port Elizabeth
xubnaha jaaliyadda jubbaland ee dalka k/afrika ayeey uga wada
hadleen xaaladda murugsan ee uu marayo wadanka soomaaliya guud
ahaan ,iyo isbadalka cusub ee ka jira qaar kamid ah degmooyinka
juboland12/5/08
|
 |
Dad
Rayid ah oo ay Ciidamada Gumaysiga Ethiopia
ku dileen Gudaha Magaalada Baydhabo.
Dad Rayid ah ayaa Ku Geeriyooday Maanta Rasaas ay ku
Fureen Ciidamada Ethiopia meel ay ku sugnaayeen Dadkaasi oo ka
Mid ah Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay.11/5/08
|
 |
Xildhibaan
Maxamed Qanyare Afrax oo Saaka Weerar laguqaaday
gurigiisa.
kooxo Hubeeysan oo aan La garaneeyn ayaa Saaka Weerar ku qaday
Guriga uu ka Degan Yahay Magaalada Baydhabo Xildhibaan Maxed
Qanyare Afrax iyadoo halkasi lagu dhaawacay qaar ka mid ah ilaalada
Xildhibaanka.11/5/08
|
 |
Hub
kadhigis Maanta ay Ciidamada
Gumaysiga Itoobiya kusameeyeenYuusuf
Dabageed.
Ciidanka gumeysiga Itoobiya ee fariisinka ku leh duleedka Magaalada
Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan, oo gudaha Magaalada u galey
saaka ayaa duhurnimadii maanta dib uga baxey iyaga oo ku noqdey
fariisimadooda.11/5/08
|
 |
Magaalada
Muqdisho ee xarunta dalka Soomaaliya oo Tan iyo Markii ay ka dheceen
Dagaalada uu Isbadal ku yimid Qeybaha kala duwan ee lagama Maarmaank
u ah Nolosha.
Magaalada
Muqdisho ee xarunta dalka Soomaaliya ayaa tan iyo markii ay ka
dheceen dagaalada waxaa isbadal uu ku yimid qeybaha kala duwan
ee lagama maarmaank u ah nolosha sida ganacsiga, waxbarashada
iyo caafimaadka kuwaas oo badankood meesha ka baxay markii ay
sii baaheen dagaalada iyo duqeynta lagu sameeyey qeybo badan oo
magaalada Muqdisho ah.11/5/08
|
 |
War
Degdeg ah: Baabuur
ay Wateen Booliska Maamulka Jigjiga iyo Askartii Saarnaydba oo
Lagu qabqabtay Magaalada Addis Ababa.
Mawaxaad
tahay mise waxaad ismooday!
Baabuur
ay Wateen Booliska Kililka iyo Askartii saarnaydba ayaa waxaa
lagu qabqabtay Magaalada Addis Ababa, Baabuurkan ayaa markii hore
waxaa laga soo diray Jigjiga iyadoo uu soo diray Cabdi Iley waxayna
u socdeen inay soo xidhxidhaan dad soo magan galay Addis oo ka
soo baxsaday Maamulka Kililka.11/5/08
|
 |
Magaalada
Baledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan oo Saaka aroorti lagu arkay
Ciidamo fara badan oo Ethiopian ah.
Magaalada
Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxaa saakay aroortii
lagu arkay ciidamo fara badan oo Ethiopian ah kuwaas oo ku sugan
gudaha magaalada gaar ahaan buundooyinka ku yaal magaalada Baledweyne
ee buundo weyn iyo buundada Liiqliiqato.11/5/08
|
 |
Roobab
laxaad leh oo Maalmihii ugu Dambaysay ka da'ayay qaybo badan oo
ka mid ah Dhulka S/galbeed.
Roobab
laxaad leh ayaa maalmihii u dambaysay waxay si toos ah uga da'ayeen
qaybo badan oo ka mid ah Dhulka S/galbeed, meelaha ay sida tooska
ah uga da'een ayaa waxaa ka mid ahaa, Gobolada Jigjiga iyo nawaaxigeeda,
iyadoo magaalada Jigjigana laga bilaabo galabtii ilaa habeen badhkii
oo si toos ah uga da'o.10/5/08
|
 |
Xoogagga
Mujaahidiinta oo Maanta la wareegay Labo gaari oo ay lahaayeen
Xubno kamid ah golaha Wasiirada DF.
Xoogagga
Mujaahidiinta ayaa maanta la wareegay labo gaari oo ay lahaayeen
xubno kamid ah golaha wasiirada dowladda Soomaaliya kadib weerar
ka dhacay meel u dhexeysa deegaanada Wanla-weyn iyo Yaaq bariweyne.10/5/08
|
 |
Xoogaga
Mujaahidiinta Soomaaliyeed iyo Ciidamada Gumaysiga Itoobiya oo
uu iska hor imaad kudhaxmaray..
Iskhor
imaad u dhexeeya ciidamada gumeysiga Ethiopia iyo xoogag mujaahidiinta
Soomaaliyeead oo wax yar ka hor ka dhacay wadada warshadaha gaar
ahaan inta u dhexeysa isgoysyada Towfiiq iyo Carafaad.10/5/08
|
 |
Qaar
kamid ah Wadooyinka Magaaladda Muqdisho oo saaka xiran
Qeybo
kamid ah wadada wadnaha ayaa waxaa saaka xirtay ciidamada dowladda
oo ay weheliyaan ciidamo Ethiopian ah kadib dagaal shalay ka dhacay
isgoyska Florenza ee xaafadda Xararyaale oo fariisin u ah ciidamo
ka tirsan dowladda federaalka.10/5/08
|

Qaylo dhaan
Dhamaan
muxsiniinta ajir iyo xasanaad alle hakasiiyee waxay jamciyadda
Al-Tacaawun Al- khayriya oogu qaylo dhalaaminaysaa agoontii Mujaahidiinta
S/galbeed oo ay lasoo daristay dhibaatooyin balaadhan sida;..9/5/08
|
 |
Magaalada
Jabuuti oo uu soo gaaray wafdigii ugu horeeyey ee ka socday isbahaysiga
Dib U Xoreynta Soomaaliyeed
Wararka naga soogaadhaya magaalada Jabuuti ayaa sheegaya in wafdigii
ka socday isbahaysiga Dib U Xoreynta Soomaaliyeed ee u yimid wadahadalii
la rabay in ay kadhacaan dalka Djabuuti inuu soo gaaray 9/5/08
|
 |
Isbartiibo
&wasaaradii hire ee Gaashaandhigga oo lagu weeraray hoobiye
Weerar Hoobiye yaal ah ayaa Mujaahidiintu waxay Galabta ku duqeeyeen
fariisimadda ay Ciidamada gumaysiga Itoobiya ku kala leeyihiin
Stadium Muqdisho iyo Wasaaraddi hore ee Gaashaandhigga ee caasimadda
Muqdhisho. 9/5/08
|
 |
Mujaahidiinta
Soomaaliyeed oo la wareegay Gacan kuheenta Saldhigii Booliska
ee Waaberi.
Mujaahidiinta
soomaaliyeed ee mmi ayaa lawareegay gacan kuheenta saldhigii degmada
waaberi IYO QAYBO kamid ah wadada maka-al-mukarrama ee magaalada
moqdisho kadib markii uu dagaal culus oo dhexmaray ciidamada mujaahidiinta
soomaaliyeed iyo kuwa dabadhilifka itoobiya. 8/5/08
|
 |
Ciidamada
gumeysiga Ethiopia oo dad u badan xoolo dhaqato ku gowracay gobolka
Sh/hoose.
Meydadka
dad u badan xoolo dhaqato oo ay gowraceen ciidamada gumeysiga
Ethiopia ayaa laga helay hareeraha deegaanka Yaaq bariweyn ee
gobolka Sh/hoose halkaas oo shalay weerar khasaare loogu geystay
ciidamada gumeysiga uu ka dhacay. 8/5/08
|
 |
Dowladda
Wadanka Masar oo Xabsiga Dhigtay koox tahriibayaal ah.
Ciidanka ilaalada xuduudaha ee dalka masar ayaa fashiliyey qorshe
loogu tahriibinayey 30
qof oo Ereteriyaan iyo Sudaan isugu jira dalka ay dariska yihiin
ee israaiil. halkaas oo waayahaan danbe ay u tahriibayeen
dad badan oo sudanes iyo ereteriyaan ah kuwaas oo sheegta in ay
ka yimaadeen gobolka Darfur ee dhibaatada kataagan tahay .7/5/08
|
 |
Aas
Maanta Kadhacay magaala madaxda Gobalka Eastern Cape Ee Port Elizabeth
ee wadanka S/afrika oo uu Aas Balaadhan Kadhacay.
Shalay
oo ay ahayd maalin talaado ah ayaa waxaa ka dhacay magaaladda
port elizabeth aas aad iyo aad u balaaran ooy ka soo qeyb galeen
dhamaan qeybaha kala duwan ee bulshada soomaaliyeed ee ku nool
gobolka Eastern cape7/5/08
|
 |
Maxkamad
ku sheegta Magaalada Jigjiga oo Maxaabiis tiro badan la keenay
Shalay.
Waxaa
maanta la soo taagay Maxkamad ku sheegta magaalada Jigjiga Maxaabiis
aad u tiro badnayd kuwaas oo goobta Maxkamadda lagu keenay baabuur
qafilan oo ay leeyihiin Booliska la shaqeeya Guumaysiga.7/5/08
|
 |
Naxariis
Daranaa ma Wayaanaa!
Dowladda Itoobiya oo Inkirtay in ay soomaaliya ka gaysatay wax
Tacadi ah.
Dowladda
Itoobiya ayaa warsaxaafadeed kasoo uu soo saaray xafiiska wasaarada
arrimaha Dibada ee Siyum Musfin ayaa ku gacan saydhay, wax kama
jiraana ka soo qaaday, warbixin ay dhowaan Hay'adda Amnesty International
ka soo saartay, in ciidamada gumeysiga Itoobiya ay dad rayid ah
ku laayeen gudaha Soomaaliya, iyaga oo weliba u gowracay sidii
xoolaha oo kale.7/5/08
|
|
AMNESTY
INTERNATIONAL
|
Amnesty
International oo ku eedeysay ciidamada gumeysiga Itoobiya in ay
geysteen xad gudubyo ka dhan ah xuquuqda beni aadamka
Amnesty
International ayaa ku eedeysay ciidamada gumeysiga Itoobiya in
ay geysteen xad gudubyo ka dhan ah xuquuqda beni aadamka, iyaga
oo laayey culumaa udiin iyo dad kale oo rayid ah. 7/5/08
|
 |
JABISO
oo weerar khasaaro geystay ku qaaday galabta Warshada Baastada
Ex-control Balcad ee M/Muqdisho.
Abaarihii
05:30 Galabnimo xiliga Magaalada Muqdisho waxa ay Mujaahidiinta
Jabhadda Islaamiga Soomaaliyeed(Jabiso) weerar ku qaadeen fariisinka
warshadii hore ee Baastada Ex-control Balcad ee Magaalada Muqdisho
oo ay deganyihiin Ciidamada gumeysiga Itoobiya.6/5/08
|
 |
Dibadbaxyo
Rabshada wata oo Maalintii labaad ka socda qeybo kamid ah Magaalada
Muqdisho.
Dibadbaxyo
rabshada wata ayaa maalintii labaad ka socda qeybo kamid ah magaalada
Muqdisho ee xarunta dalka Soomaaliya kuwaas oo looga horjeedo
diidmada lacagaha duugga ah iyo kuwa jeexan.6/5/08
|
 |
C/laahi
Yuusuf oo Taageero Militari ka codsaday Wadanka Fransiiska.
Wakaalada
wararka Reuters ayaa shaaca kaqaaday, in C/Laahi Yuusuf uu shalay
ka codsaday dowladda France taageero Militari si loo xasiliyo
Amaan xumida kajira dalka soomaaliya.6/5/08
|
 |
Jaamacada
Arabta oo u diraysa guddi xaqiiqa raadin ah oo soo kormeerta xadka
lagu muransan yahay ee u dhexeeya Djibouti iyo Ertrea.
Jaamacada
Arabta ayaa shalay go'aansatay in ay u dirto guddi xaqiiqa raadin
ah xadka lagu muransan yahay ee u dhexeeya Djibouti iyo Ertrea
si loo qiimeeyo xaaladda iyo si loogu soo diyaariyo warbixin Jaamacadda
Carabta, iyada oo uu hogaaminayo howshaasi xoghayaha Arrimaha
Siyaasada Jaamacada Carabta Safiir Ahamed Ben Hely.
6 /5/08
|
 |
War
degdeg ah :
isbitaalka wayn oo gaarisa ee gobolka waqooyi bari ee kenya oo
uu dab xoog badani uu qabsaday .
Wararka nagasoo gaadhaya magaalada gaarisa ee caasimada
gobolka waqooyi bari kenya ayaa sheegaya in maanta duhurkii uu
dab xoog badani qabsaday,kadib markii uu dab xoogbadani ka kacay
qol kamid ah qololka isbitaalka ee lagu daweeya bukaanada .5/5/08
|
 |
Dowlada
China oo Canbaareeysay Duqeeyntii Mareeykanka Ee Dalka Somalia.
Dowlada
shiinaha ayaa Canbaareeysay Duqeeyntii uu dhawaan ka geeysteen
Mareykanka qeeybo ka Mid ah Dalka Somalia oo uu ku tilmaameen
in ay ahayd Mid xasuuq ah oo shacabka Masaakiinta ah lagubaa bi'inayo.5/5/08
|
 |
Guddoomiyaha
dib u xoraynta Somaliyeed oo si wayn u beeniyay in masar ay siiso
tageero Militaray
Sheikh
shariif sheikh Axmed oo ah guddoomiyaha isbahaysiga dib u xoreynta
soomaaliya oo haatan ku sugan dalka masar ayaa beeniyey wararka
sheegaya in isbahaysigooda ay ka helaan dalka masar hub .4/5/08
|
 |
Odayaasha
magaalada Kismaayo oo ku Guuleystay in ay furaan xayiraadii saareed
magaalada kismaayo
Waxgaradka
Magaaalada Kismaayo ee xarunta J/hoose ayaa ku Guuleystay in qadaan
isbarooyin ay ka samaysteen gudaha magaalada Maleeshiyooyin Hubaysan,
kuwaasi oo dhigtay afaafka laga galo dagkada isbarooyin,isla markaana
duqayn xoogan oo loo adeegsaday Hubka Lidka Diyaaradaha ku qaaday
Gudaha weyn ee Kismaay duqayntaasi oo waxyel ay kasoo gaadhay
qalabkii dakada dhexyiilay.4/5/08
|
 |
Mid
kamid ah xubnaha barlamaanka Soomaaliya ayaa maanta iska casilay
xilkii xubinimada barlamaanka
Mid
kamid ah xubnaha barlamaanka Soomaaliya ayaa maanta iska casilay
xilkii xubinimada barlamaanka Soomaaliya sababo la xiriira wax
uu ugu yeeray xil gudasha la'aanta xukuumadda ra'isulwasaare Nuur
Cadde.4/5/08
|
 |
Dibad
bax looga soo horjeedo gumaadkii ay diyaaradaha mareykanku ka
geystay degmada Dhuusamareeb oo kadhacay Guricee
.
Dibad
bax looga soo horjeedo duqeyntii uu mareykanku ka geystay degmada
Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud ayaa maanta ka dhacay
degmada Guriceel oo ka tirsan degmooyinka gobolka Galgaduud.4/5/08
|
 |
Qaxar
xoogan oo lalabeegsaday Ciidamada Ethiopia oo maanta ka dhacay
Suuqa Toowfiq ee Degmada Yaaqshiid.
Weerar
loo adeegsaday Miinada Meelaha Fog Fog laga hago ayaa maanta lagu
qaday koolanyo Ethiopian ah oo marayay Agagaarka Suuqa Towfiiq
ee Magaalada Muqdisho kaasi oo ay ku nafwaayeen inta la ogyahay
3 ka mid ah Ciidamada Ethiopianka waxaana sidoo kale soo gaaray
dhawac aan la ogeeyn Tiradiisa.4/5/08
|
 |
Golaha
dhaqanka beelaha hawiye oo Warsaxaafadeed kasoo saaray falalkii
gardarada ahaa ee uu maraykanku kula kacay shacabka soomaaliyeed.
Shir ay isugu yimaadeen Golaha dhaqanka iyo midnimada
Beelaha hawiye ayaa waxay canbaareyn kulul u jeedinayaan Dowlada
Mareykanka duqeynta ay ku hayaan dalka Soomaaliya..3/5/08
|
 |
Dekedda
magaalada kismaayo oo maleeshiyaad hubeesani ay maalintii labaad
uxidhantahay
Maleeshiyaad
hubeysan oo aad u careysan ayaa maalintii labaad madaafiic ku
garaacaya dekadda Kismaayo oo ah xarunta gobolka J/hoose, iyadoo
sidoo kalena aysan wax shaqo ah ka socon maalintii labaad dekadda
magaalada Kismaayo.3/5/08
|
 |
Qaar
kamd ah ardaydii ay ciidamada itoobiyaanku
ka kaxeesteen masjidka al.hudaa oo laga dayrinayo xaalad nololeed
kooda.
Illaa iyo 8 arday oo ka tirsanaan 41 gii arday ee ay
ciidamada gumaysiga Ethiopia xooga uga soo aftuubteen masaajidka
Al-Hidaaya ee magaalada Muqdisho xiligii uu halkaasi ka socday
dagaalkii qaraaraa ee u dhexeeyey ciidamada Ethiopia iyo Mujahidiinta
Somaliyed ayaa weli ku jira gacanta ciidamada3/5/08
|
 |
Diyaradaha
dagaalka Maraykanka oo si xun u garaacay goobo ay ku xoganyihiin
xoogaga Madaiyiinta ee Magalada Al Sadar
Ugu
yarantii 15 ruux ayaa ku geeriyooday in ka badan 70 kalana way
ku dhawceen werardii ka dhacay 24 sacadood ee lasoo ay ka wadeen
ciidamada Maraykanka gudaga wadanka Ciraaq kuwaasi oo Maraykanku
uu ku qaaday xoogag dacada u ah hogamiye diimedka wadanka Ciraaq
Muqdada Al sada.3/5/08
|
 |
Ciidamada
Gumaysiga Itoobiya oo Tuuladda Gurdumi ku dilay dad shacab ah.
Wararka
naga soo gaadhaya Degmada Awaare gaar ahaan Tuulada Gurdumi ayaa
sheegaya in Askarta Guumaysigu halkaas ku dileen laba Nin oo Shacabka
tuuladaas ka mid ahaa, labadan Nin ayaa la sheegayaa inay ahaayeen
dad Shacab ah isla markaana aan wax shaqo ah haynin oo ahaa dad
Reer miyi ah.3/5/08
|
 |
Ciidamada
Mujaahidiinta MJXSG oo Weerar Xoog badan ku qaaday saldhi ay lahayeen
Ciidamada Gumaysiga Itoobiya.
Ciidamada
Mujaahidiinta Middowga Jabhadda Xoraynta S/galbeed ayaa 1/5/2008
weerar xoogan ku qaaday saldhig ay ciidamada gumaysiga Itoobiya
ku lahaayeen Magaalo Garaslay,oo u dhaw Degmada dhuxun ee gobolka
Nogbeed ee wadanka S/galbeed.3/5/08
|
 |
Dilal
Salka ku haya aano qabiil oo Xalay kadhay agagaarka Mahadaay ee
Gobolka Sh/dhexe.
Dilal
salka ku haya aano qabiil ayaa xalay kooxo hubeysan waxa ay ka
gesyteen qeybo kamid ah gobolka Sh/dhexe gaar ahaan deegaano hoostaga
degmada Mahadaay ee gobolka Sh/dhexe.3/5/08
|
 |
Magaaladda
Jigjiga oo ay Maxkamad uga socoto Ibraahin Xaad, oo ahaa Ninka
ugu dhaw Gumaysiga oo loo haysto Nabad Diidnimo.
Waxaa
maalmahanba ka socotay magaalada Jigjiga siiba Maxkamad ku sheegta
Degaanka Dacwad lagu soo oogayay Ibraahim xaad oo mar hore lagu
xidhay magaalada Jigjiga, isagoo loo haysto in uu in uu dhabar
jabiyajo maamul kusheega deegaanka .3/5/08
|
 |
Isbahaysiga
Dib u Xoreynta Somaliya oo ku hanjabay in uu isaga baxayo wada
hadalada lagu wado in ay ka furmaan Dalka Jabuuti
Sida
uu sheegay shabakadda Aljazeera.net Isbahaysiga Dib u Xoreynta
Soomaaliya ayaa ku hanjabay in ay isaga baxayaan wada hadalada
dib u heshiisiinta ah ee lagu wado in Dalka Jabuuti ay ka bilowdaan
10 bishan hadda lagu jiro, ka dib markii ay Ciidamada maraykanku
duqeyn ka geysteen Magaalada dhuuso mareeb oo keentay in uu ku
geeriyoodo xubno sar sare oo ka mid ah Mujaahidiinta Al-shabaab.3/5/08
|
 |
Xaafadaha
ka ag dhaw Jidka Warshadaha oo ay Baaritaano
ka sameeyeen .Ciidamada Gumeysiga Itoobiya.
Ciidamada
Gumeysiga Itoobiya ayaa baaritaano saaka ka sameeyay xaafadaha
ka agdhaw jidka warshadaha ee Magaalada muqdisho isla markaana
dib ugu laabtay fariisimadoodii3/5/08
|
 |
Budhcad
hubeysan oo Somali ah oo Kabillawday Wadanka Koonfurta Afrika.
Dabley Soomaliyeed oo ku hubeysan Bastoolado ayaa habeenadii hore
waxay bilaabeen in ay dhac ugeestaan dadka kudhaqan P,e iyo Nawaaxigeed
dableeydan oo jinsiyadoodu tahay Somaali ayaa waxaay ku soo korodhay
dhibka ay ugeeysanayaan Dadka somaliyed oo kudhaqan Gobalka Eastern
Cape Gaar ahaan Magalada Port Elizabeth 2/5/08 |
 |
Muwaadiniin
Reer S/galbeed ah oo uu marlabaad Maamul Goboleedka Puntland u
dhiibay Itoobiya.
Muwaadiniin
reer S/galbeed ah ayaa lasheegqay in abaare 03:50 salaad subax
ka hor loo gudbiyay dhinaca Itoobiya iyaga oo la marsiiyay Magaalada
Gal-Dogob ee Gobolka Mudug ka dib markii shalay galinkii dambe
laga qab-qabtay waqooyiga Magaalada Gaal Kacyo ee isla Gobolkaasi.2/5/08
|
 |
Sawirqaaadihii
Aljazeera Saamil Xaaji oo laga soodaayay Guantanamo soona gaadhay
Khartuun.
Sawirqaade
Saamil xaaji oo ahaa wariye ushaqayn jiray Tvga Aljazeera una
dhashay wadanka suudaan, oo ay ciidamada maraykanku kuqabteen
2001 wadanka Afganistaan, xiligii uu socday dagaalkii uu maraykanku
kuqaaday Dhaalibaan.2/5/08
|
 |
Isbahaysiga
dib u xoreynta Soomaaliya oo si aad iyo aad ah u cambaareeyay
Duqeyntii gardarada ahayd ee ay ciidamada mareykanku kuqaadeen
Dhuuso Mareeb.
Isbahaysiga
dib u xoreynta Soomaaliya waxa uu si aad iyo aad ah u cambaareynayaan
duqeyntii gardarada ahayd ee ay ciidamada mareykanku La beegsadeen
xaafad ka mid ah xaafadaha magaalada Dhuusamareeb ee Gobalka Galgaduud
bartamaha Soomaaliya.1/5/08
|
 |
Allaha unaxariistee Aaden Xaashi iyo Mas'uuliyiin
kale oo ku Shihiiday duqayntii Ay Diyaaradaha Maraykanku Kusameeyeen
Magaaladda Dhuuso Mareeb.
Duqeyn
xalay uu mareynkanku u geystay magaalada Dhuusamareeb gaar ahaan
guri ay ku sugnaayeen mas'uuliyiin ka tirsanaa ururka Al-shabaab
ayaa waxaa ku geeriyooday Aadan Xaashi Faarax (Ceerow) iyo Sheekh
Muxudiin Maxamuud Cumar.1/5/08
|
 |
Layaabka
Aduunka!! Jiir loo tababaray in uu Miinooyin kasaaro Wadanka Ugaandha.
Layaabka
Aduunka, maalinba maalinta kadambaysa waxaad arkaysaa waxaad layaabto,
soomaaliduna waxay ku maah maahdaa " Nin aduunyo Joogoow
maxaa aragti kuu laaban ama Cimrigaaga oo raaga Geel dhaluu kutusaa"
waxaa maanta dunida ku soo biiray in la ageedsado jiir oo uu kanacfi
badnaado bin aadanka.1/5/08
|